18 maarkadood oo kamida xamuuradaha dumarku ay afka marsadaan ayaa sababa Kansarka.

Tusmo

Ma kula tahay in xamuuradaha Afka la marsado ay ka buuxaan Sun?

Dhammaan dumarku da’day doonaaba ha joogaana waxay marsadaan xamuurada afka lagu caseeyo ayagoo ku qurxinaya dibnahooda ama bishmahooda. Hadaba waxayna dumarkaasi ogayn in macdanada laga sameeyo xamuuradaha ay yihiin kuwo khatar ku ah caafimaadka.

Maadaama maqaarka jidhku daloolo wuxuu nuugayaa macdanada xamuurada, taasoo u gudbaysa dhiiga, waxayna dhibaato ku keenaysaa jidhka. Dumar badan waxay ayagu nuugaan dibnahooda taasoo keenaysa inay liqaan maadoonyinkii kiimikada ahaa, sidaasna ay ugu gudubto dhiiga.

Dr. Katharine Hammond oo profasoorad ka ah jaamicada University of California ee ku taala magaalada Berkeley ayaa cilmi baadhis ay samaysay ka heshay xamuurada inay ku jiraan macdanada cadmium, cobalt, aluminum, titanium, manganese, chromium, copper iyo nickel.

Dumar badan ayaa marsada xamuurada ama af-caseeyaha maalintii wax ka badan 24 jeer. Dhakhaatiirtuna waxay ku talinayaa in la iska joojiyo marsashada xamuurada ama in la yareeyo isticmaalkeeda. Khatartuna way yaraanaysaa hadii la dhimo isticmaalka xamuurada.

Inaad doorato xamuurad khafiifka ah ayaa ayaduna yaraynaysa dhibaatada, sababtoo ah Dr Hammond waxay cilmi baadhisteedii ku ogaatay in markasta oo xamuuradu ay madoobaato ama ay adkaato inay ku jiraan macdano khatar ku ah caafimaadka.

Maadaama dumarka marsada xamuuradu ay dhunkadaan ninkooda iyo caruurtoodaba waxa halistaasi u gudbaysaa bulshada oo dhan. Dhunkashada xalaasha ah ee gabadhu ninkeeda ku dhunkato ama mid xaaranaba waxay ka qeybqaadanaysaa in halista cudurka kansarku badato.

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa marsashada Xamuurada.

Xamuurada dumarku marsadaan wax dhiba malaha hadii aanay caafimaadka halis ku ahayn iyo hadii aan rag ajanibiya loo marsanayn. Guud ahaan waxyaalaha dumarku isku qurxiyaan way banaanyihiin, hadii loo marsanayo ragooda iyo maxramkooda iyo hadii aanay ku jirin waxyaalo caafimaadka wax yeelaya ama maadooyin xaaraana sida dheecaanka doofaarka, daroogada iyo khamriga.

Waqtigan aynu joogno maadaama ay cadaatay in xamuuradu sababto cuduro halisa sida kansarka waaba xaaaraan in la marsado iyo in ummada laga iibiyaba ama lasoo dajiyaba illamaa dhakhaatiirtu ay ka cadaynayaa caafimaadkeeda iyo maadooyinka ay ka samaysantahay.

Xigasho:

Daily Health Post