Su’aal:

Waa sidee Xukunka Haweenayda tukanaysa Salaada, sidatana maro asturaysa jidhkeeda balse aan sidanin surwaal hoose?

Jawaab:

Ugu horeyn waxa waajiba in haweenaydu asturto dhamaan jidhkeeda kolka ay tukanayso Salaada, marka laga reebo wajiga iyo baabacoyinka. Kumana waajibayso haweenayda inay gashato wax ka badan hal maro, ee markay asturto jidhkeeda oo dhan wajiga iyo baabacooyinka mooyee, waa u dhamaystirantahay asturaadeedu xitaa ha noqoto hal maro kaliya.

Wuxuu dhahay Sh. Ibnu Cuthaymiin Ilaahay ha unaxariistee: “Waxa waajiba in haweenaydu asturto cawradeeda, xitaa haba ahaato hal maro kaliyee, hadii ay haweenaydu isku duubto maro asturaysa madaxeeda, gacmaheeda iyo adimadeeda oo aanay muuqanaynin meelina wajiga mooyee, waa u gudmaysaa” [ “الشرح الممتع” (2/74) .]

Waxa kale oo la waydiiyey; Marada haweenka ee Salaadu ma banaantahay inay ahaato gobol kaliya ama go’ iyo sheelad (Cabaayad iyo Khamaar)?

Wuxuu ku jawaabay: “Way u banaantahay haweenayda tukanaysa inay ku tukato hal maro kaliya, maxaa yeelay shardigu waa in cawrada la asturo, haweenayda xorta ah ee tukanaysana waa cawro dhamaanteed marka laga reebo wajigeeda, culumada qaarna waxay kasoo reebeen laba baabaco iyo labada adimood, waxayna dhaheen: baabacooyinka iyo wajigu waajib maaha in la asturo salaada dhexdeeda, sidaas awgeed hadii haweenaydu tukato ayadoo asturtay wixii la sturayey haba ahaato haba ku asturto hal maro ahbee, salaadeedu way u gudmaysaa” Hase ahaatee culumo kale waxay dhaheen: Waxa fiican inay ku tukato Dirac, Khamaar iyo Malxafad. [“مجموع الفتاوى” (12/300)]

  • Diracu waa marada u eeg sida Qamiiska.
  • Khamaarkuna waa marada madaxa lagu duubo.
  • Malxafaduna waa maro laga sareysiiyo diraca, una eeg cabaayada balse ka yara waafahsan.