Tusmo

Waa maxay xukunka in ninku xaaskiisa uga tago xaga danbe ama gadaal?

Su’aal:

Waa maxay xukunka in ninku xaaskiisa uga tago xaga danbe ama gadaal? Hadii ay xaaraan tahay ma leedahay kafaaro gud? Xaaskuna ma ku furmaysaa?

Jawaab:

In ninku xaaskiisa uga tago xaga danbe ama gadaal (wadada saxaradu soo marto) waa danbi wayn oo kamida dunuubta waawen, waana isku mid hadii xaasku ay ku jirto xilligii dhiiga xaydka iyo hadii ay daahir tahayba. Nabiguna (scw) wuu lacnaday cida falkaas ku kacda:

عَنِ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَلْعُونٌ مَنْ أَتَى امْرَأَةً فِي دُبُرِهَا

Abihurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Wuu lacnadanyahay cidii gabadh uga tagta gadaal (xaga danbe)” [Musnadka imaamu Axmed: 9850 ]

Waxa kale oo nabiga (scw) laga wariyey:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَنْ أَتَى حَائِضًا أَوْ امْرَأَةً فِي دُبُرِهَا أَوْ كَاهِنًا فَقَدْ كَفَرَ بِمَا أُنْزِلَ عَلَى مُحَمَّدٍ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ 

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw): “Cidii u tagta gabadh xayd leh (meesha xaydka), ama gabadh (uga taga) xaga danbe ama u taga sixiroole wuxuu ka gaaloobay wixii lagusoo dajiyey Muxamed (scw)” [Tirmadi: 135]

Imaamu Tirmadi wuxuu yidhi: Macnaha xadiiska culumada agtoodu waxa weeye adkayn, waxaana laga wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: cidii utagta gabadh ku jirta xaydka ha sadaqaysto hal diinaar, hadii xaydku yahay gaalnimo muu fari lahayn kafaaro gud.

Ayadoo la ogyahay in dumar badan oo fidradoodu caafimaad qabto inay diidaan falkan foosha xun, ayaa hadana nimanku ku qasbaan oo ay ugu hanjabaan furniin hadii aanay ogolaan. Qaarkoodna been ayay u sheegaan dumarka, ayagoo og in dumarku ay ka xishoonayaan inay su’aashan waydiiyaan culumada, sidaas darteed jahligeeda ayuu ka faa’idaystaa wuxuuna uga dhigaa inay tahay arrin xalaala.

Nabigu (scw) wuxuu inoo sheegay in dumarka looga tago meesha ilmaha laga dhalo oo qaabkii la doonaba loogu tago meeshaas, maadaama ay tahay goobtii wax lagu beerayey. Markaa waxa banaan in xubinka taranka ee haweenka uu ninku uga tago, kor iyo hoosba, midig iyo bidixba, qaabkasta oo uu doono ayuu uga tagayaa xubinka taranka, laakiin marnaba ma banaana inuu xaga danbe (wadada saxaradu soo marto) inuu uga tago. Ilaahayna wuxuu yidhi:

نِسَاؤُكُمْ حَرْثٌ لَّكُمْ فَأْتُوا حَرْثَكُمْ أَنَّىٰ شِئْتُمْ ۖ

Dumarkiinu waxay idiin yihiin beer ee beertiina uga taga qaabkaad doontaan. [Suuratu Albaqarah: 223]

Gabadha waxa Ilaahay ku tilmaamay inay beer tahay, beertana waa la abqaala (falaa ama la beeraa) oo midho ayaa kasoo baxa, haddaba meesha beerta ah ma xubinka tarankaa mise xaga danbe? Xubinka taranka ayaa ah beerta, meeshaasna qaabkii uu ninku doono ayuu ugu tagayaa.

Arrintana waa xaaraan xitaa hadii ninka iyo gabadhuba ay raali ka yihiin, sababtoo ah shay xaaraana ma xalaaleeyo raali ahaanshaha bani aadamku.

Asbaabta keenta ficilkan xun inuu ku fido bulshadana waxa weeyey filimaanta xun ee zinada ah, kuwaasoo faafiya dhaqan xumada kuwa ugu liita iyo inay la dagaalamaan nolosha nadiifta ah ee lamaanaha is qaba.

Sidoo kale gabadha waxa xuquuqdeeda kamida inay hesho meel ay baahideeda shahwadeed ku fushato oo ah ninkeeda, sidaas darteed gabadhu xaq ayey u leedahay in ninku uga tago meeshii Ilaahay amray. Ninkii meel kale uga taga xaaskiisa isagoo u hanjabaya ama been ka dhaadhicinaya, wuxuu ku xadgudbayaa xuquuqdii ay lamaanaha is qabaa isku lahaayeen.

Dhanka kale xaga danbe ama meesha wadada saxaradu soo marto uma diyaarsana in loo tago, waa jid ay wax kasoo baxaan, waxa kasoo baxana waa la yaqaanaa. Halka xubinka taranka ee haweenku u diyaarsanyahay galmo xalaala, oo ninka iyo gabadhaba u fudud oo ay shahwadooda ku gudan karaan qaab xalaala oo nadiifa, walibana ajir iyo xasanaad loogu qorayo labadoodaba.

Ta kale arrintani waxay dhib ku tahay ninka iyo gabadhaba, ayadoo dhakhaatiirtu ay sheegeen inay kadeed ku tahay lamaanaha. Sidoo kale waa meel nijaaso ka timaado si joogta ah. Hadii xubinkii taranka la xaaraantimeeyey marka dhiiga xaydku yimaado, bal kawarran meel markasta nijaaso ka timaado!

Waxa intaas dheer lacnada ku dhacaysa qofka fal danbiyeedkaas ku kacaya, isagoo isu bandhigaya in Ilaahay naxariistiisa ka dheereeyo.

Xaasku miyey ka furmaysaa hadii ninku uga tago gadaal ama xaga danbe?

Dad badan ayaa umalaynaya in hadii ninku falkaas ku kaco in xaasku ka furmayso si Automatic ah (isla markaaba). Dabcan majiro wax daliila oo tilmaamaya in gabadhu ay furmayso, ee wali xaaskiisii ayey tahay.

Xaaskana waxa la haboon in ninka ficilkaas ku kacaya inay waaniso, ugana digto falkaas foosha xun, ayna u sheegto in lacnad ku dhici karto. Hadii ninku ku adkaysto fal danbiyeedkaas oo aanu ka toobad keenin waxa gabadha u banaan inay dalbato furniin ama fasakhaad, sababtoo ah xikmadii la isu guursaday ayaa meesha ka maqan.

Waa maxay kafaaro gudka cida falkan la timaada?

Dabcan fal danbiyeedkan malaha wax kafaaro guda oo soo arooray, kaliya waxa la haboon ninka iyo gabadha ogolaatayba inay Ilaahay utoobad keenaan, taasbaana ah kafaaro gudkiisa. Ilaahay wuxuu yidhi:

وَإِنِّي لَغَفَّارٌ لِّمَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا ثُمَّ اهْتَدَىٰ ﴿٨٢﴾

“Anigu waan u dhaafaya kii toobad keena ee rumeeya ee camal wanaagsan la yimaada markaana hanuuna (toosnaada)” [Suuratu Daaha:82]

Aayadan iyo aayada kaleba waxay tilmaamayaan in ruuxa toobad keena ee iimaan iyo camal wanaagsan laga helo kadibna ku toosnaadaa in Ilaahay ka toobad aqbalayo, kana tirtirayo danbigiisii.

Shuruuda Toobada

Toobaduna waxay leedahay afar shuruudood:

  1. Inuu danbigii joojiyo.
  2. Inuu go’aansado inaanu dib ugu laabanaynin danbigaas.
  3. Inuu ka murugoodo danbiga.
  4. Hadii xaq aadame ay tahayna inuu u celiyo cidii lahayd (sida ninka xaday lacag, waa inuu cidii lahayd u celiyo).

Wallahu aclam