Tusmo

Xabaasuudu waxay daawaysaa cudurka Kansarka iyo xanuuno kale.

Xabaasuudu waa geed caalamka islaamka si wayn looga isticmaalo, geedkan wuxuu leeyahay faa’idooyin badan iyo sira badan oo ku hoos jira. Cunida xabaasuudu waxay ka hortagtaa cuduro badan waxayna daawaysaa xanuuno badan. Mudo dheer oo ay culumadu baadhayeen xabaasuuda, waxa la xaqiijiyey inay leedahay faa’idooyin badan ayna daawo ka tahay xanuuno badan:

Kaar jabiso:

Xabaasuudu waxay yaraysaa kaarka iyo damqashada xanuunka, waxa kale oo saliideedu dhaydaa oo ay isu keentaa meesha dhaawucu soo gaadhay, sidoo kale waxay daawaysaa jidhka gubtay. Xabaasuudu waxay  yaraysaa dhibaatooyinka ay leedahay cunida daroogada Haafiyuunka (Opium)

Daawada cudurka Kansarka:

Waxay cadaysay cilmi baadhis la sameeyey in xabaasuudu daawayso cudurka kansarka sida kansarka mindhiciraha, waxayna joojisaa in kansarku ku faafo jidhka ama inuu waynaadaba. Xabaasuudu waxa kale oo ay daawaysaa noocyo kale oo kansarka kamida sida ay cadaysay tijaabooyin ay samayeen culumadii baadhay ee gobolka South California.

Culumadu waxay ku talinayaa in wax yar laga cuno xabaasuuda oo lagu daro cuntooyinka ama in la tumo ama in lagu daro salladhka ama salaatada.

Waxaana fiican in xabaasuuda la cuno maalintii hal mar, kahor hal saac intaanad cuinin quraacda. Hadii ay afka ku qadhaadhaato waxa la raacin karaa hal qaado/malcaqad malaba.

Hadii cudurka kansarka lagu daaweynayana waxa khubarada Jarmalku ku talinayaan in sadex qaado/malcaqado la cuno maalintii.

Nabiga (scw) oo ka warramay faa’idada xabaasuuda:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ عَلَيْكُمْ بِهَذِهِ الْحَبَّةِ السَّوْدَاءِ فَإِنَّ فِيهَا شِفَاءً مِنْ كُلِّ دَاءٍ إِلَّا السَّامَ وَالسَّامُ الْمَوْتُ

Abihurayra waxa laga wariyey in nabigu (scw) yidhi: “Ku dadaala xabaasuuda, maxaa yeelay waxa ku jira daawada cudur kasta marka laga reebo saamka, saamkuna waa dhimashada” [Bukhaari:5364  iy Muslim: 2215 ]

Sida aan ka faaidayno xadiiskan cajiibka ah waxa xabaasuuda ku jira shifo iyo cilaaj cidii Ilaahay ku shaafinayo. Waana sida ay cadeeyeen culumada dhakhaatiirta ee cilmi baadhista ku sameeyey:

 


Xigasho:

Aljazeera

DW.com

https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC3252704/