Tusmo

Sirta kuduugan Ciida Kirismiska:

Habeenka 24aad ama maalinta 25aad bisha Decmber ayay ku beegantahay  dhalashada Ciise Masiix sida ay u dabaal dagaan masiixiyiinta galbeedka ee raacsan kalandarka Gregorian. Hase ahaatee, kaniisada Ortodox ka ayaa u dabaal dagta dhalashada ama mawlidka Ciise Masiix 6da bisha Janaayo. Sidoo kale 6 Janaayo waxa dhalashada Ciise Masiix u dabaal daga kaniisada Armaaniga.

Si kastaba ha ahaatee, kaniisada Armaaniga ee Qudus waxay ayadu u dabaal dagaan dhalashada Ciise Masiix 16ka bisha Janaayo.

Xaqiiqooyin ku saabsan Ciida Kirismiska:

  1. Kitaabka Baybalka laguma sheegin xilligii uu dhashay nabi Ciise oo kiristaanku u yaqaanaa Jesus.
  2. Majirto cid taqaana xilligii rasmiga ahayd ee uu dhashay nabi Ciise (scw).
  3. Shirkii Niqiya ee sanadkii 325tii dhalashadii nabi Ciise kadib ayaa la xadiday in 25ka bisha december laga dhigo mawlidka Ciise Masiix.
  4. Ciida Kirismiska ee dhalashada Ciise Masiix waxay ku beegantahay ciidii mushrikiintii caabudi jiray Qorraxda kuwaasoo u dabaal dagi jiray 25 December in qorraxdu ka adkaatay cadawgeedii.

Maxay caan ku tahay Ciida Kirismisku?

Ciida Kirismiku waxay caan ku tahay arrimaha soo socda:

  1. Geedka Kirismiska.
  2. Hadyado la is dhaafsado iyo hadyadaha Santa Clause.
  3. Heesaha iyo laxanada dhalashada Masiixa.
  4. Cashada habeenka Kirismiska.
  5. Masraxiyadaha, filimaanta, heesaha iyo riwaayadaha Kirismiska.
  6. Qurxinta magaalooyinka, guryaha, wadooyinka iyo goobaha dadku ku kulmaa.
  7. In la jilo qaabkii Ciise Masiix u dhashay ayadoo nin uu ku matalo inuu yahay Yuusufkii Nijaarka ahaa, kaasoo Nasaaradu ay sheegeen inuu qabay Maryama ama ay u doonanayd, sidoo kale ilmo yar ayay ku matalaan inuu yahay Ciise iyo gabadh matasha Ciise hooyadii oo ahayd Maryama.
  8. Silsiladaha dahabiga ah, kubadaha cascas, shamaca baxaya, malaa’ikta, usha midabka cas iyo cadaanka isugu jirta, sharaabadada ama saksaanta cascas.
  9. Xidigta Kirismiska oo ka tarjamaysa xidigtii Bayta Laxam, magaaladii Ciise Masiix ku dhashay sida Nasaaradu ay rumaysantahay.
  10. Baadari Nowel ama Santa Clause, ee sita dharka guduudan ama cas ee gadhaka cad leh, kasoo wata buudhi ay ka buuxaan hadyado oo ay jiidayaan deero. Isagoo guryaha kasoo gala meelaha qiiqu ka baxo, caruurtana u qaybiya hadyadaha ciidka Kirismiska.
  11. Ubaxyo cagaaran oo giraan laga dhigay oo la sudho albaabada iyo daaqadaha guryaha si loo muujiyo in Masiixiyiintu rumaysanyihiin in Ciise yahay nuurka Caalamka.
  12. Kaadhadhka la isu diro ciida kirismiska, kuwaasoo dhaqaale badan laga sameeyo.

Midabyda kala duwan ee la adeegsado ciida Kirismisku waxay ka tarjumayaan macnayaal cajiiba. Midabka cagaaran, waxay ka tarjumaysaa nolosha abidka ah, waana in la adeegsado geedka sanadka oo dhan cagaaran.

Midabka casaanka ahna wuxuu ka tarjumayaa Ciise laftigiisa.

Geedka Kirismisku wuxuu ka tarjumayaa imaansha Ciise, waana in geedkaasi noqdaa dhirta Pine loo yaqaano ayadoo midhaheeda cas casna ay ka tujumaysa dhiiga Ciise Masiix. Qodxaanta geedkuna waxay ka tarjumaysaa taajkii qodxaha lahaa ee dusha laga saaray Ciise Masiix markii la xukumayay sida ay aaminsanyihiin Masiixiyiintu.

Xaguu geedka Kirismisku ka yimid?

Geedka la qurxiyo ee kirismisku waa caado dhaqameed ay lahaan jireen mushrikiintii waynayn jiray dhirta una cibaadaysan jiray.

Sidaas darteed, kaniisadu may ogolayn qarniyadii hore iyo qarniyadii dhexeba, ilaa uu yimid baadarigii Boniface, kaasii sanadkii 709 miilaadiga diray koox masiixiyaysa dalka Jarmalka, kadib markii dadkii Jarmalka ahaa ay qaateen diinta Masiixiyada lama laalin geedkii ay u dabaaldagi jireen ee waxa la huwayay hugii Masiixiyiinta.

Geedka waxa la hoos dhigaa hadyado ku jira sanduuqyo, kuwaasoo la furo habeenka Kirismiska.

Ciida Kirismiska kahor ayay caruurtu warqado u qoraan odayga Santa Clause si uu hadyad ugu keeno, kadibna waalidkood ayaa wixii ay rabeen usoo gada oo hoos dhiga geedka hoostiisa, arrintaasoo caruurtu umalayso in odayga Santa Clause u keenay hadyadii uu udirsaday.

Cuntooyinka habeenka Kirismiska.

Cuntooyin kala duwan ayaa la cunaa habeenkaas, xalwado, doolshin ama keeg ayaa la iska dhargiyaa. Wadama qaar waxay cunaan noocyo kala duwan oo kalluuna. Halka dalka Ingiriiska iyo wadamadii uu guumaystay ay cunaan digaag la dubay, shinbirta Duugga, hilib, maraq, khudaar iyo casiirka tufaaxa. Dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Austria waxay cunaan hilibka Duugga, doofaarka, digaaga, iyo cabitaanada khamriga.

Ciida Kirismiska ma Masiixyiinta leh mise Mushrikiintii kahoreeyay?

Guud ahaan, dhaqanada iyo caadooyinka ciida kirismiska waxa lahaan jiray mushrikiintii caabudi jiray qorraxda, waxayna u dabaal dagi jireen xilliga jiilaalka ee qaboobaha ah, xilligaas oo beeralaydu ay ku jiri jireen nasasho, waxay isu qaybin jireen malainta 25ka December hadyado, waxay qurxin jireen guryahooda, waxay diyaarin jireen cuntooyin kala duwan, sidoo kale waxay isu rajayn jireen in gugu fiicnaado.

Haddaba nasiib xumo, markii diinta Masiixiyadu soo gashay qaarada Yurub, ayay qaadatay dhaqamadii mushrikiinta.

Dalalka mamnuucay in loo dabaal dago ciidka kirismiska:

Qarnigii 16aad ayaa baarlamaanka Ingiriisku dalbaday in la joojiyo dhamaan xafladaha iyo ciidaha Kirismiska ayagoo ku sababeeyay inuu waqti lumis yahay, akhlaaqduna dadka kaga xumaato, ayna tahay ciida Kaatooliga oo aan sal iyo raad toona ku lahayn kitaabka Baybalka.

Qof Muslima ma u dabaaldagi karaa Ciida Kirismiska?

Sida aynu kor kusoo sheegnay ciida Kirismisku waa ciidii mushrikiinta, masiixiyiintuna way ogyihiin, waxayna u arkaan qaarkood inay bidco xun ama wanaagsan tahay. Sidaa darteed, ma banaana in la dabaal dago iyo in xataa hadyadaha laga gudoomo maadaama ay ku dhisantahay dhaqamo diineed oo aan Islaam ahayn.

Maxay iska shabahaan Mawlidka Nabiga iyo Ciida Kirismisku?

Mawlidka nabiga la iskuma khilaafsana inuu yahay bidco kusoo dhex dhuumatay diinta Islaamka, manuu dabaal dagin nabi Muxamed (Scw), saxaabadiisa iyo taabiciintii iyo culumadii ka danbaysay. Qarnigii sadexaad ee hijriga ayaa shiicadii Cubaydiyiinta ee la baxay Faadimiyiin ay bidcadan kusoo dareen diinta islaamka ayagoo ka dheegtay diinta Kiristaanka ee u dabaal dagta dhalashada Ciiise Masiix.

Ciida Kirismiska iyo Mawlidka nabiga waxay iska shabahaan, labadooduba malaha meel lagasoo xigtay oo lagu kalsoonyahay, waa bidco lagusoo daray diinta Kiristaanka iyo diinta Islaamka.

Nabiguna (scw) wuxuu yiri:

عن أبي سعيد الخدري قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لتتبعن سنن الذين من قبلكم شبرا بشبر وذراعا بذراع حتى لو دخلوا في جحر ضب لاتبعتموهم قلنا يا رسول الله آليهود والنصارى قال فمن

Abi Saciid Al-khudriyy waxa laga wariyay inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yiri: ”waad raad raacaysaan dhaqamadii kuwii idinka horeeyay, taako taako iyo dhudhun dhudhun, xataa haday god mas-cagalay (mas-lugalay) waad ka daba galaysaan. Waxaan nidhi: rasuulkii Ilaahayow, ma yahuuda iyo Nasaaradaa? Wuxuu yiri: hadaa, waa kuwee”[1]

Nabigii Ilaahay inuu runta sheegayay waxaad ku garanaysaa sida dadku ugu daydaan Yahuuda iyo Kiristaanka.

Dhanka kale, Yahuuda iyo Kiristaanku ayaguna waxay ku daydaan mushrikiintii ka horreeyay, sida ay ugasoo miin guuriyeen ciida kirismiska. Ilaahay wuxuu yiri:

وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللَّهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى الْمَسِيحُ ابْنُ اللَّهِ ۖ ذَٰلِكَ قَوْلُهُم بِأَفْوَاهِهِمْ ۖ يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَبْلُ ۚ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ ۚ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ (30)

”Waxay tidhi Yahuudii; Cuzayr ayaa wiilkii Ilaahay ah, waxay tidhi nasaaradiina Masiix ayaa wiilkii Ilaahay ah, taasina afkooda unbay ka dhaheen, waxay ku dayanayaan hadalkii kuwii gaaloobay ee kahorreeyay, Ilaahay ha lacnadee goormay joojinayaan”[2]


[1] Saxiix Muslim: 2669

[2] Suuratu Tawbah: 30