Tusmo

Buurnida iyo Cayilka xad dhaafka ah.

Buurnida xad-dhaafka ah waxa loo yaqaanaa ”Overweight” waa mid kamida mushkiladaha ugu waawayn ee caalamku maanta wajahayo.

Xaqiiqooin ku saabsan buurnida iyo cayilka xad-dhaafka ah:

Haayada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ”WHO” ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqooyinkan.

  1. Sanadkii 2016kii, in kabadan 1.9 bilyan oo ah dadka qaangaarka ah ee da’doodu ka wayntahay 18 jir ayaa la ildaran buurnida, waxa dadkaas kamida 650 milyan oo la tacbaansan buurnida xad dhaafka ah.
  2. Buurnida iyo cayilku way sadex jibaarantay aduunka oo dhan lagasoo bilaabo sanadkii 1975tii.
  3. %39 dadka qaangaarka aha waxa haya buurni, %13 kamida ayaa la ildaran buurnida xad dhaafka ah.
  4. Aduunyada oo dhan dadka u dhinta buurnida xad dhaafka ah ayaa ka badan dadka u dhinta macaluusha.
  5. Sanadkii 2016kii, caruur gaadhaysa 41 milyan oo da’doodu ka yartahay 5 sanadood ayay haysaa buurni xad dhaafa.
  6. In ka badan 340 milyan oo caruur da’doodu ka u dhaxayso 5 sano ilaa 19 sano ayaa la tacaalaya buurnida saayidka ah.
  7. Buurnida waa laga hortagi karaa.

Maxaa sabab buurnida?

Haayada qaramad midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO waxay sheegtay in buurnida xad dhaafka ah ay sababto laba arrimood.

  1. Qofka oo cuna cuntooyin ay ka buuxdo tamar wadata dux ama baruur.
  2. Ayadoo ay korodho dhaqdhaqaaq la’aan, sababo la xiriira casrigan la noolyahay, shaqooyinka fadhiga lagu qabto iyo gaadiidka la raaco.

Cudurada ay keento Buurnidu?

  1. Cudurada wadnaha iyo xididada oo xidhma sida wadno xanuunka, dhiig karka, kolestaroolka xun oo kaca iyo faaliga ama Stroke. Cudurada wadnaha iyo xidida oo ahaa sababtii koowaad ee dadku ay u dhinteen sanadkii 2012 kii.
  2. Muruq xanuun iyo lafo garaaca.
  3. Cudurka sonkorta ama macaanka.
  4. Qaar kamida cudurrada kansarka sida kansarka ilmo galeenka, naasaha, ugxanta, beerka, xiniinyahay, kalyahay iyo caloosha.

Dalalka ugu badan ee buurnidu la ildaran.

Labaatanka dal ee la tacbaasan buurnida iyo cayilka waxa kamida sagaal dal oo islaama waana Kuwayt, Urdun, Sacuudiga, Qadar, Liibiya, Turkiga, Masar, Lubnaan iyo Imaaraatka Carabta.

Sidee looga hortagi karaa buurnida?

Haayada qaramad midoobay ee u qaabilsan caafimaadka WHO ayaa soo bandhigtay sadex qaab oo looga hortagi karo buurnida iyo cayilka xad dhaafka ah, waxayna kala yihiin:

  1. Inaad xadido cuntooyinka ay ku badanyihiin duxda iyo sonkortu.
  2. Inaad badsato cunida faakihooyinka, khudaarta iyo xabuubta.
  3. Jimicsi xaga jidhka ah oo si joogta ah loo sameeyo. Hal saac maalintii waa in caruutu ay jimicsadaan halka dadka qaangaarka ahna 150 daqiiqadood la rabo inay ku qaataan jimicsi todobaadkii, taasoo u dhigmaysa in shan maalmood todobaadkii ay jimicsadaan maalintii 30 daqiiqadood.

Maxay diinta Islaamku ka qabtaa buurnida saayidka iyo cayilka xad dhaafka ah?

Nabigii Ilaahay (scw) wuxuu buurnida xad dhaafka ku tilmaamay calaamadaha saacada Qayaame, wuxuuna yiri:

عن عِمْرَانَ بْن حُصَيْنٍ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : (إِنَّ خَيْرَكُمْ قَرْنِي ، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ ، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ ، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ . قَالَ عِمْرَانُ : فَلَا أَدْرِي أَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بَعْدَ قَرْنِهِ مَرَّتَيْنِ أَوْ ثَلَاثَةً . ثُمَّ يَكُونُ بَعْدَهُمْ قَوْمٌ يَشْهَدُونَ وَلَا يُسْتَشْهَدُونَ ، وَيَخُونُونَ وَلَا يُؤْتَمَنُونَ ، وَيَنْذِرُونَ وَلَا يُوفُونَ ، وَيَظْهَرُ فِيهِمْ السِّمَنُ

Cimraan binu Xuseen Ilaahay raali haka ahaade waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (Scw) yiri: ”waxa idiinku khayr badan qarnigayga, markaana kuwa kusii xiga, kadibna kuwa kusii xiga, kadibna kuwa kusii xiga. Cimraan wuxuu yiri: ma garanayo, in rasuulkii Ilaahay (scw) yiri qarnigiisa kadib laba jeer ama sadex jeer. Kadibna waxa ka danbaynaya qoom markhaati noqonaya oo aan markhaati ahayn, oo khiyaamaynaya oo aan la aaminayn, oo nadar galaya oo aan oofinayn, waxa ka muuqanayana dhexdooda buurnida”[1]

Buurnida xad dhaafka ah ee cuntada iyo fadhiga badan ay keento waa mid aan ku amaanayn diinta Islaamka, balse buurnida ay keento waynida, xanuuno, hidde iyo wax aanu qofku sabab u ahany laguma ceebaynayo.

Nabigii Ilaahay (sc) wuxuu ka diga cuntooyinka badan ee caloosha laga buuxinayo, wuxuuna yiri:

عن مقدام بن معدي كرب قال سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول ما ملأ آدمي وعاء شرا من بطن بحسب ابن آدم أكلات يقمن صلبه فإن كان لا محالة فثلث لطعامه وثلث لشرابه وثلث لنفسه

Miqdaam binu Macdi Yakrib wuxuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”ma buuxayo aadamuhu weel ka shar badan calooshiisa, ibnu aadamka waxa ku filan hudhmooyin uu ku toosinayo dhabarkiisa, hadii ay lagama maarmaan tahay haka dhigo sadex meelo hal meel cuntadiisa, sadex meelood kalena cabitaankiisa iyo sadex meelood hawadiisa ah”[2]

Ilaahayna wuxuu yiri:

وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ (31)

Cuna oo caba hana xadgudbina, maxaa yeelay Ilaahay ma jecla xad gudbayaasha (31)[3]

Diinta Islaamku way dhiiri galisay jimicsiga.

Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhiiri galiyey jimicsiga iyo cayaaraha u wanaagsan jidhka, sida:

  1. Musaaracada: musaaraco xor ah ayaa dhex martay rasuulkii Ilaahay iyo Rukaana, waxaana badiyey rasuulkii Ilaahay sadex jeer. Halkaas oo laga qaadanayo in musaaracada ama lagdintu ay banaantahay hadii aanay jirin lacago la kala dhigtay iwm.

Sidoo kale waxa rasuulku (scw) lagdansiiyey labadii saxaabi ee dhalinyarada ahaa ee rabay inay dagaalka ka qayb galaan.

  1. Orodka: nabigu (scw) wuxuu la baratamay xaaskiisa Caasha isagoo ka dheereeyey ayaduna ay markii hore ka dheeraysay.[4]
  2. Socodka: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu faray umadiisa inay usoo lugeeyaan masaajidka maxaa yeelay tallaabo kasta waxa loo qorayaa xasano, sidoo kale danbi ayaa lagaga tirtirayaa.
  3. Dabaasha: nabigii Ilaahay (scw) wuxuu yiri: “wax kasta oo aan dikriga Ilaahay ku jirin waa cayaar, afar mooyee: ninku xaaskiisa oo uu la cayaaro, ninka oo layliya faraskiisa, baratanka socodka iyo ninku inuu barto dabaasha”[5]
  4. Fardo fuulnimada: nabigu (scw) wuxuu fuuli jiray fardaha iyo geelaba kuwaasoo u baahan jimicsi badan oo xaga jidhka ah.

[1] Bukhaari (2457) iyo Muslim (4603)

[2] Tirmadi (2380)

[3] Suuratu Al-acraaf: 31

[4] Abudaawuud: (2578)

[5] Sunanu Al-Nisaa’ Alkubraa: 8889