Tusmo

Su’aal:

Asc sheekh suaal ayaan qabaa sheekh waxaaan isku arkay in mudaaba waswaas tiro badan oo dhankastaa inta badan waxa qalbigayga ku soo dhaca waxyaabo kabaaira oo aan hada sheegi karin oo is iraa malaha waxbaaba kaa qaldan saasoo ay tahay cibaadada kuma xumi oo quraanka iyo salaadaba waan ilaaliyaa sheekh khyr badan allah ku siiyee waxaan kaaga baahanay maxay tahay dawadiisa inshaaa allah jzklh khyr.

Jawaab:

Ugu horeyn: mashaakilkaas aad sheegtay ee waswaaska ah ee aad kacabsanaysid,  waxaan kuugu bishaareenayaa in natiijadu tahay mid wanaagsan. Sababtoo ah waswaaskaas Shaydaan ayaa kusoo tuura qalbiga dadka mu’miniinta ah, si uu khalkhal uga galiyo caqiidadooda saliimka ah ee nabadgashay iyo sidoo kale inuu ku rido walwal iyo walbahaar ama tiiraanyo iyo murugo.

Xaaladaadaasina maaha tii ugu horeysay ee ruux muumin ah la kulmo, mana noqon doonto tii ugu danbeysay, ee waa xaalad jiri doonta inta ruux mu’min ah joogo Aduunyadan. Waxa xaaladan oo kale ay asiibi jirtay saxaabada Rasuulka (scw), waxa laga wariyey Abuhuraya Ilaahay raali haka ahaadee:

عن أبي هريرة قال جاء ناس من أصحاب النبي صلى الله عليه وسلم فسألوه إنا نجد في أنفسنا ما يتعاظم أحدنا أن يتكلم به قال وقد وجدتموه قالوا نعم قال ذاك صريح الإيمان.

Abu hurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: Dad kamida saxaabada nabiga (scw) ayaa u yimid, waxayna waydiiyeen; naftayada waxaan ka helaynaa wax ay ku wayntahay midkaayo inuu ka hadlo, wuxuu dhahay Nabigu: “Ma helaysaan sidaa?” waxay dhaheen: Haa. Wuxuu ydihi: “Kaasi waa iimaankii oo cad” [Muslim:188]

Waxa kale oo laga wariyey nabiga (scw) inuu dhahay:

عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا يزال الناس يتساءلون حتى يقال هذا خلق الله الخلق فمن خلق الله فمن وجد من ذلك شيئا فليقل آمنت بالله.

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Dadku kama suulayaan inay wax is waydiiyaan, illamaa laga dhaho kani waa abuurkii Ilaahay, ee Ilaahay yaa abuuray? cidii waxaas wax kamid iska heshaa ha dhaho; Ilaahay ayaan rumeeyey” [Muslim:190]

Sidoo kale ibnu Cabaas waxa laga wariyey inuu dhahay:

عن ابن عباس قال جاء رجل إلى النبي صلى الله عليه وسلم فقال يا رسول الله إن أحدنا يجد في نفسه يعرض بالشيء لأن يكون حممة أحب إليه من أن يتكلم به فقال [ ص: 330 ] الله أكبر الله أكبر الله أكبر الحمد لله الذي رد كيده إلى الوسوسة

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu yidhi: Nin ayaa u yimid nabiga (scw) wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahayow, midkaayo wuxuu naftiisa ka helayaa in loo soo bandhigo waxyaalo, oo ka hadalkeedana looga jacayl badanyahay inuu noqdo danbas, wuxuu yidhi nabig: “Allahu akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar, Alxamdulilaah, Ilaahay ayaa mahada iska leh ku celiyey dhagartiisii Waswaaska ” [Abudaawuud:5112]

Wuxuuna ku dhahay Sheekhul Islaam ibnu Taymiyyah kitaabka iimaanka: “Ruuxa mu’minka ah waxa lagu imtixaama waswaaska gaalnimada ah, taasoo cidhiidhi galisa laabtiisa, sida saxaabadu ay tidhi; rasuulkii Ilaahayow, midkaayo wuxuu naftiisa ka helayaa wax ku hadalkeeda looga jacayl badanayahay in laga soo tuuro xaga samada laguna tuuro dhulka, wuxuuna ku jawaabay: taasi waa iimaanka cadaantiisa, riwaayo kalena waxay ahayd wax qofka ku wayn, wuxuuna ku jawaabay: (Ilaahaybaa mahada iska leh ku celiyey dhagartiisa waswaaska) ayadoo looga jeedo in waswaaskaasi dhacay ayadoo ay la socoto nacaybkaas aadka u wayni, iyo in laga difaaco qalbiga inay tahay iimaanka cadayntiisa. Sida ruuxa mujaahidka ah  oo kale, ee cadawgu uyimid, iskana difaaca kadibna ka guulaysta. Taasina waa jihaaad aad usarreeeya. isagoo hadalka sii wata ayuu dhahay: (sidaas awgeed ardayda, dadka cibaadaysta, waxa ku geedaaman waswaas iyo shubuhaat aan dadka kale haysanin, sababtoo ah (dadka kale) maysan raacin jidkii Ilaahay iyo manhajkiisiiba, ee waxay qaabileen hawadoodii ayagoo moogan xuska Rabigood….)

– Waxaan leenahay walaalkaas su’aasha ina waydiiyey, isla markuu ku cadaado in waswaaskaasi ka yimid Shaydaan waa inaad la jihaatantaa sidoo kalena iska caabisaa, waana inaad ogsoonaata inaanay waligaa waxba kaa qaadaynin hadaad iska difaacayso, kana soo baxayso waajibaadkaaga; waana sida nabigeenu tilmaamay:

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم – : ” إن الله تجاوز عن أمتي ما وسوست به صدورها ، ما لم تعمل به ، أو تتكلم ” متفق عليه

“Abuhurayra waxa laga wariyey (I.R.H) inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ” Ilaahaybaa ka dhaafay umadayda wixii waaswaasiya laabahooda, hadaanu ku camal falin, ama aanu ku hadlinba.” [Bukhaar (2391) iyo Muslim (127)]

Adigana bal kawarran hadii lagu waydiiyo ma rumaysantahay waxa ku waswaasinaya? Mida kale Ilaahay waxaas ma ku sifayn lahayd? Waxaad dhihi lahayd: (Nooma haboona inaan waxaas ku hadalno, ee Ilaahaybaa xumaan ka nasahan, waana been abuurad, waanad ka nici lahayd qalbiga iyo afkaba, waxaanad kamid noqon lahayd dadkaba ka ugu fog ee ka orda, !), Sidaas darteed waa waswaas kaliya waxani, iyo fikiro yar yar oo qalbigaaga lagu soo tuurayo, iyo shabaagta Shaydaanka oo raba inuu ku gaalaysiiyo (Ilaahaybaan ka magan galnee), shaydaankaas  oo dhex socda dhiiga bani Aadamka, ujeedadiisuna waa inuu kaa celiyo diintaada, kun gaalaysiiyo.

Qaabkeebaan kaga takhalusaa Waswaaska:

  1. Ilaahay ood ka magangasho, iyo inaad joojiso ka fikiridoodaba ama waqti dheerba inaad siiso wax yar oo Shaydaanku qalbigaag kusoo tuuray.
  2. Xuska Ilaahay ood badiso, iyo inaad kontoroosho naftaada si aanad ugu sii socon waswaaskaas.
  3. Ku dadaal xoogan ood saarto la imaanshaha camalada saalixa ah, adigoo ka amar qaadanaya Rabigaa sidoo kalena raali galinaya. Hadaad isku mashquuliso cibaadadaas iyo camaladaas wanaagsan kolkaas waxba kaa dhibi maayo Waswaasku.
  4. Inaad badiso ducada Rabigaa ood kusoo laabato markasta xagiisa (swt).

Ilaahayna waxaan kuu waydiinaynaa inuu ku cafiyo, kaana dulqaado dhibkaas adiga iyo dhamaan Muslimiintaba. Wallahu Aclam.


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

  • https://islamqa.info/ar/12315
  • (مجموع فتاوى ورسائل فضيلة الشيخ محمد بن صالح العثيمين ج/1 ص 57 – 60 )