Tusmo

Shiicada iyo Tawxiidka:

Macnaha Tawxiidka iyo Shirkiga:

Tiirka ugu wayn ee diintan Islaamku waa tawxiidka oo macnihiisu yahay: in Ilaahay loo gaaryeelo ilaahnimadiisa, rabbinimadiisa, magacyadii wanaagsan iyo sifooyinkiisa sarreeya. Sidoo kale tawxiidku waa in la rumeeyo in aanu jirin cid Ilaahay la wadaagto Ilaahnimada, rabbinimada, magacyadiisa wanaagsan ee dhamayska tiran iyo sifooyinkiisa sarreeya.

Macnaha tawxiidkana waxa u daliila aayado badan oo ku yaala kitaabka Quraanka ah iyo xadiisyo badan oo ku sugan sunnada rasuulkii Ilaahay (scw), waxaana kamida:

1aad:

( وَإِلَهُكُمْ إِلَهٌ وَاحِدٌ لا إِلَهَ إِلا هُوَ الرَّحْمَنُ الرَّحِيمُ ) البقرة/163

”Ilaahiinu waa Ilaah kalida ah, Ilaah xaq lagu caabudana majiro isaga mooyee, ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista” [Albaqarah: 163]

2aad:

 قُلْ هُوَ اللَّـهُ أَحَدٌ ﴿١﴾

”Waxaad dhahdaa isagu Ilaahay waa kalidii” [Al-ikhlaas:1]

3aad:

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال : ” لَمَّا بَعَثَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مُعَاذَ بْنَ جَبَلٍ إِلَى نَحْوِ أَهْلِ الْيَمَنِ قَالَ لَهُ : ” إِنَّكَ تَقْدَمُ عَلَى قَوْمٍ مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ فَلْيَكُنْ أَوَّلَ مَا تَدْعُوهُمْ إِلَى أَنْ يُوَحِّدُوا اللَّهَ تَعَالَى فَإِذَا عَرَفُوا ذَلِكَ فَأَخْبِرْهُمْ أَنَّ اللَّهَ قَدْ فَرَضَ عَلَيْهِمْ خَمْسَ صَلَوَاتٍ..

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey (Rc) inuu yidhi: ”Markii nabigu (scw) uu Mucaad ibnu Jabal u diray ehelka Yameed, wuxuu ku dhahay: ”Waxaad u tagaysaa qoom ehelu kitaaba ee ha noqdo waxa ugu horeeya ee aad ugu yeedhayso inay tawxiid Ilaahay ula yimaadaan, hadii ay taa aqoonsadaan u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay korkooda shan salaadood…”[1]

Ereyga tawxiid ee xadiiskan kusoo arooray maxaa looga jeedaa? Dabcan waxa fasiray riwaayo kale oo Imaamu Bukhaari isla kitaabkiisa kusoo tabiyey.

إِنَّكَ سَتَأْتِي قَوْمًا أَهْلَ كِتَابٍ فَإِذَا جِئْتَهُمْ فَادْعُهُمْ إِلَى أَنْ يَشْهَدُوا أَنْ لا إِلَهَ إِلا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ ” أخرجه البخاري ( 1496 ) .

”Waxaad u tagaysaa qoom ehelu kitaaba ee hadaad u tagto ugu yeedhay inay qiraan in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee, Muxamedna yahay rasuulkii Ilaahay”[2]

Sidaas darteed tawxiidka macnihiisu waa in Ilaahay lasiiyo wixii uu xaqa u lahaa, loona gaaryeelo sidoo kalena la qiro rasuulkii suubanaa ee rabbi soo diray iyo wixii uu kusoo dajiyey.

Hadaba ereyga tawxiidka waxa kasoo horjeeda Shirkiga oo macnahiisu yahay: in cid kale lala wadaajiyo cibaadada Ilaahay ama in Ilaahay loo yeelo dhigiisa ama cid isaga shuraako kula ah Ilaahnimadiisa, rabbinimadiisa, magacyadiisa wanaagsan iyo sifooyinkiisa sarreeya.

Fadliga Tawxiidka iyo Halista Shirkiga:

 

  • Ruuxii xaqiijiya ereyga tawxiidka waxa Ilaahay jidhkiisa ka xarrimayaa naarta:

عن عِتْبَانَ بْن مَالِكٍ الْأَنْصارِيَّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : (إِنَّ اللَّهَ قَدْ حَرَّمَ عَلَى النَّارِ مَنْ قَالَ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ يَبْتَغِي بِذَلِكَ وَجْهَ اللَّهِ).

Citbaan ibnu Maalik oo reer Ansaareed ahaa (Rc) waxa laga wariyey in rasuulka Ilaahay (scw) dhahay: ”Ilaahay wuxuu ka xarrimay naarta qofkii dhahay (Laa ilaaha ilaa Allah) isagoo ku raadinaya Ilaahay wajigiisa” [3]

  • Qofkii tawxiidka xaqiijiyey ee danbiyo waaweyn galay (marka laga reebo Shirkiga), danbiyadaasi uma diidayso inuu Janno galo:

عَنْ  أَبَا ذَرٍّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ حَدَّثَهُ قَالَ أَتَيْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَعَلَيْهِ ثَوْبٌ أَبْيَضُ وَهُوَ نَائِمٌ ثُمَّ أَتَيْتُهُ وَقَدْ اسْتَيْقَظَ فَقَالَ مَا مِنْ عَبْدٍ قَالَ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ ثُمَّ مَاتَ عَلَى ذَلِكَ إِلَّا دَخَلَ الْجَنَّةَ قُلْتُ وَإِنْ زَنَى وَإِنْ سَرَقَ قَالَ وَإِنْ زَنَى وَإِنْ سَرَقَ قُلْتُ وَإِنْ زَنَى وَإِنْ سَرَقَ قَالَ وَإِنْ زَنَى وَإِنْ سَرَقَ قُلْتُ وَإِنْ زَنَى وَإِنْ سَرَقَ قَالَ وَإِنْ زَنَى وَإِنْ سَرَقَ عَلَى رَغْمِ أَنْفِ أَبِي ذَرٍّ

Abudarr (Rc) wuxuu ka warramay inuu yidhi: waxaan u tagay rasuulkii Ilaahay (scw) isagoo sita maro cad oo jiifa, markaasaan u imid isagoo soo kacay, markaasuu dhahay: ”Majiro adoon dhaha (Laa ilaaha ilaa Allah) kadibna ku dhinta arrintaas wuxuu ku galaa Jannada, waxaan ku idhi: Haduu zinaystay oo uu wax xadayna? Wuxuu yidhi: xitaa haduu zinaystay oo uu wax xaday. Haduu zinaystay oo uu wax xadayna? Wuxuu yidhi: xitaa haduu zinaystay oo uu wax xaday. Haduu zinaystay oo uu wax xadayna? Wuxuu yidhi: xitaa haduu zinaystay oo uu wax xaday, sanka Abudaarna ha boodheebee”[4]

Hadii aan ogaanay fadliga ereyga barakaysan ee tawxiidka iyo abaalgudka lagu helayo, hadaba cidii dhaawac soo gaadhsiisa tawxiidka wuxuu ku dhacayaa shirki. Shirkiguna waa danbiga kaliya ee Ilaahay aanu dhaafayn, hadii qofku ku dhintay.

إِنَّ اللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَاءُ ۚ وَمَن يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدِ افْتَرَىٰ إِثْمًا عَظِيمًا (48)

”Ilaahay ma dhaafo in loo shirki sameeyo, wuxuuse dhaafaa wixii kasoo sokeeya (shirkiga) ciduu doono, cida Ilaahay shirki ula timid wuxuu been abuurtay danbi wayn”[5]

Shiicada oo tawxiidka u leexisay imaamyadooda:

Cibaadadayada ayaa Alle lagu caabudaa:

Hadaba Shiicadu waxay dhaawac wayn u gaysteen tawxiidka ayagoo cibaadooyinkii Ilaahay uleexiyey cid kale:

Waxa kitaabka Usuulu Al-kaafi lagu sheegay:

قال أبو عبد الله عليه السلام: إن الله خلقنا فأحسن صورنا وجعلنا عينه في عباده ولسانه الناطق (2) في خلقه ويده المبسوطة على عباده، بالرأفة والرحمة ووجهه الذي يؤتى منه وبابه الذي يدل عليه وخزانه في سمائه وأرضه (3)، بنا أثمرت الأشجار وأينعت الثمار، وجرت الأنهار وبنا ينزل غيث السماء وينبت عشب الأرض وبعبادتنا عبد الله ولولا نحن ما عبد الله.

waxa laga wariyey Abu cabudllahi inuu yidhi: ”Ilaahbaa na abuurtay oo wanaajiyey abuurkeena, wuu na sawiray waanu hagaajiyey sawirkayaga, wuxuuna naga yeelay ishiisa cibaadada, carrabkiisa u hadla makhluuqaadkiisa, gacantiisa fidsan ee uu adoomadiisa ugu tudho uuna ugu naxariisto, wajigiisa loogu yimaado, albaabkiisa ku tusaya isaga, khasnad hayayaasha samadiisa iyo dhulka, sababtayo ayaa geeduhu ku midhaysteen, midhuhuna kusoo go’een, wabyaduna ay ku socdeen, sababtayada ayaa roobka samada looga soo dajiyaa, daaquna dhulka ugasoo baxaa, cibaadadayada ayaa Ilaahay lagu caabudaa, hadii aanan anagu jiri lahayn lama caabudi lahayn Ilaahay.”[6]

Maazindaraani isagoo sharraxay xadiiskan wuxuu yidhi:

ولا ريب في أن العبادة لهم هي العبادة لله تعالى،

”Shaki kuma jiro in loo cibaadaysto inay tahay cibaadadii Ilaahay”[7]

Ilaahbaan ka magan galnee waxay culumada Shiicadu cibaadadii Ilaahay u leexiyeen cid kale, qofka Ilaahay cid aan ahayn u cibaadaysana, yuu caabudayaa?

Ilaahay wuxuu yidhi:

إِنَّهُ مَن يُشْرِكْ بِاللَّـهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّـهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ ۖ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنصَارٍ ﴿٧٢﴾

“Cidii Ilaahay shirk ula timaada wuxuu Ilaahay ka xarrimay Jannada, hoygiisuna waa naarta. Daalimiintuna ma helaan cid u gargaarta”[8]

Caqiidada isku milanka Ilaahay iyo adoomada.

Caqiidada in Ilaahay (swt) ku milmo makhluuqaadkiisa waa caqiidada diimo badan oo aduunka ka jira sida Nasraada oo rumaysan in Ilaahay soo qaatay jidhkii Ciise Masiix (cs). Hadaba shiicada ayaguna caqiidadaas gaalnimada ah miyey rumaysanyihiin?

قال: إن الله أعز وأمنع من أن يظلم أو ينسب نفسه إلى ظلم ولكن الله خلطنا بنفسه فجعل ظلمنا ظلمه وولايتنا ولايته.

“Wuxuu yidhi: Ilaahay ka Sharaf badanyahay in la dulmiyo ama naftiisa uu unisbeeyo dulmi hase ahaatee naftiisa ayuu nagu daray (isku dhex milmay) markaasu ka yeelay dulmigayaga inuu yahay dulmigiisa, wilaayadiisana wilaayadiisa”[9]

Maxaa Ilaaha sarreeya ku milay eek u dhex daray nafahooda? Ilaahbaan ka magan galnay. Xasbuna Allahu wa nicma al-wakiil.

Caqiidada Shiicada: Imaamyadu waxay u dhaxeeyaan Ilaahay iyo makhluuqaadkiisa:

 

قال رسول الله صلى الله عليه وآله لعلي عليه السلام: ثلاث أقسم أنهن حق: إنك والأوصياء من بعدك عرفاء  لا يعرف الله إلا بسبيل معرفتكم وعرفاء لا يدخل الجنة إلا من عرفكم وعرفتموه، وعرفاء لا يدخل النار إلا من أنكركم وأنكرتموه

”Rasuulkii Ilaahay wuxuu ku yidhi Cali: sadex ayaan ku dhaaranayaa inay xaq yihiin, adiga iyo kuwii loo dardaarmay (imaamyada) ee adiga kaa danbeeyaa waa Curafaa (horseedayaal), Ilaahayna aqoon looma yeesho ilaa ayaga la barto mooyee, jannada cidi galimayso marka laga reebo ruux idin bartay oo aad taqaaniin mooyee, naartana waxa galaya cidii idin inkirta ee idinkuna aad ikirtaan”[10]

Dabcan waxaan aragnaa qaabka ay ugu xadgudbeen imaamyada ayagoo ka yeelay in ayaga oo la aqoonsado mooyee inaan cidina Jannada galaynin. Dadka naarta galaaya ay yihiin kuwa imaamyadu ay diidaan.

Ilaahay quraankiisa wuxuu inoogu sheegay Yahuuda oo sheegatay in cida jannada galaysaa ay tahay Yahuuda iyo Nasaarada oo kaliya, kadibna Ilaahay wuxuu ugu jawaabay la kaalaya xujadaad u haystaan arrintaas:

وَقَالُوا لَن يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَىٰ ۗ تِلْكَ أَمَانِيُّهُمْ ۗ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ﴿١١١﴾ بَلَىٰ مَنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُ لِلَّـهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَلَهُ أَجْرُهُ عِندَ رَبِّهِ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ ﴿١١٢﴾

”Waxay dhaheen ma galayo Jannada ruux aan ahayn Yahuudi ama Nasaaro, taasi waa ididiiladood, waxaad dhahdaa la kaalaya xujadiina hadaad run sheegaysaan (111) saas maahee, ruuxii u islaama wajiga Ilaahay dartii isagoo samo fale ah wuxuu Ilaahay agtiisa ku leeyahay ajirkiisa cabsina korkooda ma ahaanayso mana murugoonayaan (112)”[11]

Waxa kale oo cajiiba in awooda intaas la eeg ee ay siiyeen imaamayada aanay xitaa lahayn rusushii Ilaahay soo diray. Ilaahay quraankiisa wuxuu inooga warramay in nabi Muxamed (scw) awood u lahayn inuu hanuuniyo ciduu jecelyahay, sidoo kale nabi Muxamed (scw) ma u geysan karo qofna dheef iyo dhib toona.

إِنَّكَ لَا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَـٰكِنَّ اللَّـهَ يَهْدِي مَن يَشَاءُ ۚ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ ﴿٥٦﴾

”Adigu (nabiyow) ma hanuunisid qof aad jeceshahay hase ahaatee Ilaahay ayaa hanuuniya ciduu doono, isaguna aqoon ayuu u leeyahay kuwa hanuunsan (56)[12]

قُلْ إِنِّي لَا أَمْلِكُ لَكُمْ ضَرًّا وَلَا رَشَدًا ﴿٢١﴾ قُلْ إِنِّي لَن يُجِيرَنِي مِنَ اللَّـهِ أَحَدٌ وَلَنْ أَجِدَ مِن دُونِهِ مُلْتَحَدًا ﴿٢٢﴾

”Waxaad dhahdaa (nabiyow) anigu idiinma hanto dhib iyo hanuun midna (21) waxaad dhahdaa (nabiyow) aniga cidna igama badbaadinayo Ilaahay, mana helayo isaga sokodii meel aan ka magan galo (22)” [13]

Hadii rasuulkii Ilaahay aanu qofna wax u qaban karaynin oo hanuunka iyo dhibkuba ay ku imanayso qadarta Ilaahay (swt) sideebay shiico u dhaheen: imaamyadada ayaa jannada ku galaysaan!!

 

Qaabka Shiicadu ay u ducaystaan:

Ducadu waa cibaado loogu dhowaado Ilaahay, waana xarunta dhamaan cibaadooyinka. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi:

عَنْ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ الدُّعَاءُ هُوَ الْعِبَادَةُ

Nucmaan ibnu Bashiir waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Ducadu waa Cibaado”[14]

Waxa Ilaahay Quraankiisa ku sheegay in isaga kalidii la baryo oo ducadiisa aan cid kale lala wadaajinin:

وَقَالَ رَبُّكُمُ ادْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ ۚ إِنَّ الَّذِينَ يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِي سَيَدْخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ ﴿٦٠﴾

“Waxa rabbigiinu yidhi aniga i baray aan idinka ajiibee, kuwa ka kibraya cibaadadayda waxay galayaan Jahannada ayagoo dullaysan”[15]

Hadaba Shiicadu ma u gaaryeelaan Ilaahay ducadiisa?

عن أبي جعفر محمد بن علي بن الحسين عليهم السلام قال: من دعا الله بنا أفلح، ومن دعاه بغيرنا هلك واستهلك

“Abii Jacfar Maxamed ibnu Cali ibnu Xuseen (cs) waxa laga wariyey inuu yidhi: “Qofkii Ilaahay nagu barya waa liibaanay, cidii ku barida anaga cidaan ahayna waa halaagsamay”[16]

Dhanka kale waxa Shiico aaminsantahay in rasushii iyo nabiyadii Ilaahay ay ku ducaysan jireen imaamyada kadibna Ilaahay ducada ka abali jiray. Markii nabi Aadam (scw) uu danbaabayna waxay dhaheen Shiicadu, Aadam wuxuu Ilaahay ku baryay anaga, kadibna waa laga aqbalay:

فلما اقترف الخطيئة قال: يا رب أسألك بمحمد وعلي وفاطمة والحسن والحسين لما غفرت لي، فغفر الله له بهذا

“Markuu gafka galay ayuu dhahay: Rabbiyoow waxaan kugu waydiistay Muxamed, Cali, Faadima, Xasan iyo Xuseen inaad iigu danbi dhaafto, Ilaahay taasbuu ugu dhaafay”[17]

 

Subxaana Allah, halkii ay Ilaahay ka baryi lahaayeen ayey baryeen imaamyadii, waxaana layaab leh jahligoodu heerka uu gaadhsiisanyahay. Nabi Aadam (scw) markuu rabbigii baryey, ducadii uu akhriyey waxa la inoogu sheegay kitaabka Ilaahay ee Quraanka:

قَالَا رَبَّنَا ظَلَمْنَا أَنفُسَنَا وَإِن لَّمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ ﴿٢٣﴾

“Waxay dhaheen (Aadam iyo Xaawa) rabbiyoow waxaan dulminay nafahayaga, hadii aanad noo danbi dhaafin oo aanad noo naxariisanin, waxaan kamid noqonaynaa kuwa khasaaray”[18]

 

Shiicadu ma ugaaryeeleen tawxiidka rabbinimada?

 

Tawxiidka rabbinimadu waa in Ilaahay loo gaaryeelo inuu isagu yahay rabbigii abuuray makhluuqaadka dhulka iyo samada ku sugan iyo inuu isagu yahay kan arsaaqaya ee quudinaya.

Tawxiidkan waxa qirsanaa mushrikiintii carbeed oo hadii la waydiiyo: Yaa abuuray dhulka, samooyinka, buuraha, badaha, xayawaanka iyo ibnu aadamka waxay dhihi jireen: Ilaahbaa abuuray.

Hadaba shiicadu ma u gaaryeeleen Ilaahay inuu dhulka iyo waxa yaalaba isagu leeyahay, mise imaamyadii lagu xadgudbay ayey u nisbeeyeen.

عن أبي جعفر عليه السلام قال: وجدنا في كتاب علي عليه السلام ” أن الأرض لله يورثها من يشاء من عباده والعاقبة للمتقين ” أنا وأهل بيتي الذين أورثنا الله الأرض ونحن المتقون والأرض كلها لنا،

Abii Jacfara (cs) waxa laga wariyey inuu yidhi: waxaan ka helnay kitaabkii Cali (cs) “Dhulka Ilaahbaa leh wuxuu dhaxalsiiyaa ciduu doono oo adoomadiisa kamida cidhib danbeedkana waxa leh kuwa mutaqiinta ah” Aniga iyo ehelka baytkayga ayaa ah kuwii Ilaahay siiyey dhulka, anagaana ah kuwa mutaqiinta ah, dhulkana anagaa iska leh dhamaanteed.”[19]

Sidoo kale waxa isla kitaabka Usuulu Kaafi lagu sheegay in dhulka oo dhan ay imaamyadu leeyihiin;

إن الأرض كلها لنا فما أخرج الله منها من شئ فهو لنا

“Dhulka dhamaanteed anagaa leh, wixii Ilaahay kasoo saarana anagaa leh”[20]

Hadaba waxa cajiiba qofka aaminsan caqiidada noocan ah ee Ilaahii koonka abuuray sheeganaya dhulkiisii in cid kale leedahay. Shirkiga noocan ah xitaa kumay dhicin gaaladii carbeed ee mushrikiinta ahaa.

قُل لِّمَنِ الْأَرْضُ وَمَن فِيهَا إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ﴿٨٤﴾ سَيَقُولُونَ لِلَّـهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ ﴿٨٥﴾ قُلْ مَن رَّبُّ السَّمَاوَاتِ السَّبْعِ وَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ ﴿٨٦﴾ سَيَقُولُونَ لِلَّـهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ ﴿٨٧﴾

“Waxaad dhahdaa yaa iska leh dhulka iyo waxa ku hoos jiraba hadaad ogtihiin (84) waxay odhanayaan Ilaahay, waxaad tidhaahdaa miyeydaan ku waantoobayn (85) waxaad dhahdaa waa kuma rabbiga samooyinka todobada ah iyo rabbiga carshiga wayn (86) waxay odhanayaan Ilaahay, waxaad tidhaahdaa miyeydaan ka cabsanayn (87)”[21]

Gabogabo:

 

Walaalayaal, waxaynu aragnaa meesha ay Shiicadu ka taagantahay tawxiidka iyo in Ilaahay loo gaaryeelo rabbinimadiisa, Ilaahnimadiisa, magacyadiisa wanaagsan iyo sifooyinkiisa sarreeya. Maxaa u hadhsan hadii shirki uu qofku la yimaado. subxaanaAllahh, Ilaahay hana waafajiyo inuu nagu dilo jidkiisa toosan.

Shiicadana waxaan leenahay: walaalayaal! Ilaahay ka cabsada, wadaadadiinu been ayey idiin sheegaan, waxay idiinku baaqayaan shirki iyo in cibaadada Ilaahay cid kale aad la wadaajisaan. Adigu ha noqonin dameeri dhaan raacday!!


[1] Bukhaari: 7372 iyo Muslim: 19

[2] Bukhaari: 1496

[3] Bukhaari: 425 iyo Muslim 33

[4] Bukhaari: 5489

[5] Suuratu Nisaa’: 48

[6] الكافي – الشيخ الكليني – ج ١ – الصفحة ١٠٣كتاب التوحيد – باب النوادر-ح ٥

[7] شرح أصول الكافي – مولي محمد صالح المازندراني – ج ٤ – الصفحة ٢٢٤

[8] Suuratu Al-maa’ida: 72

[9] الكافي – الشيخ الكليني – ج ١ – الصفحة ٣٢٩ – ح ٩١

[10] بحار الانوار – ج٢٣ -٦٠ باب ان الناس لايهتدون الا بهم..

[11] Suuratu Albaqarah: 111, 112

[12] Suuratu Alqasas: 56

[13] Suurau Aljinn: 21,22

[14] Sunanu Tirmadi: 3372 Tirmadina wuxuu yidhi: xadiiskaasi waa mid fiican oo saxiixa.

[15] Suuratu Qaafir:60

[16] بحار الأنوار – ج ٢٣-  باب أن الناس لا يهتدون إلا بهم، وأنهم الوسائل بين الخلق وبين الله، وأنه لا يدخل الجنة إلا من عرفهم- ص٦٢ -ح١٠

[17] بحار الأنوار – ج ٢٦ – الصفحة ٤٤١  باب أن دعاء الأنبياء استجيب بالتوسل والاستشفاع بهم صلوات الله عليهم أجمعين ح ٨

[18] Suuratu Al-acraaf:23

[19] الكافي – الشيخ الكليني – ج ١- ص٣٠٧ باب ان الارض كلها لله ح ١

[20] الكافي – الشيخ الكليني – ج ١- ص٣٠٧ باب ان الارض كلها لله ح ٣

[21] Suuratu Mu’minuun: 84, 85, 86, 87