Waxa shabakada gaaldii.com ay tacsi tiiraanyo leh udiraysaa eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dadkii muslimiinta ahaa ee lagu laayey magaalada Christchurch ee dalka New ZealandĀ  ayagoo ku cibaadaysanaya masaajidka Al-Nuur, kuna jira salaadii Jumce. Waxaan Ilaahay u baryeynaa dadkii ku dhintay inuu geeyo Jannadiisa, uuna ka dhigo marti la jecelyahay. Kuwii ku dhaawacmayna Ilaahay caafimaad taama ha siiyo oo degdega.