Tusmo

Xukunka Siigaysiga iyo Daawadiisa:

Siigaysiga ama in biyaha shahwada la isaga keeno gacanta waa xaaraan, waxaana u daliila aayado Quraana iyo Sunnada rasuulka (scw):

وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ ﴿٥﴾ إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ ﴿٦﴾ فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ ﴿٧﴾

”Iyo kuwa furuujtooda (xubnaha taranka) ilaalinaya. Xaaskooda iyo waxay gacantoodu hanatay mooyee (dumarkii adoomada ahaa) ayagana laguma canaanayo. Cidiise doonta waxaas wixii kasoo hadhay kuwaasi waa xadgudbayaal”[1]

Ibnu Kathiir Ilaahay ha unaxariistee isagoo fasiraya aayadan wuxuu yidhi: ”waa kuwa ka xifdiyey furuujtooda xaaraanta, ee aan ku dhicin waxa Ilaahay reebay sida Zinada iyo Qowmu Luudnimada, ee aan u dhowaanin cidaan ahayn xaasaskooda Ilaahay u xalaaleeyey, iyo adoomada Ilaahay xalaaleeyey, cidii la timaada waxa Ilaahay xalaaleeyeyna laguma canaanayo sidaas darteed ayuu yidhi: (فإنهم غير ملومين فمن ابتغى وراء ذلك) cidii aan ahayn xaasaskooda ama adoomadoda, (فأولئك هم العادون) kuwaasi way xadgudbeen”[2]

Imaamu Shaafici wuxuu u daliishaday aayadan in siigaysigu xaaraan yahay, wuxuuna yidhi: ”ficilkaasi wuu ka baxsanyahay labada qeybood”

Waxa kale oo culumada qaar ay u daliishadeen:

وَلْيَسْتَعْفِفِ الَّذِينَ لَا يَجِدُونَ نِكَاحًا حَتَّىٰ يُغْنِيَهُمُ اللَّـهُ مِن فَضْلِهِ ۗ

”Ha dhawrsadaan kuwa aan helaynin nikaax (awood ay ku guursadaan) illamaa Ilaahay ku kaaftoonsiin deeqdiisa”[3]

Aayadu waxay tilmaamaysaa in dadka aan awooda ulahayn inay guursadaan Ilaahay faray inay samraan, illamaa Ilaahay fadligiisa uu ugu guurinayo.

Waxa kale oo u daliila:

عن عبد اللَّهِ بن مسعود رضي الله عنه قال : كُنَّا مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ شَبَابًا لا نَجِدُ شَيْئًا فَقَالَ لَنَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهم عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَا مَعْشَرَ الشَّبَابِ مَنِ اسْتَطَاعَ الْبَاءةَ فَلْيَتَزَوَّجْ فَإِنَّهُ أَغَضُّ لِلْبَصَرِ وَأَحْصَنُ لِلْفَرْجِ وَمَنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَعَلَيْهِ بِالصَّوْمِ فَإِنَّهُ لَهُ وِجَاءٌ.

Cabdilaahi ibnu Mascuud (Rc) waxa laga wariyey inuu yidhi: ”Waxaan la joognay nabiga (scw) anagoo dhalinyaro ah oo aan waxba haysanin, markaasuu rasuulkii Ilaahay nagu yidhi: Dhalinyaroy kiina awooda inuu guursadow guurso, maxaa yeelay isagaa (guurka) daboolaya araga dhawrayana farjiga (xubinka taranka), kiina aan awoodina ha soomo, maxaa yeelay waa gaashaan”[4]

Diinta islaamku ayadoo og inay jirto baahi shahwadeed oo qofka ibnu aadamka ah Ilaahay ku abuuray, hadana waxay kugu hagaysaa jidka dhawrsanaanta oo ah inaad guursato hadaad awoodo, hadii kale inaad soomto si dareemayaasha shahwadu ay u tamaryaraadaan.

Hadii qofku uu helayo cuntadii uu cunayey uuna ku noolyahay nabadgalyo iyo caafimaad, waxa badanaysa baahidiisa shahwadeed, hadii aanu haysanin meel xalaala oo ku gutana wuxuu la aadayaa wado kasta oo xaaraana. Sidaas darteed ayuu islaamku inagu borinayaa soomka oo yaraynaya baahida shahwadeed.

Maxaa lagu daaweeyaa Siigada?

Cilaajku waa nasteexooyin qofka ka caawin kara inuu iska daayo siigada ama uu ka fogaado:

  1. Qofka raba inuu joojiyo waxa ku waajiba inuu Ilaahay wajigii isaga daayo, isagoo ku dhaqmaya amarka Ilaahay (swt)
  2. Waa inaad guursataa adigoo ku dhaqmaya taladii rasuulkii Ilaahay (scw).
  3. Inaad la dagaalanto waswaaska kugu soo laablaabanay ee ku faraya inaad siigaysato, dabcan waswaaskana waxa ka danbeeya waa shaydaan. Ilaahayna wuxuu inoo sheegay inaynaan raacin tallaabooyinka shaydaan, sababtoo ah wuxuu idin farayaa faaxishooyin
  4. Inaad laabto indhahaaga rag iyo dumarba, oo aanad daawanin waxyaalaha shahwadaada kicinaya sida sawirada iyo video qaawan iyo inaanad tagin meelaha xumaantu ka socoto sida aroosyada ragga iyo dumarku isku dhex jiraan ee lagu tumanayo.
  5. Inaad ku mashquusho cibaadooyinka kala duwan sida shanta salaadood oo aad masaajdka ku tukato, istiqfaarta oo aad badsato iyo soonka.
  6. Inaad ku cibro qaadato xanuunada laga dhaxlo siigada, sida xubinka taranka oo hawlgaba, dhabar xanuun, ilow ama halmaamid badan, daal, caajis iyo wahsi. Sidoo kalena ay kaaga tagayso cibaadooyinkii iyo hawlmaalmeedkaagii oo ku dayacmaya.
  7. Inaad leedahay go’aan culus oo aanad marnaba isu dhiibin shaydaanka. Ruuxa go’aaka leh markuu adkaysto wuxuu dhadhamiyaa macaanka go’aankiisii.
  8. Ha isku qancinin waligaa in siigadu ay banaantahay, sida wadaado habaarqabayaale ay ubaneeyaan dadka. Hana isku dhihin naftaada siigada ayaa ka roon zinada iyo qawmu luudnimada, sababtoo ah waa talaabada uu shaydaanku kaasoo galayo.
  9. Hadii aanad guursanin ama lamaanahaagii aad ka fogtahay ama uu kaa xanuusanayaba ayna jirto baahi shahwadeed, waxaad fulisaa taladii rasuulka (scw) ee ahayd inaad soomto.
  10. Habeenkii markaad seexanayso akhriso ducooyinka habeenkii, una seexo dhinacaaga midigeed. Kana fogow inaad u seexato caloosha, sababtoo ah waa la reebay hurdada noocaasa.
  11. Guri kalidaa haku noqonin, sababtoo ah dadku ma siigaystaan ayadoo ay dad la joogaan ee ficilkan wuxuu yimaada marka qofku uu kalidiisa yahay.
  12. Iska jir haasawaha beenta ah ee dhex mara ninka iyo gabadha aan is qabin ee is waydaarsanaya hadalo kicinaya shahwada, taasoo ku danbaysa in faaxishadani ay timaado.
  13. Cidii falka noocaasa ku dhacdana waa inuu Ilaahay uga toobad keenaa, Ilaahayna uu waydiistaa danbidhaaf, uuna go’aansadaa inaanu dib ugu laabanin oo uu ka shalleeyaa ficilkaas.
  14. Waxaana muhiima qofka muslimka ah inaanu ka quusinin marnaba rabbigiis, oo uu ka rajeeyo khayr iyo in toobadiisa laga aqbalayo. Quustuna waa mid kamida danbiyada waawayn, Ilaahbaan ka magangalnee.
  15. Talada u danbaysaa waa inuu qofka muslimka ah badsado ducada oo Ilaahay hoos dhigto gacmihiisa, isagoo rajo ka qaba rabbigiis.

[1] Suuratu Mu’minuun: 5,6,7

[2] Tafsiirka Quraanka Cadiimka ee Ibnu Kathiir, suuratu Mu’minuun, aayadaha 5,6, 7.

[3] Suuratu Nuur:33

[4] رواه البخاري/كتاب النكاح / باب من لم يستطع الباءة فليصم/4779