Suaal:

Waa maxay xukunka ninka diiday inuu xaaskiisa gogol ama galmo la wadaago mudo ka badan Afar bilood?

Jawaab:

Ma banaana inuu ninku ka haajiro xaaskiisa mudo aad u dheer, sababtoo xiriirka gogoleed waa mid kamida xuquuqda waajibka ah ee ka dhaxeeya ninka iyoxaaskiisa, sidaas darteed ninku waa inuu baahi tiro haweenaydiisa inta uu awoodo.

Waxa la waydiiyey Sheekhu al-islaam Ibnu Taymiyah, kawaran ninku hadii uu xaaskiisa u tagin bil ama laba bilood ma danbaabayaa mise ma danbaabayo? Xaaskuna ma ka dalban kartaa?

Wuxuu ku jawaabay:

 ” يجب على الرجل أن يطأ زوجته بالمعروف ، وهو من أوكد حقها عليه ، أعظم من إطعامها . والوطء الواجب ، قيل : إنه واجب في كل أربعة أشهر مرة ، وقيل : بقدَر حاجتها وقُدْرته ، كما يطعمها بقدَر حاجتها وقُدْرته ، وهذا أصح القولين ” . انتهى من “مجموع الفتاوى ” (32/271).

“Waxa waajiba inuu ninku utago xaaskiisa si wanaag ku jiro, waana mid kamida xuquuqda la adkeeyey ee ay ninka ku leedahay, oo xataa ka wayn biilkeeda, waxa la yidhi: Gogoshu waa waajib afartii bilood mar, waxa kale oo la yidhi: waa inta uu ninku awoodo iyo baahideeda, sida uu biilka usiiyo baahideeda iyo awoodiisa, sidaasbaana saxa”

Ninku inuu mudo dheer ka haajiro gogosha xaaskiisa isagoo awooda ayaduna ay baahantahay, oo ay ujeedadiisuna tahay inuu gabadha dhibo wuu ku danbaabayaa. Culumada islaamkuna way isku khilaafeen waxa ninka laga rabo hadii ninku xaaskiisa ka haajiro mudo aad udheer isagoo awooda.

Qolo waxay dhaheen: wuxuu la xukunyahay sida ninka ka dhaartay inuu xaaskiisa galmo la wadaago, waxaana la sugayaa mudo afar bilooda, hadii uusoo laabtana waa Ilaahay mahadii, hadii uu diidana gabadhu xaq ayey u yeelanaysaa inay dalbato furniin ama fasakhaad.

لِّلَّذِينَ يُؤْلُونَ مِن نِّسَائِهِمْ تَرَبُّصُ أَرْبَعَةِ أَشْهُرٍ ۖ فَإِن فَاءُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (226)

“Kuwa ka dhaaranaya dumarkooda (inay u tagaan) waxa la sugi afar bilood, hadii ay ka noqdaana Ilaahay waa danbi dhaaf badane naxariista” [Suuratu Albaqarah: 226]

Sidoo kale nabiga Muxamed (scw) wuxuu dumarkiisa ka haajiray mudo bil ah, kadibna dib ayuu ugusoo laabtay. Markaa xukunkiisu waa in la sugo afar bilood, hadii uu soo noqon waayo isagoo awooda, xaaskuna ay u baahantahay markaa gabadhu furniin ayey dalbanaysaa, haduu ninku diido inuu furana waxay tagaysaa maxkamada oo kala fasakhaysa.

Hase ahaatee hadii ninku gogosha uga tagay inuu ku edbiyo xaaska oo ku kacday (nushuuz) oo ka gaabiysay inay siiso xaqii waajibka ahaa ee ninku uu kulahaa, markaa wuu ka haajirayaa intii uu doono, ilamaa xaasku ay kusoo laabanayso daacadii ninkeed. Waxay fatwoodeen culamada joogtada ah ee wax fatwooda (علماء اللجنة الدائمة للإفتاء), sidan soo socota:

من هجر زوجته أكثر من ثلاثة أشهر فإن كان ذلك لنشوزها، أي: لمعصيتها لزوجها فيما يجب عليها له من حقوقه الزوجية، وأصرت على ذلك بعد وعظه لها وتخويفها من الله تعالى، وتذكيرها بما يجب عليها من حقوق لزوجها- فإنه يهجرها في المضجع ما شاء؛ تأديبا لها حتى تؤدي حقوق زوجها عن رضا منها، وقد هجر النبي -صلى الله عليه وسلم- نساءه فلم يدخل عليهن شهرا، أما في الكلام فإنه لا يحل له أن يهجرها أكثر من ثلاثة أيام؛ لما صح عن النبي -صلى الله عليه وسلم- من حديث أنس بن مالك -رضي الله عنه- أنه قال:  ولا يحل لمسلم أن يهجر أخاه فوق ثلاثة أيام  أخرجه الإمام البخاري ومسلم في (صحيحيهما)، وأحمد في (مسنده).
أما إن هجر الزوج زوجته في الفراش أكثر من أربعة أشهر إضرارا بها من غير تقصير منها في حقوق زوجها- فإنه كمول ، وإن لم يحلف بذلك، تضرب له مدة الإيلاء، فإذا مضت أربعة أشهر ولم يرجع إلى زوجته ويطأها في القبل مع القدرة على الجماع إن لم تكن في حيض أو نفاس- فإنه يؤمر بالطلاق، فإن أبى الرجوع لزوجته وأبى الطلاق طلق عليه القاضي أو فسخها منه إذا طلبت الزوجة ذلك. [“فتاوى اللجنة” (20/261)]

“Qofkii ka haajira xaaskiisa wax ka badan sadex bilood, hadii sababtu tahay gabadha oo madax adkaatay oo ku caasiday ninkeeda wixii kaga waajibayey xuquuqdii ninka, ayna ku adkaysatay kadib markii la waaniyey laguna cabsi galiyey Ilaahay (swt) ee la xasuusiyey xuquuqda waajibka ah ee ninku ku leeyahay, markaa ninku gogosha wuu kaga haajirayaa mudadii uu doono si loo edbiyo ilamaa ay ka gudayso xaqii ninkeeda oo ayna raali ku tahay. Nabiguna (scw) wuu ka haajiray dumarkiisa, umanuu galin mudo bil ah.

Hase ahaatee xaga hadalka, uma banaana inuu kaga haajiro hadalka wax ka badan sadex maalmood, maadaama ay ka sugantahay nabiga (scw), xadiiskii Anas ibnu Maalik (Rc) “Uma banaana qof muslima inuu walaalkii ka haajiro wax ka badan sadex maalmood” Waxa soo saaray Bukhaari iyo Muslim iyo Axmed musnadkiisa.

Hadii ninku xaaskiisa kaga haajiray gogosha waxa ka badan afar bilood isagoo gabadha ku dhibaya, ayaduna aanay wax gaabisa gaysanin, markaa wuxuu lamidyahay (kii ka dhaartay xaaskiisa inuu utago) oo kale, xitaa hadii aanu dhaaranin, waxa loo qabanayaa mudadii qofka ka dhaarta xaaskiisa gogosheeda, markay dhamaato afarta biloodna oo aanu kusoo laabanin xaaskiisa oo aanu galmo la wadaagin isagoo awooda gogoshana, oo gabadhuna aanay ku jirin waqtigii xaydka ama nifaaska waxa la farayaa ninkii inuu furo xaaska, haduu diidana furniinka iyo inuu xaaskiisa ku laabtaba, waxa ka furaya qaadiga maxkamada, ama wuu ka fasakhayaa hadii gabadhu ay dalbato” [“فتاوى اللجنة” (20/261)]

Qoloda labaad waxay dhaheen:  Lama sugayo ninka mudada (sidii qof ka dhaartay xaaskiisa inuu gogol la wadaago) ee ninka waxa laga dalbanayaa inuu dhibta ka dul qaado xaaska isla marka ay ka cabataba, waana inuu si wanaagsan ula dhaqmaa ama waa inuu furaa haweenayda.

Wuxuu yidhi Sheekh Ibnu Cuthaymiin:

لكن بشرط أن يكون المقصود الإضرار بها، فنقول: إما أن تجامع وتعاشر بالمعروف، وإلا إذا طلبت الفسخ فسخ.

“Hase ahaatee waxa shardiya, hadii ujeedadiisu tahay inuu ku dhibo (haweenayda), waxaan leenahay: waa inaad galmo la wadaagtaa (xaaska) oo aad si wanaagsan ula dhaqantaa, hadii kale fasakhid ayey dalbanaysaa, waana la fasakhayaa”

Guud ahaan ninkii xaaskiisa isagoo dhibaya kataga inuu gogol la wadaago oo uuna awoodo, waxa la sugayaa afar bilood ama isla markaas ayaa laga dalbanayaa inuu xaaska xuquudeeda gogoleed siiyo, hadii kale furniin ama fasakhaad ayey dalbanaysaa.

Wallahu Aclam.