Tusmo

Waxaan joogaa Yurub manaan arkin bishii Ramadaan, Yaan la soomaa?

Jawaab:

Ugu horeyn:

Bisha Ramadaan kuma suganto waxaan aragti ahayn ama Shacbaan oo sodon ku dhamaato mooyee, wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw):

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا رأيتم الهلال فصوموا وإذا رأيتموه فأفطروا فإن غم عليكم فصوموا ثلاثين يوما

Abuhurayra Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Hadaad aragtaan bisha (Ramadaanka) sooma, hadaad aragtaan (Shawaalna) afura, hadii ay wax idin kala dhex galaana (daruur iwm) waxaad soomtaan sodon maalmood” [Muslim: 1808 ]

Maadaama Rasuulku ku xidhay aragti, markaa meesha masoo galayso xisaabta falakiyiintu sheegaan. Waana suurtagal in aragtida bisha ay ku kala duwanyihiin wadamadu, gaar ahaan kuwa aadka u kala fog.

Ta labaad:

Hadii wadanka aad joogtid leeyahay haayad islaamiya oo go’aamisa in bishii la arkay iyo inkale waa lagu dhaqmayaa go’aankooda. Waxayna gudida culumada joogtada ah ee Sacuudigu fatwoodeen in haayadaasi u dhigmayso sida xukuumada oo kale oo ay laasimayso in la raaco go’aankooda ah in bishii dhalatay iyo inay dhamaatayba.

Hadii aanay jirin haayad shaqaynaysa markaa dhib malaha in qofku uu raaco wadan muslima oo uu ku kalsoonyahay oo bilashada ramadaanka ku xidha aragti, wadankaas oo aan ahayn kuwa ku xidha xisaabta falaga.

Waxa la waydiiyey sheekh ibnu Baaz (AHU) qof ku nool dalka Spain oo la soomay Sacuudiga, wuxuuna ku jawaabay:

“Hadii aad nala soomteen oo aad nala afurteen idinkoo ku nool Spain malaha wax dhib ah, siduu dhahay Rasuulku (scw): [ku sooma aragtidiisa, kuna afura aragtidiisa, hadii la idinka dhex galana dhamaystirta sodonka.] taasina waa mid guud oo ka dhaxaysa muslimiinta, wadanka xaramaynku ku yaalana ayadaa mudan in lagu daydo” [ مجموع فتاوى ابن باز (15/105)]