Meelo badan oo kamida caalamka waxa la joojiyay in masaajidada lagu tukado ayadoo laga cabsi qabo in cudurka Coronavirus uu faafo, sidaa darteed waxa haboon inaan idiin soo gudbino su’aalaha ugu muhiiman ee dadku u baahanyihiin in looga jawaabo.

Tusmo

Mar hadii aan la tagayn masaajidka malagu aadaami karaa guryaha?

Dabcan hadii la joojiyay in lagu tukado masaajidka jimcaha iyo jamaacadaba, macnaheedu maaha in salaadii la joojiyay ee qof kasta wuxuu ku tukanayaa gurigiisa ama dukaankiisa ama meeshii kale ee uu awoodo.

Aadaanka salaada waa iclaan lagu ogaysiinayo in waqtigii salaada la gaadhay, xukunkeeduna waa la isku khilaafay, qaar kamida culumada islaamku waxay dhaheen; waa sunne la adkeeyay halka kuwa kalena ay dhaheen; waa faral la iska furan karo. Waxaana xoog badan inuu yahay faral la iska furan karo oo hadii cid kamida muslimiintu ay aadaanto in kuwa kale ay ka dagayso waajibnimadoodu, waxaana u daliila xadiiskan:

عن مالك بن الحويرث قال أتينا رسول الله صلى الله عليه وسلم ونحن شببة متقاربون فأقمنا عنده عشرين ليلة وكان رسول الله صلى الله عليه وسلم رحيما رفيقا فظن أنا قد اشتقنا إلى أهلنا فسألنا عمن تركناه من أهلنا فأخبرناه ، فقال : ارجعوا إلى أهليكم فأقيموا عندهم وعلموهم ومروهم ، فإذا حضرت الصلاة فليؤذن لكم أحدكم وليؤمكم أكبركم . رواه البخاري ( 602 ) ومسلم ( 674 )

Maalik binu Xuwarith waxa laga wariyay inuu yiri: waxaan u nimid rasuulkii Ilaahay (scw) anagoo ah dhalinyaro isu dhowdhow, waxaan la joognay labaatan habeen. Rasuulkii Ilaahayna (scw) wuxuu ahaa mid naxariis badan oo tudhis badan, wuxuuna u maleeyay inaan u xiisnay ehelkayagii, wuxuuna na waydiiyay ehelkayagii aan ka nimid, markaasaan uga warramnay, wuxuuna yiri: ”ku laabta ehelkiinii oo ayaga agtooda jooga, waxna bara oo fara, markay salaadu timaadana ha aadaamo midkiin, hana idin tujiyo ka idiinku wayni”[1]

Xadiiskani wuxuu tilmaamay in aadaanku yahay faral la iska furan karo maadaama nabigu amray in hal qof oo kamida uu adimo salaada.

Sidaa darteed hadii laga adimo masaajidada looma baahna in guriga aad ka adinto, kaliya waad aqiimaysaa, waxaadna tukanaysaa salaada. Balse hadii magaaladaba aan laga adimin waxa kuu fiican inaad adinto kadibna aad aqiimto.

Aadaanku miyuu isbadalay?

Dabcan hadii aan masaajidada lagu tukanayn waxa is badal ku imanayaa aadaanka masaajida ayadoo mu’adinku uu dhahayo ”Salluu fii rixaalikum” oo macnaheedu tahay ku tukada guryaha. Goorta la dhahayana waa la isku khilaafay, qolo waxay tidhi: waxa la dhahayaa marka aadaanku dhamaado, kuwa kalena waxay dhaheen: waxa lagu badalayaa meesha ay ku jirto ”Xayya calaa Assalaah” halka culumo kalena ay labada qawlba ay kulmiyeen, waxaan u daliila:

عَنْ نَافِع ، قَالَ : ” أَذَّنَ ابْنُ عُمَرَ فِي لَيْلَةٍ بَارِدَةٍ بِضَجْنَانَ ، ثُمَّ قَالَ : صَلُّوا فِي رِحَالِكُمْ ، فَأَخْبَرَنَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَأْمُرُ مُؤَذِّنًا يُؤَذِّنُ ، ثُمَّ يَقُولُ عَلَى إِثْرِهِ : ” أَلاَ صَلُّوا فِي الرِّحَالِ ” فِي اللَّيْلَةِ البَارِدَةِ ، أَوِ المَطِيرَةِ ، فِي السَّفَرِ

Waxa Naafic lagasoo wariyay inuu yiri: “Ibnu Cumar ayaa adimay habeen qabow Dajnaan, markaasuu yiri: ku tukada guryihiina, wuxuuna noo sheegay in rasuulkii Ilaahay (scw) uu fari jiray mu’dinka inuu aadaamo, kadibna uu dhaho ”Ku tukada guryaha” habeenka qabow, ama roobaysan ee safarka”[2]

Xadiiskan waxa ka muuqda in aadaanku markuu dhamaado la dhahayo ”Salluu fiii Rixaalikum” ku tukada guryihiina. Balse xadiiska ibnu Cabbaas ayaa isna tilmaamay in ereyga ”Xayya calaa assalaah” lagu badalayo ”Salluu fii buyuutikum”,

عَنْ عَبْدِ اللهِ بْنِ عَبَّاسٍ ، أَنَّهُ قَالَ لِمُؤَذِّنِهِ فِي يَوْمٍ مَطِيرٍ : ” إِذَا قُلْتَ : أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ ، أَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ ، فَلَا تَقُلْ : حَيَّ عَلَى الصَّلَاةِ ، قُلْ : صَلُّوا فِي بُيُوتِكُمْ “

Cabdilaahi binu Cabbaas waxa laga wariyay inuu ku dhahay mu’adinkuusuu maalin roob jiro, markaad tidhaahdo ”ash-hadu an laa Ilaaha ilaa Allah, ash-hadu anna muxamadan rasuul allah” ha odhanin ”xayya calaa assalaah” waxaad tidhaahdaa: ”Salluu fii buyuutikum” ku tukada guryihiina.[3]

Waxa Ibnu Xajar uu dhahay: isma diidayso in la kulmiyo ”Xayya cala assalaah” iyo ereyga ”ku tukada guryiina” sababtoo ah qofkii raba inuu rukhsad qaatana wuu qaadanayaa, ka kalena waxa lagu dhiiri galiyay inuu usoo degdego salaada.

Marka mu’adinku dhaho ”Salluu Fii Rixaalikum” maaxaa laga daba dhahayaa?

Ereyga ”Salluu fii rixaalikum” run ahaantii kama mid aha aadaanka, kaliya waxa la akhriyaa marka ay jirto rukhsad ah in guryaha lagu tukado sidaa darteed laba mid unba waad yeeli kartaa. Inaad ka daba tidhaahdo wuxuu mu’adinku dhahayo, ayadoo laga duulayo ereyada kale ee aadaanku ka koobanyahay ee rasuulku ina amray in laga daba dhaho. Ama waxaad dhahaysaa: ”Laa xawla walaa quwwata ilaa billaah” maadaama ereygii ”Xayya calaa Assalaah” lagu badalay. Mana jirto wax daliila oo kusoo arooray in laga daba dhaho ama duco kale la akhriyo.

Jamaaco malagu tukan karaa guryaha?

Mar hadii aan la tagi karin masaajidada waxa haboon in salaada jamaaco lagu tukado adigoo jooga gurigaaga. Waxa ninku la tukanayaa caruurtiisa iyo dumarka oo safka danbe ku tukanaya si loo helo ajirkii jamaacada.

Jumcada sidee loo tukanayaa? Guryaha malagu tukan karaa?

Salaada jumcada waxa asal ah in lagu tukado masaajida, hadii aan masaajidada lagu tukanaynin waxa la tukanayaa salaada Duhur oo ka koobnayd afar rakcadood.

Salaadaha ma kulmin karaa hadii guryaha lagu tukanayo?

Salaadaha lama kulmin karo lamana gaabin karo mar hadii aan safar ama xanuun ama cudurdaar kale aanu jirin.

Salaada janaasada ma guriga ayaa lagu tukanayaa?

Salaada Janaasada waxa lagu tukadaa masaajidka, hadii aanay suurtoobayn in lagu tukado masaajidada waxa janaasada lagu tukanayaa xabaalaha.

Mala qunuuti karaa salaadaha dhexdooda?

Qunuutku waa ducada salaada dhexdeeda, taasoo dhacda marka lagasoo kaco rukuucda rakcada u danbaysa, ayadoo Ilaahay laga magan galo musiibo iyo balaayooyin umada kusoo habsaday. Wayna ka sugantahay rasuulka (scw) inuu qunuuti jiray salaadaha faralka ah marka dhibaato ku dhacdo muslimiinta, tusaale ahaan markii la dilay saxaabadii quraanka akhrin jirtay, wuxuu nabigu salaada dhexdeeda ku habaari jiray kuwii ka danbeeyay dilkooda.

Quraan gaar ah miyuu jiraa?

Ma jirto aayado ama suurada gaara oo la akhristo marka musiibo ay timaado, ee meeshii aad rabto oo quraanka Ilaahay kamida ayaad akhrinaysaa maadaama quraanku dhamaantiis uu yahay hadalkii Ilaahay.

Salaad gaar ah ama soon gaar ah majiraan oo cudurada lagaga magan galo Ilaahay?

Salaad gaar ah majirto iyo soon toona, waana bidco haduu qofku jidaysto salaad ama soon aan sal ku lahayn shareecada Islaamka, sidaa darteed musiibo markay timaado qofku kalidii ayuu Ilaahay ka magan galayaa ama salaadaha faralka ah dhexdooda ayuu la imanayaa qunuutka.

Dadka lacnada cudurka ama caayaya?

Waxa jira dad caaya ama lacnada oo baasaysta cudurkan Coronavirus ama cudurada kaleba, mana banaana in la lacnado ama la caayo cudurka. Sababtoo ah cidii qadartay cudurku waa Ilaahay. Waxaana ka sugan rasuulka (scw) inuu dhahay: Ilaahay wuxuu yiri: ha caayina waqtiga sababtoo ah waqtigu waa aniga, anigaana gadgadiya. Sidaa darteed ma banaana cayda iyo lacnada cudurada maadaam uu Ilaahay sababay.

Dadka ku jeesjeesaya dadka cudurka Coronavirus uu asiibay?

Mar walba waxa jira dad tuhma ama eedeeya qofka xanuusta, tusaale; qofka cudurka Kansarku ku dhaco waxay ku eedeeyaan inuu gaal yahay ama munaafiq ama danbi wayn uu galay. Arrintaasina ma banaana maxaa yeelay ma ogaan karno sababta Ilaahay ugu qadaray hebel ama heblaayo inuu asiibo cudurkaasi.

Waxa Diyaariyay: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle


[1] Bukhaari (602) Muslim (674)

[2] Bukhaari (666) Muslim (697)

[3] Bukhaari (668) iyo Muslim (699)