Tusmo

Su’aal:

Waa maxay xukunka dhiiga xaydka oo aan istaagayn?

Jawaab:

– Ugu horeyn: waxa ku waajib noqonaysa haweenaydaas inay wayso u qaadato salaad kasta, waxaana u daliila jawaabtii nabigu uu siiyey Faadima bintu abi Xabiish:

( ثم توضئي لكل صلاة ) رواه البخاري في باب غسل الدم

(u wayso qaado salaad kasta) Bukhaari: (226).

Macnaha xadiiskuna waxa weeye in haweenaydaasi ay u wayso qaadanayso salaad kasta oo faral ah marka ay soo gasho waqtigeedu, hadiise salaadaasi aanay ahayn mid faral ah (sunne) waxay u wayso qaadan kartaa xilligii ay donto.

– Ta labaad: Marka haweenaydaasi ay doonto inay waysaysato waa inay maydhaa raadka dhiiga, waxayna ku daboolaysaa xubinka taranka (farjiga) cudbi, si dhiigu isu qabsado, waxaana u daliila jawaabtii nabigu siiyeey Xamnah bintu Jaxshi:

( أنعت لك الكرسف , فإنه يذهب الدم ، قالت : فإنه أكثر من ذلك ، قال : فاتخذي ثوباً . قالت : هو أكثر من ذلك . قال : فتلجمي )  )

” Waxaan kuuso jeedinayaa inaad isticmaasho cudbi, maxaa yeelay wuxuu tagsiinaya dhiiga, waxay tidh: wuu ka badanyahay (dhiigu mid tagaya), wuxuu dhahay: isticmaal maro, waxay tidhi: wuu ka badanyahay. wuxuu yidhi: markaas isku duub maradii (isku dhaji marad, adkee).” Tirmadi: (128)

Wax dhib ahna malaha wixii ka yimaad intaas kadib, waxaana u daliila jawaabtii nabigu siiyey Faadima bintu Abixabiish:

( اجتنبي الصلاة أيام حيضك ثم اغتسلي وتوضئي لكل صلاة ، ثم صلي ، وإن قطر الدم على الحصير ) رواه أحمد وابن ماجة

“Ka fogow salaada maalmaha xaydkaaga, markaana qubayso, una wayso qaado salaad kasta, markaasna tuko, xitaa haduu dhiigu ku daato cawda (sajaayada ama massalaha).” [Ibnu Maajah: (624)]

– Ta sadexaad: Gogosha ama jimaaca.

Gogosha (xidhiidka ka dhaxeeya ninka iyo xaaskiisa ee gogoleed), waa laysku khilaafay hadii aanay jirin walaac ka tagideedu keenayo dhib, laakiin sida saxda ah waa inay banaantahay xidhiidhkaasi xaalad kastaba, maxaa dumar badan oo gaadhay toban iyo kabadanba, waxa asiibay Dhabar furaka xilligii nabiga (scw), manuusan u diidin Ilaahay iyo Rasuulkiisuba xidhiidhka gogoleed. Iskba dhaafe, aaydan Quraanka ah ayaaba u daliila:

( فَاعْتَزِلُوا النِّسَاءَ فِي الْمَحِيض )

“Ka fogaada (u tagista) dumarka xilliga xaydka” Albaqara:222

Aayadan waxay daliil utahay inaan laga fogaanayn meesha caadada xilliga dhiiga xaydka mooyee. Iyo sidoo kale maadaama ay salaadu u banaathay, ka warana jimaaca (gogosha) oo kasii fududba. Qiyaasta sheegaysa in dhiiga xaydka iyo dhiiga dhabar furanku isku mid yihiina waa mid aan sax ahayn. Xitaa isku mid kama ah kuwa xarrimaya agtooda, mar hadii ay kala duwan yihiina qiyaasidu sax ma noqonayso.


Xigasho:

“رسالة في الدماء الطبيعية للنساء” للشيخ ابن عثيمين رحمه الله .”