Tusmo

Maxaa keena Sujuuda Sahwiga? Qaabkeese loo sujuudayaa?

Bismillah:

Naxariista Ilaahay waxa kamida iyo waynida diinta Islaamka, in hadii cibaadooyinka ay ku yimaadaan nuqsaan loo sharciyeey qaab loo dhamaystiri karo wixii khalkhalku ku ymid. Waxaana kamida salaada dhexdeeda hadii qofkii ku sahwiyo wuxuu la imanayaa sujuuda Sahwiga.

Waxa la waydiyey Sheekh ibnu Cuthaymiin (I.H.U) asbaabta keenta sujuuda sahwiga, wuxuuna ku jawaabay:

Sujuuda Sahwiga asbaabteedu guud ahaan waa sadex:

  1. Siyaado ku timaada Salaada.
  2. Nuqsaan ku timaada Salaada.
  3. Shaki ku yimaada ruuxa tukanaya.

Siyaadadu waa:  ruuxa oo salaada ku kordhiyo rukuuc, sujuud, rakcad iyo fadhi dheeraad ah.

Nuqsaantuna waa:  in qofku salaadii ka nuqsaamiyo tiirka kamida salaada, amase uu ka nuqsaamiyo waajib kamida waajibaadka salaada.

Shakiguna waa: tusaale ahaan, inuu qofku is waydiiyo ma sadex rakco ayaad tukatay mise afar.

  1. Hadii qofku salaada uu ku siyaadiyo si badheedha rakcad, rukuuc, sujuud, ama fadhiba way ka buraysaa salaadii, sababtoo ah wuxuu layimid salaad aan ahayn tii la is faray in lala yimaado, wuxuuna dhahay nabigu (scw):

 ( من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رد ) [ رواه مسلم 1718 ] .

“Ruuxii layimaada camal aanan farin waa lagu celinayaa” [Waxa soo saaray Muslim:1718]

Hase ahaatee hadii siyaadadaasi tahay mid ku timid ilowsho ama halmaamid, markaa salaadii kama burayso, ee wuxuu sujuudayaa sujuuda Sahwiga markuu salaada kabaxo. Waxaan arrintaas u daliila xadiiskii Abuhurayra soo wariyey Ilaahay raali haka ahaadee- markuu Rasuulku salaad Casar ku salaamo naqsaday laba rakcadood oo kaliya kadibna saxaabadii ay xasuusisay in laba rakcadood kaliya uu tujiyey, markaasuu dhamaystiray labadii rakcadood oo kale kadibna wuu salaamo naqsaday, dabadeedna wuxuu layimid laba sujuudood oo sujuuda Sahwiga ah. [Waxa soo saaray Bukhaari iyo Muslim: ]

Waxa kale oo u daliila xadiiskii Ibnu Mascuud ilaahay raali haka ahaadee uu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa tujiyey salaadii Duhur shan rakcadood, markaasa lagu dhahay: ma salaadii ayaad siyaadisay? wuxuu dhahay: Maxaa jira? waxay dhaheen: Shan ayaad tukatay, markaasuu sujuuday laba sujuudood salaamo naqsigii kadib.

  1. Hadii Qofku salaada uu ka nuqsaamiyo rukni ama tiir kamida tiirarka salaada waxay noqonaysaa laba midun:
  • Inuu xasuusto intaanu gaadhin rakcada labaad, markaa waxa waajib ku ah inuu dhamaystiro wixii uu ka tagay kadibna uu la ymaado rakcadii kale.
  • Ama wuxuu xasuustay markuu gaadhay rakcadii labaad, markaa rakcada labaad ayaa badalkeeda noqonaysa rakcadii koowaad ee uu ka tagay ruknigeeda ama mid kamida tiirarkeedii, dabadeedna markuu salaamo naqsado ayuu la imanayaa sujuudii sahwiga.

Tusaale ahaan: Nin ayaa istaagay markuu sujuuday sujuudii koowaad ee rakcadii koowaad, isagoon fadhiisanin labada sujuudood dhexdooda kana tagay sujuudii labaad, kolkuu istaagayna wuxuu bilaabay quraan akhrintii. Ninkaasi markuu xasuusto inaanu fadhiisanin labada sujuudood dhexdooda iyo inuu ka tagay sujuudii labaad wuu soo noqonayaa, waanu fadhiisanayaa kadibna wuu sujuudayaa, dabadeedna salaadiisii inta ka dhiman ayuu sii dhamaystirayaa. Wuxuuna sujuuda sahwiga la imanayaa markuu salaamo naqsado kadib.

Tusaale kale: Nin ayaa istaagay markuu sujuuday sujuudii koowaad ee rakcadii koowaad, isagoon fadhiisanin labadii sujuudood dhexdooda, sidoo kalena aan sujuudin sujuudii labaad, wuxuuna xasuustay inuu tiirarkaas ka tagay markuu fadhiistay labada sujuudood dhexdooda rakcadii labaad, kolkaas rakcada labaad ayaa noqonaysa rakcadii koowaad, waanu dhamaystiryaa saladii isagoo ku daraya hal rakcad, waanu salaamo naqsanayaa kadibna labadii sujuudood ee sahwiga ayuu sujuudayaa.

Hadiise qofku uu ka nuqsaamiyo salaada waajib kamida waajibaadka salaada, oo uuna ka gudbay booskii waajibkaas, tusaale ahaan wuxuu ilaaway inuu akhriyo sujuuda dhexdeeda Subxaana Rabbiya Al-aclaa, kadibna uu xasuusto markuu madaxiisa sare u qaaday, kaasi wuxuu ka tagay waajib kamida waajibaadka salaada si sahwiya, markaa salaadiisii wuu sii wadanayaa, wuxuuna sujuudayaa laba sujuudood intaanu salaamo naqsanin kahor, sababtoo ah markuu nabigu ka tagay atixiyaadka koowaad, wuu sii watay salaadiisii kadibna wuxuu sujuuday laba sujuudood oo sahwiya intaanu salaamo naqsanin kahor.

 

  1. Shakiguna waa inuu qofku isku qabto míyaad siyaadisay salaada mise waxbaa ka dhiman, tusaale inuu ruuxu is waydiiyo ma afarbaad tukatay mise sadex rakcadood, taasina laba mid unbay noqonaysaa:

Inuu kala xoojiyo labadaas mid, kadibna uu ku dhiso go’aankiisa tii uu xoojinayey, markaa salaadii wuu dhamaystirayaa, wuxuuna sujuudayaa labadii sujuudood ee sahwiga markuu salaamo naqsado kadib.

Tusaale: Nin ayaa tukanayey Duhurka, kadibna wuxuu ka shakiyey ma afarbaad tukatay mise sadex, markaasuu xoojiyey inuu tukaday sadex rakcadood, kadibna intuu rkacadii afaraad la yimaado ayuu salaamo naqsanayaa dabadeedna wuu sujuudayaa sujuudihii sahwiga.

Tusaale kale: Nin ayey isku mid u noqdeen labadii uu kala xoojin lahaa, sida nin tukaday salaada Casarka kadibna shakiyey ma afarbaad tuktay mise sadex, mana kala xoojin karo inuu sadex tukaday iyo inuu afar tukaday, markaa labadooda tuu hubo ayuu xukunka ku dhisayaa, oo ah sadex rakcadood kadibna wuxuu la imanayaa rakcadii afaraad, dabadeedna wuxuu sujuudayaa labadii sujuudood ee sahwiga intaanu salaamo naqsanin kahor.

Sidaas darteed waxa inoo cadaatay in sujuuda sahwigu dhacayso salaamo naqsiga kahor haduu qofku ka tago waajib kamida waajibaadka salaada, ama uu ka shakiyo tirada rakcadaha uu tukaday oo uu kala xoojin kari waayo. Balse sujuuda sahwigu waxay dhacaysaa salaamo naqsiga kadib marka salaada wax lagu siyaadiyo, ama inuu qofkii shakiyo kadibna uu kala xoojiyo labadii rakcadood.

Qaabkee loo sujuudayaa Sujuuda Sahwiga:

Hadii sujuuda sahwigu tahay kahor salaamo naqsiga, xilliga aad u fadhido atixiyaadka danbe, ee aad dhamaysato ducooyinka iyo adkaarta, intaanad salaamo naqsanin kahor ayaad takbiiranaysaa kadibna waad sujuudaysaa, hadana waad takbiiranaysaa ood kasoo kacaysaa sujuudii oo waad fadhiisanaysaa, hadana sujuud labaad ayaad sujuudaysaa adigoo takbiiranaya, waanad kasoo kacaysaa adoo takbiiranaya kadibna waad salaamo naqsanaysaa.

Hadii Sujuudu sahwiga tahay mid dhacaysa salaamo naqsiga kadibna waxaad dhamaystiraysaa salaadii waanad salaamo naqsanaysaa. Kadibna adigoo fadhiya ayaad takbiiranaysaa waanad  sujuudaysaa, markaad sujuuda kasoo kacdo adoo takbiiranaya ayaad fadhiisanaysaa, hadana waad takbiiranaysaa oo sujuudaysaa sujuudii labaad kadibna waad kasoo kacaysaa adoo takbiiranaya,  waanad salaamo naqsanaysaa. Waxaana u daliila xadiiskan:

عَبْدِ اللَّهِ ابْنِ بُحَيْنَةَ الْأَسْدِيِّ حَلِيفِ بَنِي عَبْدِ الْمُطَّلِبِ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَامَ فِي صَلَاةِ الظُّهْرِ وَعَلَيْهِ جُلُوسٌ فَلَمَّا أَتَمَّ صَلَاتَهُ سَجَدَ سَجْدَتَيْنِ يُكَبِّرُ فِي كُلِّ سَجْدَةٍ وَهُوَ جَالِسٌ قَبْلَ أَنْ يُسَلِّمَ وَسَجَدَهُمَا النَّاسُ مَعَهُ مَكَانَ مَا نَسِيَ مِنْ الْجُلُوسِ

Cabdilaahi ibnu Bujaynah waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) uu istaagay salaadii Duhurka isagoo lagu leeyahay atixiyaadkii koowaad, markuu salaadii dhamaystay ayuu sujuuday laba sujuudood, isagoo sujuud kasta u takbiiranaya oo fadhiyana kahor intaanu salaamo naqsanin, dadkiina nabiga ayey la sujuudeen maciisa, badalkeeda atixiyaadkii uu ilaaway. [Waxa soo saaraya Imaamu Muslim: 570]

Maxaa lagu ducaysanayaa Sujuuda Sahwiga dhexdeeda?

Sujuuda Sahwiga waxay lamid tahay sujuudaha kale ee salaada waxaana la akhrinayaa mid kasta ducooyinka la akhriyo sujuudaha salaada sida “Subxaana Rabbiyal Al-aclaa” hal mar ama sadex jeer ama wax kabadanba, sidoo kale labada sujuudood ee sahwiga dhexdooda waxa la akhrinaya isla ducooyinka la akhriyo fadhiga u dhexeeya labada sujuudood ee salaada waana ducada ah ” Rabbi iqfirlii”.

Salaadaha Sunooynka ayaga malala imanayaa sujuuda Sahwiga?

Sujuuda sahwiga waxa loo sharciyeeyey salaadaha faralka iyo sunnadaba, waana lala imanayaa markay timaado sabab keensanaysa in la sujuudo sujuuda Sahwiga. Sidaasbayna ku tageen culumada Islaamka jamaahiirtoodu, waxaana u daliila guud ahaan xadiiskii nabiga (scw):

 ( إذا نسي أحدكم فليسجد سجدتين ) رواه مسلم (402)

“Haduu midkiin halmaamo, ha sujuudo laba sujuudood” [Waxa soo saaray Muslim: 402]

Sujuuda Sahwiga hadii lagu sahwiyo kawran?

Qofkii ka shakiya inuu sujuuda Sahwiga sujuuday hal sujuud ama laba sujuudood, wuxuu la imanayaa ta uu filayo inay ku xoog badantahay xagiisa, hadii labaduba isku mid ka yihiin xagiisa markaa wuxuu qaadanaya ta uu hubo ah ugu yaraan inuu sujuuday hal sujuud kadibna sujuudii kale ayuu la imanayaa, waanu salaamo naqsanayaa, manalaha sujuuda sahwigu sujuudu sahwi kale. Wallahu aclam.


Xigasho

  1. مجموع فتاوى الشيخ : 14/14-16
  2. https://islamqa.info/ar/12527

Tabinta iyo Diyaarinta

Abdulaziz Mohamed Oogle