Tusmo

Su’aal:

asc wr wb sh. waxad ii sheegtaa hadii kitaabka quraanka ahi suuli kaaga dhaco maxad sameynaysa?

Jawaab:

– Marka koowaad Kitaabka quraanka inaad qaadato ood ku qaadato jeebkaaga ama shandadaa waa wax banaan, laakiin adigoo xanbaarsan kitaabkii ama jeebada ku sita lama galaysid suuliga ama musqusha, ee waxaad saaraysaa kitaabka Ilaahay meel fiican oo ku haboon, adigoo weynaya sidoo kalena ixtiraamaya kitaabka Ilaahay. Balse hadii uu ka cabsado in laga xado kitaabkii haduu banaanka kaga tago kolkaas way u banaantahay inuu xanbaarto, ayadoo la fiirinayo daruurada. [1]

– Hadiise ayna jirin cabsi looga baqayo in la xado kitaabkii waa in meel fiican la saaraa kitaabka oo ku haboon.

– Hadii ruuxu isku halmaamo isagoo masxaf quraana jeebada ku sita uu la galo suuliga kolkaas haduu xasuusto intaanu xaajadiisa gudan kahor waa inuu ruuxaasi soo baxaa oo kitaabka meel ku haboon dhigaa, haduuse xaajo gudashada ku gudo jira kolkaas wuxuu ka ilaalinayaa in kitaabku ugu yaraan aanu suuliga ku dhicin ama najaaso aanay soo gaadhin.

– Haduu masxafkii suuliga ku dhaco waa in laga soo saaraa hadii la awoodo, waana in marka horeba laga taxadaraa in suuliga lala galo masxafka quraanka kariimka ah iyo waxyaalo kale oo laga yaabo inay ku qoranyihiin aayado quraan ahiba. Allah wuxuu leeyahay:

ذَٰلِكَ وَمَن يُعَظِّمْ حُرُمَاتِ اللَّـهِ فَهُوَ خَيْرٌ لَّهُ عِندَ رَبِّهِ ۗ

“Waa Saas, Ruuxii Wayneeya wuxuu Reebay Allah Saasaa u Khayrroon Rabigiis Agtiisa,..” [Alhajj:30]


 [1] اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء/‏(‏2245‏)