Bismillah, waxa sunnada kamid ah in ilmaha dhashay laga xiiro timaha Yixda loo yaqaano, wiil iyo gabadh kuu doono ha noqdee, sidoo kalena faa’ido ayaa ilmaha ugu jirta sida ay sheegeen dhakhaatiirtu oo waxa xoogaysanaya ilmaha dhashay maqaarkiis iyo jidhkiisaba. waxaana u daliil xadiiskan:

عَنْ سَمُرَةَ بْنِ جُنْدُبٍ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ كُلُّ غُلَامٍ رَهِينَةٌ بِعَقِيقَتِهِ تُذْبَحُ عَنْهُ يَوْمَ سَابِعِهِ وَيُحْلَقُ وَيُسَمَّى

Samura ibnu Jundub waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Ilmo kasta wuxuu u rahnanyahay walqalkiisa, waxa loo walqalayaa maalintiisa Todobaad, waana loo xiirayaa, waxaana loo bixinayaa magac.” [Tirmadi:2838 ]

– Sidoo kale waxa sunne ah in Ilmaha laga bixiyo sadaqo miisaankeedu u dhigmayo timihiisa la xiiray, sida xadiiskani tilmaamayo:

عَنْعَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ قَالَ عَقَّ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ الْحَسَنِ بِشَاةٍ وَقَالَ يَا فَاطِمَةُ احْلِقِي رَأْسَهُ وَتَصَدَّقِي بِزِنَةِ شَعْرِهِ فِضَّةً قَالَ فَوَزَنَتْهُ فَكَانَ وَزْنُهُ دِرْهَمًا أَوْ بَعْضَ دِرْهَمٍ

Cali ibnu Abidaalib waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay wuxuu ugu walqalay Xasan lax wuxuuna ku dhahay Faadima: “Madaxiisa u xiir, ka sadaqee miisaanka timihiisa oo lacag ah (fido ah)” wuxuu yidhi: way miisaantay, wuxuuna miisaankiisu noqday hal dirham ama badhkeed. [Tirmadi:1519 ]

Qaabka iminka loogu sadaqeynayana waa in la miisaamo timaha ilmaha, kadibna la bixiyo miisaanka timahiisa oo lacag ah. Waagii hore lacagtu waxay ahayd Fido ama Dahab oo waa la miisaami jiray, balse waqtigan la joogo waxa dhici karta inaan la adeegsan lacagta birta ah sidaa awgeed waa la qiyaasayaa miisaanka timuhu wuxuu soo baxo, dabadeedna lacag ayaa lagu bixinayaa.

– Walqalku waa inuu ahaado maalinta Todobaad ee dhalashada ilmaha, hadii uu baaqdo waxa laga dhigayaa maalinta Afar iyo Tobnaad, haduu baaqdo maalintaasna waxa laga dhigayaa maalinta Kow iyo Labaatanaad, haduu sii dhaafana waa inuu walqalaa maalmaha kale, mana aha shardi todobaadadaasi.

– Xiirista Timuhuna waxay lamid tahay sida walqalka oo kale oo isku maalin ayaa wanaagsan in timahana laga xiiro, loona walqalo, loona bixiyo magaca. Wallahu Aclam