Su’aal:

Waa maxay xukunka xadiiskan:

 اذا بلغت الناس بشهر رمضان حرمة عليك النار

Hadii dadka aad gaadhsiiso bisha ramadaan waxa lagaa xarrimay naarta.

Jawaab:

Xadiiskan kuma yaalo kutubta sunnada lagu diiwaangaliyey iyo xitaa kutubta lagu qoray xadiisyada daciifka ah, sidaas dareteed waa xadiis lagaga been abuurtay nabiga (scw).

Mana banaana in la fidiyo xadiis daciifa oo lagaga been abuurtay nabiga (scw). Rasuulkii Ilaahayna (scw) wuxuu yidhi:

من كذب علي متعمدا فليتبوأ مقعده من النار” رواه البخاري (1229)

Ruuxa iga been abuurta si badheedha ha diyaarsado booskiisii naarta. [Bukhaari: 1229]

Nabiga (scw) ina laga been abuurto wax sahlan maaha, waana danbi aad u wayan. Waxaana waajib ku ah qofka muslimka ah inuu iska hubsado xadiiska uu nabiga u tiirinayo. Haduu yahay xadiis saxiixa wuu gudbin karaa, haduu yahay mid la allifayna ma gudbinayo oo been kuma kaalmaynayo beenaalihii allifay.

Wallahu aclam


Xigasho

islamweb