Aayadan Quraanka ah waxa Ilaahay inoogu sheegay dhawr nooc oo xoolaha kamida oo la inaga xarrimay, waxa Ilaahay yiri:

حُرِّمَتْ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةُ وَالدَّمُ وَلَحْمُ الْخِنزِيرِ وَمَا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللَّـهِ بِهِ وَالْمُنْخَنِقَةُ وَالْمَوْقُوذَةُ وَالْمُتَرَدِّيَةُ وَالنَّطِيحَةُ وَمَا أَكَلَ السَّبُعُ إِلَّا مَا ذَكَّيْتُمْ وَمَا ذُبِحَ عَلَى النُّصُبِ وَأَن تَسْتَقْسِمُوا بِالْأَزْلَامِ ۚ ذَٰلِكُمْ فِسْقٌ ۗ

”Waxa korkiina laga xarrimay bakhtiga, dhiiga, hilib doofaar, waxa aan magaca Ilaahay lagu gawracin, ta la ciijiyey, ta la garaacay, ta soo hoobatay, ta la harraatiyey iyo ta bahalku cunay marka laga reebo ta naf aad ku gaadhaan oo aad gawracdaan, iyo waxa xaaraana ta loo gawracay sanamyada, iyo waxa la idinka xarrimay qori tuurka faalka, kuwaasi waa faasiqnimo…” [Al-maa’idah: 3]

Tusmo

 Bakhtiga الْمَيْتَةُ

Neefka bakhtiyey sababtuu doonaba haku dhintee ee aan la gawricin waa xaaraan cunida hilibkiisu.

الدَّمُ Dhiiga

Dhiiga dareera waa xaaraan.

لَحْمُ الْخِنزِيرِ  Hilib Doofaar

Cunida hilibka doofaarku waa xaaraan iyo ka ganacsigiisuba.

مَا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللَّـهِ بِهِ  Waxa aan bisinka loo qaban.

Neef kasta oo aan bisinka loo qabanin waa xaaraan. Waxa lagasoo reebayaa qofka ilaawa iyo qofka aan xukunkeeda garaynin.

الْمُنْخَنِقَةُ ta la ciijiyey

Neefka la ciijiyey ee naqaska lagu dhajiyey illamaa ay ka dhimatay, waa xaaraan hilibkeedu.

 الْمَوْقُوذَةُ Ta la garaacay.

Neefka dhagaxa lagu dilay ama ul lala dhacay ilaa intuu ka dhimanayey waa xaaraan cunidiisu.

الْمُتَرَدِّيَةُ Ta soo hoobatay

Neefka buurta kasoo dhaca ama ceel ku dhaca ee ku dhinta waa xaaraan hilibkiisu

النَّطِيحَةُ Ta la hirdiyey ama la harraatiyey

Neefka ku dhinta harraati ama hirdin oo walaasheed gees ka taagto waa xaaraan.

مَا أَكَلَ السَّبُعُ  Ta bahalku cuno

Neefka bahalku cuno sida libaax, waraabe iyo shabeelku waa xaaraan marka laga reebo neefka nolol lagu gaadho kadibna la bireeyo inta bisinka loo qabto.

مَا ذُبِحَ عَلَى النُّصُبِ Ta  sanam loo gawracay.

Neefka loo gawracay cid aan Ilaahay ahayn waa xaaran sida xoolaha sixiroolahu u gawraco jinka.

الْأَزْلَامِ Qori  tuurka faalka ama sixirka

Bakhti nasiibku waa qori tuurkii jaahiliyiinta ayagoo laba qori ama sadex ku ridi jiray sallad kadibna mid kamida dooran jiray, hadii haa ay usoo baxdo way samayn jireen wixii ay u qori tuuteen, hadii maya usoo baxdana way ka joogi jireen, tusaale ahaan markay safrayaan.

Ka ganacsiga xoolaha la xaaraantimeeyey!

  • Xoolahaas la idinka xarrimay cidii cunta ama ka ganacsata waxay ka baxeen daacadii Ilaahay.
  • Dhamaan xoolaha xaaraanta ah, ka ganacsigooda iyo in laga faa’ido waa xaaraan, sababtoo ah hadii Ilaahay shay xarrimo lacagtiisana wuu xariimaa.