Amina Silmi waa haweenay u dhalatay dalka Marykanka, kasoo jeeda gobolka Colorado, waxay ahayd ardayad iyo saxafiyada. Todobaanadkii ayey ahayd markii ugu horeysay ee Computerka loo adeegsado in lagu diiwaangaliyo ardayda Jaamicada, kadibna sanadku markuu ahaa 1975 tii ayaa Amina Silmi si qaldan loogu diiwaangaliyey Computrka, waxaana usoo baxay maado aanay dooran. Amina waxay aaday Jaamicada gaar ahaan maadadii usoo baxday inay barato, kadibna fasalka ayey ugu tagtay arday muslimiina oo kasoo jeeda wadamada Carabta oo dhiganaya Fasalka.

Dabadeedna ninkeedii ayey usheegtay in aanay jeclayn inay hal fasal la dhigato dad ajaanib ah oo waliba haysta diinta Islaamka, kadibna ninkeedii ayaa u sheegay in khaladkii Computerka ka ymid uu ahaa inaad la kulanto dhalinyaradan oo aad ugu yeedho diinta Kiristaanka.

Amina waxay go’aansatay inay fasalkaas tagto, sidoo kalena ay diinta Masiixiyada u bandhigto dhalnitii, hase ahaatee dhalintii ayaa ayaguna siiyey kitaabka Quraanka Kariimka ah. Amina way akhriday Quraanka, waxayna ku qanacday in kitaabkani yahay hadalkii Ilaahay, kadibna waxay bilowday inay xiisayso tacaaliimta Islaamka, waxay iska daysay cabidii khamriga iyo cunida doofaarka. Hase ahaatee ninkeedii ayaa Amina ku tuhmay inay xidhiidh la leedahay nin kale, kadibna sidaas ayey ku kala tageen.

Mudo kadib waxa Amina u yimi nin magiciisa la dhaho Abdulaziz, wuxuuna u sharraxay diinta Islaamka iyo inay ku dhawaaqdo shahaadada, kadibna sanadkii 1977 dii ayey ku dhawaaqday Shahaadada.

Markii la ogaaday inay islaamtay, ayaa ehelkeedii iyo asxaabteediiba ka fogaadeen, hooyadeed may aqbalin islaamnimadeeda, walaasheed waxay u malaysay inay maskaxda ka bukto. Hooyadeed ninkeediina wuxuu soo qaatay baastoolada oo wuxuu isku dayey inuu dilo, isagoo u arkayey i Amina dhimato iyo inay naarta gasho waxa dhaama inay dhimato.

Amina waxaas oo dhib iyo cadaadis ah umaysan dabcin ee waxay kusii adkaysatay diinteedii, waxay xidhatay xijaabkii, balse shaqadii ayaa lagasoo eryey maadaama ay sidato xijaab kadibna ninkeedii oo ay kala maqnaayeena waa furay.

Maadaama ay ninkeedii kala tageen waxa laga qaatay laba caruura oo ay lahayd, waxayna maxkamdu ku xukuntay inay kala doorato islaamnimadeeda iyo ubadkeedaa, wuxuuna qaadigii maxkamadu siiyey mudo dhan 20 daqiiqadood. Amina waxay tidhi: 20kaas daqiiqo waxay ahaayee labaatankii daqiqo ee noloshayda ugu adkaa.

Kadibna Amina waxay talo saaratay Ilaahay, waxayna dooratay Islaamnimada, sidaasna waxay ku wayday ubadkeedii oo waxa la siiyey ninkeedii ay kala tageen. Waxa kale oo baraarujin mudan in xilliyadaas dhakhaatiirtuna u sheegeen inay tahay madhalays.

Amina waxay sii cuskatay tawxiidka, waxayna ku adkaysatay diinteeda, kadibna waxay adeegsatay saxaafada illamaa ugu danbayn wax laga badalay qaanuunka Mareynka oo loo ogolaaday caruuteedii.

Amina waxay sii haysatay diinteedii, waxayna bilowday inay jeediso muxaadarooyin iyo inay dadka caawiso, kadibna ehelkeedii ayaa usoo dabcay oo usoo dhowaaday.

Ayeydeed oo da’deedu ahayd boqol sanadood ayaa islaamtay mudo yar kahor dhimashadeedii, kadibna waxa u yimid ninkeedii hore ee ay kala tageen wuxuuna soo galay Islaamka, isagoo raali galin ka bixiyey falkii uu ku kacay. Dabadeedna waxa u timid walaasheed ayaduna waxay soo gashay diinta Islaamka, halka wiilkeedii oo ahaa 21 jir isaguna uu ka qaatay diinta Islaamka. Adeerkeed hooyadeed qabayna oo ahaa ninkii isku dayey inuu dilo isaguna wuxuu qaatay diinta Islaamka.

Amina waxay guursatay nin kale, waxayna ahayd madhalays hase ahaatee waxay dhashay ilmo, waxayna u bixisay Barakah.  Amina waxay sii wadatay nolosheedii iyo inay ku dhagantahay diinta Islaamka, waxaana loo doortay gudoomiyada midowga caalamiga ah ee haweenka muslimaatka ah, waxayna jeedisay khudbadooyin iyo muxaadarooyin iyo doodo cilmiyeed, waxaana caan baxay magaceeda oo laga barta guud ahaan dalka Maraykanka.

Amina waxa asiibay cudurka Kansarka waxayna tidhi waa barako xaga Ilaahay ka timid. Amina waxay tusaale u tahay guud ahaan muslimiinta, waa haweenay u samirtay una dulqaadatay dhibaatooyinka iyo imtixaanka Aduunka, kadibna Ilaahay samirkeedii wax kaga tusay ayadoo nool oo ay ehelkeeda badankoodii qaateen diinta Islaamka.

Amina waxay ku geeriyootay shil baabuur sanadkii 2010 kii kadib markii ay magaalada Newyorka ay ka jeedisay muxaadaro ay kaga hadlayso diinta Islaamka.


Xigasho: