Su’aal:

ma mehersami karta gabar sheekh la,aan

asc sheekh suashaydu waxa weeyaan gabar ma mehersami karta sheekh la,aan walidked ma meherin karaa jasakallah walalahy waxbadan ayaad no fudaydisen

Jawaab:

– Bismillah, ugu horeyn qasab maaha in gabadha sheekh maheriyo ee cid kasta oo muslima oo laga helo shuruudahan ayaa maherin karta.

Tusmo

Ta labaad Tiirarka isguursiga ee Islaamku waa sadex:

  1. Waa inay joogaan lamaane ka madhan waxyaalaha diida in guur dhaco, sida in lamaanuhu maxram isu yihiin nasab ahaan ama naas nuujin ahaanba, iyo in ninku gaal yahay, gabadhuna muslimad tahay, iwm.
  2. Waa in ogolaansho jiraa, oo waligu bixiyaa haweenayda ama isagu uu cid u wakiisho, sida inuu dhahay: hablaayo waan kuu guuriyey iwm.
  3. Waa in aqbal dhacaa, waana in ninka guur doonka ah ama cida uu wakiishay ay aqbalaan gabadha loo guuriyey, sida inuu dhaho: waan aqbalay iwm.

Shuruudaha Guurka:

  • Waa in la cayimaa lamaanaha isguursanaya, sida in farta lagu fiiqo, magacyadooda la sheego, ama la sifeeyo iwm.
  • Waa in raali ay iska yihiin labada lamaane, ayadoo ay u daliil tahay xadiiska nabiga (scw) uu lahaa:

أَبُو هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لَا تُنْكَحُ الْأَيِّمُ حَتَّى تُسْتَأْمَرَ وَلَا تُنْكَحُ الْبِكْرُ حَتَّى تُسْتَأْذَنَ قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَكَيْفَ إِذْنُهَا قَالَ أَنْ تَسْكُتَ

“Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Lama guurinayo gabadha (carmalka ama garoobka ah) illamaa laga amar qaato, (waa inay cadaysaa in ninka ay rabto), lamana guurinayo gabadha bikrada aha (hada kahor aan la guursanin) illamaa laga idan dalbo, waxay dhaheen Rasuulkii Ilaahayoow: Sidee looga idan dalbayaa? wuxuu dhahay: “Inay aamusto” (hadii ay xishooto inay ku dhawaaqdo rabitaankeeda, waxa calaamad u ah raali ahaanshaheed inay aamusto). [Muslim:1419]

  • Waa in uu bixiyaa gabadha waligeedu maxaa yeelay Ilaahay wuxuu la hadlay dadka waliga ah inay u guuriyaan ( وأَنْكِحوا الأيامى منكم ) (uguuriya dumarka garoobka ah ee idinka midka ah), iyo sidoo kale xadiiskii nabiga ee ahaa:

عَنْ عَائِشَةَ  أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ أَيُّمَا امْرَأَةٍ نَكَحَتْ بِغَيْرِ إِذْنِ وَلِيِّهَا فَنِكَاحُهَا بَاطِلٌ فَنِكَاحُهَا بَاطِلٌ فَنِكَاحُهَا بَاطِلٌ

Caasha waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Gabadh kasta oo guursata ayadoona uu ogolaan waligeedu, taas guurkeedu waa baadil, taas guurkeedu waa baadil, taas guurkeedu waa baadil..” [Tirmadi:1102]

  • Ta Afaraad: waa inay joogaan markhaatiyaal, waxaana u daliila xadiiska nabigeena (scw) uu leeyahay:  ( لا نكاح إلا بوليّ وشاهدين ) (Guur ma dhacayo hadii aanay jirin Wali iyo laba markhaatiyaal ah) [Dabaraani, saxiix Aljaamic:7558] Sidoo kalena waa in la iclaamiyaa guurka siduu sheegay nabigu (scw) (” أَعْلِنُوا النِّكَاحَ . “) (Iclaamiya Nikaaxa) [Axmed: 1072]

 

Shuruuda cida waliga ah:

Waliga cida ah waxa lagu shardiyaa:

  1. Waa inuu caqli leeyahay oo aanu waalnayn ama maanka ka bukin.
  2. Waa inuu qaangaadhyahay, oo aanu ilmo yar ahayn.
  3. Waa inuu xoryahay oo aanu adoon ahayn.
  4. Waa inuu muslim yahay oo ruux gaal ah wali uma noqonayo nin ama gabadh muslim ah, sidoo kale nin Wali muslim ah uma noqonayo wali nin gaal ah ama gabadh gaalad ah, qof diinta ka ridoobayna cidna wali uma noqonayo.
  5. Waa inuu Caadil yahay, waana inuu ka madhanyahay faasiqnimo, culumada qaar ayaa qaba inuu shardi kamid ah yahay, halka kuwo kalena ay ku tageen in la fiiriyo cadaaladiisa muuqata oo kaliya, qolo kalena waxay tidhi: waxa la fiirinayaa maslaxada ruuxa uu waliga ka yahay.
  6. Waa inuu Waligu lab yahay (Nin) sida nabigu (scw) tilmaamay:  عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : ” لا تُزَوِّجِ الْمَرْأَةُ الْمَرْأَةَ ، وَلا تُزَوِّجِ الْمَرْأَةُ نَفْسَهَا فَإِنَّ الزَّانِيَةَ هِيَ الَّتِي تُزَوِّجُ نَفْسَهَا ” . (Haweenay ma guurin karto gabadh kale, gabadhuna nafteeda isma guurin karto, maxaa yeelay gabadha sinaysata ayaa nafteeda guurisa) [Ibnu Maajah: 1782]
  7. Waa inuu wax kala garanayaa (garaad leeyahay), waana inuu awood uleeyahay inuu kala garanayo dadka isku kufka ah (isuqalma), iyo maslaxada guurkaba.

Dadka Waliga ah waxay ukala horumaraan sida culumada Fuqahadu ukala horumariyaan:

– Qaabka ay ukala hormarsanyihiin waliyadu lagama gudbi karo illamaa la waayo isaga ama laga heli waayo shuruudaha sare ku xusan, waxa wali u ah gabadha (Aabaheed), waxa ku xiga cida (Aabaheed u dardaarmo),  waxa ku xiga (Awoowgeed aabe) haba fogaadee,  waxa ku xiga (Wiilkeeda), wax kusii xiga (Wiilkeeda caruurtiisa) xitaa hoosba ha usii dagaane, wax ku xiga (Walaaladeed isku hooyo iyo aabe yihiin), waxa kusii xiga (walaalkeed isku aabo yihiin), waxa kusii xiga (walaaladeed wiilashooda), waxa kusii xiga (Adeerkeed isku hooyo iyo aabe yihiin aabaheed), waxa kusii xiga (Adeerkeed isku aabo yihiin Aabaheed), waxa kusii xiga (Adeeradeed wiilsha ay dhaleen), kadibna waa marba cida ugu dhow nasabka sida dhaxalka oo kale, ama waxa wali noqon kara Madaxweynaha Muslimiinta iyo cida matasha sida (Qaadiga maxkamada) waxayna wali uiyihiin cidii aan wali lahayn. Ilaahbaana Og.