Su’aal:

Ma u banaantahay gabadh xaas ah inay shaqaysato si ay u biiliso labadeeda waalid oo aan haysanin wax dakhliya? Run ahaantiina anigu waan shaqaynayey mudo sanado ah, waxaanan biilayey waalidkay, ayadoo aabahayna uu leeyaay wadno xanuun iyo dhabar xanuun sidoo kalena lagu leeyahay dayn aad u badan, walaalkay oo iga yarna waa bilaa camal (shaqo la’aan). Dawooyinka aabahay uu qaatana waxa bixisa inteeda badan shirkada aan ka shaqeeyo, waxaan sitaa xijaabka kolkaan shaqaynayo waanan ku dadaalaa arrinkaas. Waxaanan guursaday dhawr bilood kahor, ninkayguna wuu ogyahay inaan u shaqeeyo waalidkay, kadibna isagii ayaa u guuray magaalo kale si uu uga shaqeeyo halkaas, wuxuuna iga dalbay anigana inaan ka dabo tago isaga. Taasina waxay noqonaysaa inaan ka tag0 shaqada iyo inaan faraha ka qaado masuuliyadii iga saarnayd waalidkay. Iminkana wali waan shaqeeya anigoo isku dayaya inaan ka baadho shaqo magaaladaas kale, hase ahaatee maan helin wax shaqo ah ilaa iyo hada. Ninkayguna wuxuu igu celcelinayaa inaan u tago isaga, waa arrin adag run ahaantii, mana garanayo si aan u guto xaqa ninkayga iyo xaqa labadayda waalid, waa maxay taladiinu?

Jawaab:

Alxamdulilaah.

U baari noqoshada waalidka iyo inaad u ixsaan fasho waa camalada ugu fiican iyo daacada ugu sarreysa, waana albaab kamid ah albaabada Jannada, gaar ahaan marka ay waynaadaan, in la biilo xilligaasna maaha oo kaliya ixsaan falis ee waa arrin waajib ah. Wayna ku waajibaysaa ubadka (wiil iyo gabadhba) ee xoolo leh inay quudiyaan waalidkood. [Halkan ka akhriso]

Waxaad sheegtay in ninkaagu uu ogyahay duruufta qoyskaaga iyo inaad adigu u shaqysid ayaga. Ayadoo laga duulayo arrinkaas uma aragno inuu ninkaagu xaq uleeyahay inuu ku faro inaad ka tagto shaqadii uu kugu guursaday adigoo ka shaqaynaya, iyo inaad isaga u safartid toona, maxaayeelay arrintaasi waxay ku keenaysaa waalidkaa dhiba aad u wayn.

Wuxuu ku yidhi Shiikh Bahuuti  “الروض المربع” :

” (وله منعها من إجارة نفسها) لأَنه يفوت بها حقه، فلا تصح إجارتها نفسها إلا بإذنه ؛ وإن أَجرت نفسها قبل النكاح صحت ولزمت ” .

“(ninku xaq ayuu u leeyahay inuu udiido inay gabadhu nafteeda shaqo galiso) maxaa yeelay xaqiisii ayaa lumaya, mana anasaxayso in gabadhu nafteeda shaqo galiso ogolaanshaha ninkeeda mooyee, hadiiba ay shaqaysay guurka kahor way u ansaxaysaa, waxaana laasimay guurkooda” [1]

Waxaanan ninkaaga kugula talinaynaa inuu sabro, iyo inuu kugu kaalmeeyo u baari noqoshada waalidkaa. Adigana waxaan kugula talinaynaa inaad si dhab ah uga raadsato shaqo magaalada ninkaagu joogo, si ay kuugu suurtowdo inaad u guurto isaga iyo inaad soo kaalmayso waalidkaaba.

Ninkaaguna hays dhigo booska aabahaa, hana fiiriyo waxa waajib ku noqonaya ninka qaba inantiisa, maxaa yeelay nabigu (ﷺ) wuxuu ina faray inaan dadka kula dhaqano sida aan u jecelnahay inay inagula dhaqmaan.

Waxaana adigana kugu haboon inaad u dabacsanaato ninkaaga iyo waalidkaaba si aad labadoodaba xaqooda u fuliso, iyo inaanad raali ka noqonin in midkood uu dayacmo xaqiisu.

Ilaahaybaan ka baryeynaa inuu kuu fudaydiyo arrimahaaga, iyo inuu ku waafajiyo wixii khayr leh. Wallahu aclam.


[1] لروض المربع

Xigasho-: Islamqa