Su’aal:

Waa maxay xukunka Taariku Salaada?

Jawaab: 

Culumadu way isku khilaafeen xukun Taariku Salaadka uga tagay salaada si kas ah (badheedha) hadii aanu diidin waajibnimada Salaada.

– Qolo ayaa tidhi: Ruuxaasi waa kaafir (gaal) oo diintana wuu ka baxay, waana ridoobay, waxaana laga dalbayaa sadex casho inuu toobad keeno, hadii kalena waxa loo dilaya ridadiisa (gaalnimadiisa). Kolkaas cidi janaasadiisa kuma tukanayso, lagumana aasayo xabaalaha Muslimiintana, lamana salaamayo nolol iyo geeriba, loomana ducaynayo, lamana dhaxlayo, isaguna waxba dhaxli maayo. Xoolaha uu ka tagyna waxa la geynayaa hantida guud ee Muslimiinta. Waana isku mid hadii ay tiradoodu bataan ama ay yaraadaan, oo xukunkoodu isma badalayo haday bataan iyo haday yaraadaanba. Qoladaasina waxay daliishadeen xadiiska Nabiga (scw):

عن عبد الله بن بريدة عن أبيه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم “إن العهد الذي بيننا وبينهم الصلاة فمن تركها فقد كفر”  أخرجه الإمام أحمد وأهل السنن بإسناد صحيح

“Waxa laga wariyey Cabdilaahi ibnu Buraydah, inuu ka wariyey aabihii inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: Axdiga inoo dhexeeya inaga iyo ayagab waa Salaad, cidii ka tagta waa gaaloobay” Wax soo saaray Nisaa’i (463) iyo Axmed (22428).

Iyo sidoo kale xadiiskan kale:

عن أبي سفيان قال سمعت جابرا يقولسمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول” إن بين الرجل وبين الشرك والكفر ترك الصلاة” أخرجه الإمام مسلم في صحيحه مع أحاديث أخرى في ذلك .

“Abasufyaan waxa laga wariyey inuu yidhi: waxaan maqlay Jaabir oo leh: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaan maqlay oo leh: “Waxa ninka iyo gaalnimada u dhaxeeyaa waa ka tagida Salaada”  Waxa soo saaray Muslim (82).

– Jamhuurka Culumaduna waxay dhaheen: haduu ruuxaasi diido waajibnimada Salaada, waa gaaloobay, oo xukunkiisu wuxuu noqonayaa sida hore aan ku sheegnay.

– Haduuse aanu diidanayn waajibnimadeeda, ee uu uga tagay caajisnimo iyo wahsi markaasna waa ruux galay danbi aad u wayn, hase yeeshee kama saarayso diinta Islaamka. Waxaan ku waajibaysa inuu toobad keeno mudo sadex casho gudahood, haduu kolkaas toobad keeno waa Alxamdulilaah, hadii kalena waxa loo dilayaa xad ahaan, ee maaha gaalnimo ahaan. Waana la kafmayaa, oo loo qubeynayaa, laguna tukanayaa janaasadiisa, waana loo ducaynayaa laguna aasayaa xabaalaha Muslimiinta, waanu dhaxlayaa oo la dhaxlayaa isagana, waana sida ruuxa Muslimka ah ee danbiga galay oo kale.

– Si aad xukunkeeda usii dhuuxdana waxaad dhagaysataa ama daawataa cajalada Sheekh Mohamed Cabdi Umal: https://www.youtube.com/watch?v=I5LRl8FsvHg


Xigasho: Islamqa2182