Walaalka ama Walaasha Muslimka ahow: Waxa xikmada Ilaahay kamid ah ee uu ku sharciyeeyo cibaadooyinka inuu uyeelay faa’idooyin aad u waaweyn iyo xikmado qiimo leh. Xajkuna sidiisaba waa cibaadooyinka waaweyn ee ruuxa Muslimka ah ka faa’idaysto, kana barto siro badan iyo xikmado qaaliya. Xikamadahaas iyo faa’idooyinka Xajkana waxa kamid ah:

  1. Ilaahay ayaa ka yeelay sababta lagu dhaafo danbiyada, laguna masaxo gafafka. Xajku wuxuu daahiriyaa nafa, wuxuuna kusoo celiyaa saafinimo iyo ikhlaas, taasoo keenaysa in qofku noloshiisa dib u cusboonaysiiyo, rajadiisana uu sii xoojiyo una horseedo naftiisa malaha wanaagsan ee uu Ilaahay ka filanayo.
  2. Xajku wuxuu xoojiya iimaanka, wuxuuna caawiyaa in qofku dib u cusboonaysiiyo axdiga uu Ilaahay kula jiray, wuxuuna horseeda toobada runta ah ee ka badhax la’ beenta, wuxuuna tarbiyadeeyaa nafta, wuxuuna jilciyaa dareemayaasha.
  3. Xajku wuxuu nafta ku adkeeyaa Tawxiidka, siduu Allah leeyahay:

{وَأَتِمُّواْ الْحَجَّ وَالْعُمْرَةَ لِلّهِ}[البقرة:196]

”U dhamaystia Xajka iyo Cumrada Ilaahay” [Suuratu Albaqarah: 196]

Waxa kale oo Ilaahay koreeyee uu dhahay:

{فَاجْتَنِبُوا الرِّجْسَ مِنَ الْأَوْثَانِ وَاجْتَنِبُوا قَوْلَ الزُّورِ*حُنَفَاء لِلَّهِ غَيْرَ مُشْرِكِينَ بِهِ} [الحج:30-31]

ka Dheeraada Xumaanta ah Sanamyada kana Dheeraada Hadalka Beenta ah. (30) Idinkoo u hogaansan Ilaahay oo aan Mushrikiin ahayn. [Suuratu Alxajj:30-31]

 

  1. Xajku wuxuu nafta ku tarbiyeynayaa in la weyneeyo amarrada Ilaahay oo la jeclaado, iyo in laga fogaado in lagu xadgudbo. Wuxuu Ilaahay dhahay:

{ذَلِكَ وَمَن يُعَظِّمْ شَعَائِرَ اللَّهِ فَإِنَّهَا مِن تَقْوَى الْقُلُوبِ} [الحج:32]

” waa saas Ruuxii wayneeya Amarada Ilaahay (Sharcigiisa) taasina waa dhawrsashada Quluubta.” [Suuraty Axajj:32]

 

  1. Xajku waxa kale oo uu nafta ku tarbiyeeyaa akhlaaqda wanaagsan ee la mahadiyo, waxaana kamid ah: Dhawrsanaanta, cadho qarsashada, ka tagida muranka iyo dooda, wuxuuna Ilaahay dhahay:

 {الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَّعْلُومَاتٌ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ الْحَجَّ فَلاَ رَفَثَ وَلاَ فُسُوقَ وَلاَ جِدَالَ فِي الْحَجِّ} [البقرة:197]

”Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqi iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa,” [Suuratu Albaqarah: 197]

Isutagid waxa laga wadaa waa xidhiidhka gogoleed ee nin iyo xaaskii u dhexeeya iyo waxyaalaha keena ee hadal iyo ficilba ah. Sidaas oo kale waxa nafta uu ku korinayaa isduldhig, dabacsanaan, deganaasho, deeqsinimo iwm.

  1. Xajku wuxuu xoojiyaa walaaltinimada Islaamka, wadajirka muslimiinta. Xujaajtu waxay kulmaan ayagoo kala jinsiyado ah, oo kala luuqado duwan, oo ka kala yimid deegaano kala duwan, taasina waxay keentaa in dadkii ay is bartaan, oo is waaniyaan oo is dhaafsadaan khibrado iyo fikiro kala duwan. Sidoo kalena waxay isku dhiirigaliyaan inay u istaagaan diintan Ilaahay ee kulmisay oo ay bartaan kadibna ay difaacaan.
  2. Xajka waxa laga faa’idaa in la badsado dikriga iyo ducooyinka, hadaad u fiirsato Xajka waxaad helaysaa talbiyada oo duco ah, takbiirtii, tahliishii iyo ducooyin kaleba. Daliilada kusoo arooray Quraanka iyo Sunnaduba waxay cadaynayaan in la badsado ducooyinka iyo adkaarta lagu xusayo Ilaahay, waana mid kamid xikmadooyinka Xajka, waxaana kamid ah daliiladaas:

{فَاذْكُرُواْ اللّهَ عِندَ الْمَشْعَرِ الْحَرَامِ} [البقرة:198].

”Ilaahay ku xuso Mashcarulxaraamka agtiisa” [Suuratu Albaqarah: 198]

 

  1. Xajku wuxuu kugu kaalmaynayaa inaad ahaato ruux nidaam leh oo naftiisa xakameeya, sababtoo ah Xajku wuxuu leeyahay xuduud aan loo ogolayn in ruuxa xaajiga ah uu dhaafo ama uu ka gudbo. Arrimahaasina waxay sahlaysaa in qofku la qabsado nidaamka iyo kala danbaynta.
  2. Ficil kasta iyo hadalkasta oo xaajigu uu qabto waxa ku sugan cibro qaadasho. Tusaale ahaan:
    1. Inuu ruuxii fahmo muhiimada ay leedahay in laga sahay qaato Aduunyada.
    2. Maryaha cadcad ee Xaajigu waxay xasuusinayaan kafanta uu kala tagayo Aduunyada.
    3. Socodka Saffa iyo Marwo dhexdooda wuxuu xasuusinayaa miisaanka Qayaamaha iyo labadiisa kafadood.
    4. Maalinta Carafo ee dadka oo dhan taaganyahay Carafana wuxuu xasuusanayaa Qayaamihii iyo dadka oo sidaas oo kale u hor istaagaya Ilaahay.