Tusmo

Xukunka Xajka iyo Shuruudihiisa:

 

Xajku waa tiir wayn oo kamida tiirarka Islaamka, oo Ilaahay (s.w.t) uu ku waajibiyey ruuxa Muslimka ah ee awooda:

وَلِلَّـهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلًا ۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ اللَّـهَ غَنِيٌّ عَنِ الْعَالَمِينَ ﴿٩٧﴾ [سورة آل عمران/97]

“Ilaahay wuxuu ku waajibiyey Dadka inay xajaan Baytka cidii awooda jidkiisa, cidiise gaalowda Ilaahay wuu ka kaaftoonyahay Caalamiinta” [Suuratu Alcimraan:97]

Dadkuna kamay suulin inay xajaan lagasoo bilaabo maalintii nabi Ibraahiim uu sare u qaada kacbada, ee Ilaahayna faray dadka inay gutaan waajibaadka Xajka, gudashada xajkuna maaha mid istaagaysa inta ruux mu’imn ah uu ku noolyahay dhulka, marka Ilaahay uu oofsado arwaaxda Mu’miniinta ee dhulka ay isugu soo hadho noolaha ugu sharka badan markaas ayuu istaagayaa xajku.

Waa maxay Xukunka Xajku?

Waxa Culumadu isku waafaqeen in Xajku yahay ku yahay waajib qofka cimrigiisa hal mar, waxaana u daliila aayadaha Quraanka, xadiiska nabiga (scw) iyo ijmaaca Ummada nabi Muxamed (scw).

Quraanka waxa u daliila:

وَلِلَّـهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلًا ۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ اللَّـهَ غَنِيٌّ عَنِ الْعَالَمِينَ ﴿٩٧﴾ [سورة آل عمران/97]

“Ilaahay wuxuu ku waajibiyey Dadka inay xajaan Baytka cidii awooda jidkiisa, cidiise gaalowda Ilaahay wuu ka kaaftoonyahay Caalamiinta” [Suuratu Alcimraan:97]

Xadiiska nabiga waxa u daliila:

«بني الإسلام على خمس: على أن يعبد الله ويكفر بما دونه، وإقام الصلاة، وإيتاء الزكاة، وحج البيت، وصوم رمضان» رواه البخاري ومسلم.

“Islaamka waxa lagu dhisay shan: in la caabudo Ilaahay oo laga gaaloobo wixii kasoo hadhay, in la oogo salaada, in la bixiyo Zakada, in la guto Xajka, in la soomo Ramadaan.” (Waxa soo saaray Bukhaari iyo Muslim).

Ijmaacana Umada Islaamka:

Umada Islaamku way isku waafaqday waajibnimada Xajka [1]

Shuruudaha Xajka waajibiya:

Xajka waxa loo shardiyeeya kuwan soo socda:

  • Ugu horeyn Islaamnimo, ruuxa aan muslimka ahayn xajku waajib kuma aha, xitaa haduu gutana kama ansaxayo, mana ubanaana xitaa inuu galo magaalada Makkah, waxaana u daliila aayadan:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّمَا الْمُشْرِكُونَ نَجَسٌ فَلَا يَقْرَبُوا الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ بَعْدَ عَامِهِمْ هَـٰذَا ۚ

“Kuwa iimaanka laga helayow (Xaqa rumeeyey), dhab ahaantii gaaladu waa nijaas ee yaanay usoo dhowaanin Masaajidka xurmaysan sanadkan wixii ka danbeeya” [Suurah Altawbah:28] (Gaalada waxa nijaasoobay qalbigooda ay gaalnimada ku rumaysanyihiin, maaha jidhka ama maqaarka gaalada)

  • Ta labaad waa caqliga, maxaa yeelay ruuxa waalan kuma waajibayo Xajku, haduu ruuxu uu waalnaa lagasoo bilaabo kahor intaanu qaangaadhay laguma laha xajka xitaa haduu hanti leeyahay.
  • Ta sadexaad waa qaangaadhka, cidii ka hoosaysa qaanqaadhnimada kuma waajibayo xajku, haduuse uu xajo xajkiisaasi waa ansaxayaa balse kama gudayso xajkii Islaamka.
  • Ta afaradaa waa Xornimada, ruuxa adoonka ah kuma waajibayso xajku maxaa yeelay waa ruux ku mashquulsan arrimaha sayidkiisa, wuxuu haystaa cudurdaar oo ma awoodayo.
  • Ta shanaad waa awooda iyo kartida jidhkiisa iyo xoolahaba, waxayna u qaybsantaa afar qaybood:
  1. Koowaad, waa inuu leeyahay awood jidheed iyo xoolaba, kaas way ku waajibaysaa naftiisa xajka iyo cumraduba.
  2. Labaad, waa inuu leeyahay awood jidheed balse aanu haysanin xoolo, markaa way ku waajibaysaa Xajka iyo Cumraduba hadii aanay joojinin lacag la’aani, tusaale ahaan haduu daganyahay magaalada Makkah ama meel u dhow oo aanay dhib ku haynin inuu tago Xajka, markaas way ku waajibaysaa.
  3. Sadexaad, waa inaanu lahayn awood jidheed balse wuxuu leeyahay xoolo, ruuxaana way ku waajibaysaa balse cid ayuu wakiilanayaa u xajta.
  4. Afaraad, waa inaanu lahayn awood jidheed, haysanina wax xoolo ah, ruuxaas kuma waajibayso Xajka iyo Cumraduba. Waxay culumada qaar sii raaciyaan shuruudahaas in wadada iyo jidka loo marayo Xajku ay tahay aamin iyo nabadgalyo, oo aanay jirin wax cabsi ahi.

Dumarka waxa shuruudahaas u dheer laba shardi oo kala ah:

  1. Waa inay la socotaa Ninkeeda, ama nin maxramkeed ah, hadii aanay labadaas mid jirin kuma waajibayo Xajku.
  2. Waa inaanay ku jirin cido tirsiga Furniin ama laga dhintayba, sababtoo ah Ilaahay ayaa reebay in dumarka cido tirsanayaa ay kasoo baxaan guryahooda, sababtoo xajka waxay gudankaraan waqti kale, inshallah.  wuxuuna dhahay:

لَا تُخْرِجُوهُنَّ مِن بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخْرُجْنَ

“Haka saarina guryahooda ayaguna yayna bixin” [Suuratu Aldalaaq: 1]

Tiiararka ama Arkaanta Xajka:

  • Tiirka koowaad waa Ixraamka: waan inuu qofku u niyeysto cibaadadan uu galayo, waxaana u daliila xadiiskii nabiga ee uu lahaa: “Camalada dhamaantood waxa saldhig u ah Niyada” Niyadaasina waxay leedahay waqti xadidan, waana bilaha xurmaysan ee Ilaahay Quraankiisa ku tilmaamay:

الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَّعْلُومَاتٌ

“Xajku waa bilo la yaqaano” [Suuratu Albaqarah:197]

Sidoo kale Xajku wuxuu leeyahay meelo la xidho Xajka, cidii ka tagta niyadaas uma xidhmayo Xajko.

  • Tiirka Labaad: waa in la istaago Carafo, waxaana u daliila xadiiskii nabiga (scw) uu dhahay: «الحج عرفة» (Xajku waa Carafo), waxa soo saaray Abudaawuud iyo qayrkii. Wuxuuna waqtigiisu bilaabmayaa marka Qorraxdu soo baxdo maalinta Sagaalaad ee Dulxajj, wuxuuna soconayaa illamaa Qorraxdu kasoo baxdo maalinta Gawraca (Maalinta Ciida ee Tobanka Dulxajj). Qofkii istaaga xilligaas Caraf xitaa hal ilbidhiqsiba ha ahaadee wuu istaagay Carafo.
  • Tiirka Sadexaad: Waa dawaafka Ifaadah ( in lagu dawaafo Kacbada) wuxuuna noqonayaa marka lagasoo laabto Carafo iyo Muzdalifah, waxaana u daliila aayadan:

ثُمَّ لْيَقْضُوا تَفَثَهُمْ وَلْيُوفُوا نُذُورَهُمْ وَلْيَطَّوَّفُوا بِالْبَيْتِ الْعَتِيقِ ﴿٢٩

“Markaana ha dhamaystiraan cibaadadooda, hana oofiyaan nadarkooda, hana dawaafaan Baytka Catiiqa (Horeeyey)” [Suuratu Alxajj:29]

Sidoo kale nabiga (scw) waxa laga wariyey:

عن عائشة رضي الله عنها أن صفية بنت حيي زوج النبي صلى الله عليه وسلم حاضت فذكرت ذلك لرسول الله صلى الله عليه وسلم فقال أحابستنا هي قالوا إنها قد أفاضت قال فلا إذا.

“Caasha Ilaahay raali haka ahaadee waxay tidhi: Safiya bintu Xuyay oo ahayd xaaskii nabiga (scw) ayaa heshay dhiigii caadada (Xaydka), waxayna usheegtay Rasuulkii Ilaahay (scw) markaasuu dhahay: “Miyey ina joojisay ayadu?” Waxay dhaheen ayadu way dawaaftay, wuxuu dhahay: “Hadaa, maya” [Saxiix Albukhaari: 1670]

Markii nabiga loo sheegay arrintii Safiya wuxuu dhahay way ina joojisay oo macnaheedu tahay hadii aanay dawaafin waanu joogaynaa illamaa ay ka daahirayso oo ay ka dawaafayso Kacbada, kadib ayaa lagu dhahay waabay dawaaftay markaasuu dhahay hadaa maya, ma joogayno.

  • Tiirka Afaraad waa in la socdo labada buureed ee Saffa iyo Marwa dhexdooda, waxaana u daliil xadiiskii nabiga (scw):  «اسعوا فإن الله كتب عليكم السعي» [Socda maxaa yeelaay ilaahaybaa idinku waajibiyey Sacyiga (socodka saffa iyo marwa dhexdooda)], waxa soo saaray Axmed. Sacyigaas ama socodkaasina waa ka Xajka, waqtigiisuna wuxuu u yahay ruuxa (Mutamattica ah) [2] waa kadib markuu istaago Carrafa, Muzdalifa ee uu la yimaad Dawaafka Ifaadad, balse ruuxa (Qaarina ah) [3] ama Mufradka [4] ah waxay sacyinayaan markay dawaafaan dawaafka loo yaqaano (Dawaaf Alquduum) isla markay yimaadaan.

Waajibaadka Xajka:

Waajibaadka Xajka ee uu ansaxayo la’aanshahooduna waa:

  • In lagasoo xidho miiqaatka iyo meeshii loogu talo galay, waxaana u daliila xadiiska nabiga (scw) markuu sheegay mawaaqiitka kadib:

«هن لهن ولمن أتى عليهن من غير أهلهن لمن كان يريد الحج والعمرة» رواه البخاري .

“Ayagaa iska leh iyo cidii soo marta ayaga ee aan ehelkeeda kamid ahayn ee raba Xajka iyo Cumrada” [Waxa soo saaray Bukhaari], sidaas awgeed in laga xidho Xajka iyo Cumradaba mawaaqiitka (meelaha Xajka laga xidho ee la cayimay) waa waajib.

  • In la istaago Carafo illamaa qorraxdu ay ka dhacayso, cidii istaagtay maalinta, maxaayeelay nabiga (scw) ayaa istaagay ilaa Qorraxdu ay ka dhacaysay, wuxuuna dhahay:  «لتأخذوا عني مناسككم» [Iga qaata manaasiktiina (waxa looga jeeda arrimaha xajka ficil iyo qawlba).
  • In loo hoydo Muzdalifa habeenka Gawraca, waana waajib sida ay culumadu u badanyihiin, ayagoo daliishanaya aayadan:

فَإِذَا أَفَضْتُم مِّنْ عَرَفَاتٍ فَاذْكُرُوا اللَّـهَ عِندَ الْمَشْعَرِ الْحَرَامِ ۖ وَاذْكُرُوهُ كَمَا هَدَاكُمْ وَإِن كُنتُم مِّن قَبْلِهِ لَمِنَ الضَّالِّينَ ﴿١٩٨

“Markaad kasoo gaddoontaan Carrafo ku xusa Ilaahay Mashcarulxaraam agtiisa, una xusa siduu idiin hanuuniyey waxaydaan ahaydeen hadda kahor kuwo baadiyeysan” [Suuratu Albaqarah: 198].

Sidoo kale nabigu wuxuu dadkii tamarta yaraa u ogolaaday habeenka badhtankiisa kadib inay ka tagaan Muzdalifah, sidaas awgeed rukhsada la siiyey dadka tamarta yar awgeed waxay ku tusinaysaa in asalku uu yahay in la hoydo Muzdalifa.

  • In loo hoydo Mina habeenada maalmaha Tashriiqa (sadexda maalmood ee ciida ka danbeeya), sababtoo ah nabiga ayaa u hoyda wuxuuna dhahay iga qaata manaasiktiina ama arrimaha xajkiina, sidoo kale wuxuu nabigu u ogolaaday adeerkii Cabbaas inuu u hoydo Makkah habeenadii Mina loo hooyanayey si uu dadka u waraabiyo, waxa kale oo uu rukhsad siiyey geeljirayaashii geela raacayey, taasoo ku tusinaysa waajibka ah in loo hoydo Mina marka laga reebo ruux haysta cudurdaar, waana laba habeen ruuxa dagdaya, waana sadex habeen ruuxa aan dagdagayn.
  • In la tuuro Jamaraatka (dhagxaanta) si tartiiba: Jamaratu Alcaqabah (waa dhagtuurista koowaad) waxaana la tuuraa maalinta Ciida marka Qorraxdu soo baxdo, ilaa intaan duhurka la aadaamin, waana laga danbaysiin karaa. Jamaraatka habeenada 11 aad, 12 aad 13 aad, waxa la tuurayaa marka salaada Duhur soo gasho. Waana siduu uu yeelay Rasuulku (scw): Wuxuuna Allah dhahay:

وَاذْكُرُوا اللَّـهَ فِي أَيَّامٍ مَّعْدُودَاتٍ ۚ فَمَن تَعَجَّلَ فِي يَوْمَيْنِ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ وَمَن تَأَخَّرَ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ ۚ لِمَنِ اتَّقَىٰ ۗ 

“Ilaahay xusa maalmo tirsan, cidii dagdagta laba maalmood dhexdooda wax danbi ah ma saarna dushooda, cidiise dib u dhigta (tuurta sadexda maalmoodba) wax danbi ah korkooda ma saarna, cidii uga cabsata Ilaahay (xajkiisa, waxaana fadli badan sadexda maalmood)” [Suuratu Albaqarah:203]

  • In la xiiro iyo in la gaabiyo Timaha, waxaana u daliila aayadan:

وَلَا تَحْلِقُوا رُءُوسَكُمْ حَتَّىٰ يَبْلُغَ الْهَدْيُ مَحِلَّهُ

“Hana xiirina madaxiina inta Hadyigu ka gaadhayo meeshiisa” [Suuratu Albaqarah:196]

Sidoo kalena nabiga ayaa faray oo dhahay: «وليقصر وليحلل» (Ha gaabiyo hana xalaaloobo) macnaha timha ha iska gaabiyo.

  • Dawaafka Sagootinta (Dawaafu Alwadaac): waxaana u daliila xadiiskii nabiga (scw):

عن ابن عباس قال أمر الناس أن يكون آخر عهدهم بالبيت إلا أنه خفف عن المرأة الحائض

“Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu dhahay: Dadka waxa la faray in axdigooda u danbeeyaa uu noqdo Baytka, hase ahaatee wuxuu ka khafiifiyey haweenayda heshay xaydka” Saxiix Muslim:1328]

Sunooyinka Xajka:

Wixii kasoo hadhay Tiirarkaas iyo Waajibaadkaas waa sunooyin iyo waxyaalo la jeclaysto, sida in la seexdo Mina habeenka Sideedaad, dawaafka imaanshaha, in la gucleeyo sadexda shoog ee hore marka la dawaafayo, in garabka midig la muujiyo, in la qubaysto marka aad xidhanayso Ixraamka, in la gashto macawis ama guntin iyo go’ midabkoodu cad yahay, in la akhriyo talbiyada xilliga uu xidho Ixraamka ilaa uu ka tuuro Jamaraadka Caqabah, inuu taabto Dhagxa madow oo uu dhunkado, in lala yimaado ducooyinka iyo adkaarta soo aroortay, iyo wixii lamida sunooyinka la jecelyahay in qofka xaajiga ah uu la yimaado, iyo inaanu ka gaabinin arrimahaas isagoo ku dayanaya nabiga (scw), haduu ka tagana waxba kuma laasimayaan.

Farqiga u dhaxeeya Tiirka, Waajibka iyo Sunnada:

  • Tiirarka Xajka ama Arkaanta Xajku waa kuwa aan xajku awgood aanu ansaxaynin.
  • Waajibku waa ka hadii laga tago xajku ansaxayo, cidiise ka tagta waxa lagu yeelanayaa dhiig (inuu lax gawraco) sida culumadu u badantahay.
  • Sunnadase cidii ka tagaa waxba laguma laha.

 


[1] Waxaad fiirisaa Almuqnii li ibnu Qudaamah (3/164) iyo Ibnu Xajar Fatxu Albaari (5/149)

[2] Mutamatticu waa ruuxa soo xidha Cumrada marka hore kadibna markuu cumraysto xalaalooba, dabadeedna maalinta sideedaad xidha Xajkii.

[3] Qaarinku waa inoo soo xidho Xajka iyo Cumrada labadaba hal mar, ama intuu xidho cumro ayuu dhex galinayaa Xajka intaanu dawaafin kahor.

[4] Mufradku waa inuu Xajka oo kaligiis ah uu xajo.