Tusmo

Xukunka gabadh diiday inay guursato, waalidkeeduna qasbayaan.

Su’aal:

Waxaan ahay gabadh 19 jira, mana rabo inaan guursado. Labadayda waalidna waxay rabaan inaan guursado sababo jira awgeed, Maxaan sameeyaa? Ma waalidkaybaan aqbalaa mise dareenkaygaan u sheegaa?

Jawaab:

Ugu horeyn: waxa muhiima inaad ogaato in guurku yahay sunnadii rasuulka (scw). Nabiguna (scw) wuu inkiray cida diida guurka, wuxuna yidhi:

لَكِنِّي أَصُومُ وَأُفْطِرُ وَأُصَلِّي وَأَرْقُدُ وَأَتَزَوَّجُ النِّسَاءَ فَمَنْ رَغِبَ عَنْ سُنَّتِي فَلَيْسَ مِنِّي

“Laakiin anigu waan soomaa, waanan afuraa, waan tukadaa waanan seexdaa, dumarkana waan guursadaa, cidii (wax) ka doorta sunnadayda, aniga igama mid aha” [Bukhaari: 4476 iyo Muslim: 1401]

Sunnada nabigu waa jidkii uu maray iyo dariiqiisii, sidaa darteed qofka gabi ahaanba diida guurka waa ruux aan dariiqii rasuulka (scw) haynin ee jid kale maraya. Qofna uma banaana inuu ka tago sunnada rasuulka (scw) isagoo ku doodaya arrimo aduunyo ama waxbarasho.

Walibana xilligan aan ku jirno waa waqti ay jirto fitno badan oo dhalinyarada u horseedaysa inay ku dhacaan faaxishooyin iyo waxyaalo xaaraana. Hadiiba ay jirto cabsi ah inaad ku dhacdo faaxisho ama wax xaaraana, markaa inaad guursato waaba waajib, si looga hortago wixii xaaraanta ahaa.

Hablo badan oo dhalinyaro ah waxa guur usoo bandhiga wiilal diin iyo akhlaaqba leh oo masuuliyadooda qaadi kara, hase ahaatee waxay ka doorbidaan inay waxbarashada sii wataan ama inay sugaan wiil ka xoolo badan ama wiil ay xaga qabiilka is xigaan ama nin dhalinyaro ah ama nin aan xaas hore soo guursanin. Kadibna waxa ka taga tareenkii guurka, waqtigiina wuu ka lumaa, waxayna khilaafaan amarkii rasuulka (scw) ee ahaa:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا خَطَبَ إِلَيْكُمْ مَنْ تَرْضَوْنَ دِينَهُ وَخُلُقَهُ فَزَوِّجُوهُ إِلَّا تَفْعَلُوا تَكُنْ فِتْنَةٌ فِي الْأَرْضِ وَفَسَادٌ عَرِيضٌ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Haduu (gabadh) idinka soo doono qof aad raali ku tihiin diintiisa iyo akhlaaqdiisa u guuriya, hadaydaan sidaas yeelin waxa dhulka ka dhacaya fitno iyo fasahaad wayn” [Tirmadi: 1084]

Waxaana halkaa ku lumaya xikmadii Ilaahay u abuuray ninka iyo gabadha oo ah inay is guursadaan oo ay isku xasilaan.

هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا ۖ

Ilaahay waa ka idinka abuuray hal naf oo kaliya (Aadam) ee ka abuuray xageeda xaaskiisii (Xaawa) si uu ugu xasilo” [Suuratu Al-acraaf:189]

Sidaa darteed, kuguma waafaqsanin inaad guurka gabi ahaanba diido adigoo xujo ka dhiganaya waxbarasho, shaqo ama hawlo kale. Hase ahaatee, hadii aad qof gaara diidantahay oo aanad guurka kasoo horjeedin, dhib malaha ee xaq ayaad u leedahay inaad diido qof gaara, waxaana haboon in waalidkaaguna kugu tixgaliyo doorashadaada.

Nabigu (scw) wuxuu yidhi:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لَا تُنْكَحُ الْبِكْرُ حَتَّى تُسْتَأْذَنَ وَلَا الثَّيِّبُ حَتَّى تُسْتَأْمَرَ فَقِيلَ يَا رَسُولَ اللَّهِ كَيْفَ إِذْنُهَا قَالَ إِذَا سَكَتَتْ 

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: “Lama guurinayo bikrada (gabadha aan lasoo guursanin) illamaa ogolaansho laga dalbado, garoobkana (carmalka) illamaa amar laga dalbo, waxa lagu yidhi Rasuulkii Ilaahayow: Sidee ogolaansho looga dalbayaa (bikrada)? Wuxuu yidhi: Haday aamusto. [Bukhaari: 6567 iyo Muslim: 1419]

Dabcan waxa xadiisku inoo tilmaamay in hadii gabadhu bikro tahay ama gabadh lasoo guursaday hadda kahor ay xaq uleedahay in laga amar qaato oo aan la guurin karayn illamaa ay ogolaadaan. Markaa gabadhu way diidi kartaa nin cayiman, hase ahaatee ma wanaagsana, mana haboona in guurka gabi ahaanba la diido ayadoo xujadu ay tahay arrimo aduunyo.

Wallahu aclam: