Su’aal:

galdiid waxaraba in an guweydiyo majira cibado hadi an sameyo in an argin cadabulqabriga o qabriga wasic i noqonayo

Jawaab:

Bismillah, wuxuu dhahay ibnu Qayyim kitaabkiisa “Ruux” cadaabka qabriga waxa keena waa dadka oo Ilaahay jaahil ka noqda, iyo ayagoo beerdarreeya awaamirta Ilaahay, maxaa yeelay Ilaahay cadaabi maayo ruux Ilaahay aqoonsanayd, kuna dhaqantay awaamirtiisa kana fogaatay wixii uu reebay. Cadaabka Qabriguna waa saamaynta ay leedahay cadhada Ilaahay, cidii kaga cadhaysiisa Ilaahay daarta Aduunyo, oo aan ka toobad keenin kuna dhinta sidaas wuxuu helayaa cadaabka qabriga, intii uu Ilaahay ka cadhaysiiyey caddibaad la eeg ha yaraato ama ha badnaato.”

Waxaana u daliila caddibaada Qabriga xadiiskii nabiga ee labadii nin ee uu arkay in lagu cadaabayo qabriga, mid ayaa dadka dhexdooda u socon jiray inuu isku diro, kan kalena kaadida iskamuu daahirin jirin.

عن ابن عباس قال خرج النبي صلى الله عليه وسلم من بعض حيطان المدينة فسمع صوت إنسانين يعذبان في قبورهما فقال يعذبان وما يعذبان في كبير وإنه لكبير كان أحدهما لا يستتر من البول وكان الآخر يمشي بالنميمة

Ibnu Cabbaad waxa laga wariyey inuu dhahay: Nabiga (scw) ayaa kasoo baxay xaafado kamid magaalada Madiina, wuxuuna maqlay codka laba shakhsi oo lagu caddibaayo qabrigooda, wuxuuna dhahay: ” waa la caddibayaa lagumana cadaabayo wax wayn, (maya ee wuu waynyahay), midkood wuxuu ahaa mid aan iska dhawrin kaadida (isku kaaja ulakac), kan kalena wuxuu ahaa diradiraale (dadka isku dira).

Kolkaas labadaas nin waa lagu cadaabayey qabriga, waxaana lagu cadaabay in midkood isagoo awooda inuu is daahiriyo inaanu iska dhawrayn kaadida, kan kalena uu dadka isku dirayey oo umado dhan fitno ka dhex waday. Xadiiskan iyo kuwo badan oo kaleba waxay daliil u yihiin cadaabka qabriga.

Wuxuu dhahay ibnu Qayyim : Cadaabka Qabriga waxa keensada danbiyada qalbiga, isha, dhagta, afka, carrabka, caloosha, farjiga, gacanta, lugta, iyojidhkoo dhanba. wax kamid ah, diradiraalaha, beenaale, ka dadka xanta, markhaati beenaalaha, dumarka dhawrsoon ka wax ka sheega, fitnada abuurah, ka dadka bidco ugu yabooha, ka been ka sheegay Ilaahay iyo Rasuulkiisa, ka ribada cuna, ka cuna xoolaha agoonta, ka qaata laaluushka, ka dadka booba, khmariilaha, sinaystaha, qomu luudka, tuuga, khiyaanoolaha, ballan buriyaha, dhagar oogaha, ribo qaataha, ka farsameeya inuu xukunka Ilaahay meesha ka saaro, ka xalaaleeya wixii xaaraanta ahaa, ka muslimiinta dhiba, ka cawraadka muslimka daba gala, ka ku xukuma wax aan Ilaahay soo dajinin, ka fatwooda wixii aan Ilaahay sharciyeyn, ka colnimada dadka ku kaalmeeya, ka dadka dila naftii xaaranta ahayd, kuwa wax ka sheega been ah saalixiinta iyo salafkii iwm.

Tusmo

Maxaa kaa badbaadinaya cadaabka Qabriga:

– Ugu horeyn waa in qofku ka fogaado wixii keensanaya cadaabka qabriga oo ah danbiyada iyo macaasida, haduu ku dhacana waa inuu si dhakhso ah uga toobad keenaa intaan Ilaahay nafta ka qaadin.

– Ta labaad, waa in ruuxa muslimka ah ku dadaalaa inuu la yimaado camalada saalixa ah ee sharcigu tilmaamay inuu ka badbaadinayo cadaabka Qabriga, sida inuu ilaaliyo muslimiinta (jihaadka, askarta muslimiinta ah ee cadawga ka ilaalinaysa Muslimiinta), inuu ruuxa Ilaahay ku karaameeyo shahaadada, sidoo kale suurada Mulki ama tabaarik cidii akhrida kuna dhaqanta wuxuu nabigenu sheegay inay kaa fogaynayso cadaabka qabriga.

ما ثبت عند أبي داود، والترمذي، وابن ماجه، والنسائي، عن أبي هريرة- رضي الله عنه-، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: « سورة من القرآن ثلاثون آية تشفع لصاحبها حتى غفر له » .

Waxay soo saareen Abudaawuud, Tirmadi, ibnu Maajah, Nisaa’i, in Abuhurayra (I.R.H) uu ka wariyey nabigeena (scw) inuu dhahay: “” Suurad Quraanka kamid ah oo sodon aayadood ah waxay u shafeeco qaada saaxibkeed illamaa looga danbi dhaafo”

Dabcan sida riwaayada iyo atharkaba laga helayo suuradaasi waa suurada Tabaarik ama Mulki, waxayna saaxiibkeed cidii xifdida ee ku dhaqanta ka badbaadisaa cadaabka Qabriga.

– Ta sadexaad camalada wanaagsan ee salaada, soomka, sakada iyo ehelka oo la xidhiidhiyo waxay kuu horseedaysaa in ayaa ilaaliso ama kaa difaacdo cadaabka Qabriga.

عن أبي هريرة- رضي الله عنه- عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: « إن الميت إذا وضع في قبره، إنه يسمع خفق نعالهم حين يولون عنه، فإن كان مؤمناً كانت الصلاة عند رأسه، وكان الصيام عن يمينه، وكانت الزكاة عن شماله، وكان فعل الخيرات من الصدقة والصلة والمعروف والإحسان إلى الناس عند رجليه، فيؤتي من قبل رأسه، فتقول الصلاة: ما قبلي مدخل، ثم يؤتى عن يمينه، فيقول الصيام: ما قبلي مدخل، ثم يؤتى عن يساره، فتقول الزكاة: ما قبلي مدخل، ثم يؤتى من قبل رجليه، فتقول فعل الخيرات من الصدقة والصلة والمعروف والإحسان إلى الناس: ما قبلي مدخل.
فيقال له: اجلس، فجلس، وقد مثلت له الشمس وقد أدنيت للغروب، فيقال له: أرأيتك هذا الرجل الذي كان فيكم ما تقول فيه؟ وماذا تشهد به عليه؟ فيقول: دعوني حتى أصلي، فيقولون: إنك ستفعل، أخبرنا عما نسألك عنه، أرأيتك هذا الرجل الذي كان فيكم، ما تقول فيه؟ وماذا تشهد عليه؟ قال: فيقول: محمّد، أشهد أنه رسول الله، وأنه جاء بالحق من عند الله، فيقال له: على ذلك حييت، وعلى ذلك مت، وعلى ذلك تُبعث إن شاء الله، ثم يُفتح له باب من أبواب الجنة، فيقال له: هذا مقعدك منها، وما أعد الله لك فيها، فيزداد غبطة وسروراً، ثم يُفتح له باب من أبواب النار، فيقال له: هذا مقعدك منها، وما أعد الله لك فيها لو عصيته، فيزداد غبطة وسروراً، ثم يُفسح له في قبره سبعون ذراعاً، وينور له فيه، ويعاد الجسد لما بدأ منه، فتجعل نسمته في النسيم الطيب، وهي طير يعلق في شجرة الجنة، قال: فذلك قوله تعالى:
{ يُثبّتُ اللهُ الذينَ آمَنُوا بِالقَوْلِ الثَّابِتِ فِي الحَياةِ الدُّنْيَا وَفِي الآخِرَةِ } إلى آخر الآية [إبراهيم: 27]، ثم ذكر تمام الحديث. »رواه ابن حبان في صحيحه

Abuhurayra waxa laga wariyey (I.R.H) inuu ka wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Maydka marka la dhigo qabrigiisa, wuxuu maqlayaa sanqadha kabahooda kolka ay dadku ka laabanayaan, haduu mu’min ahaa waa madaxiisa agtiisa imanaysa salaada, soonkuna dhankiisa midig, Zakadana dhankiisa bidix, wixii fiicnaa ee sadaqada, xidhiidhka riximka, macruufkii, samofalkii dadkuna waxay ahaanayaan lugihiisa, waxaa lagaga imanayaa xaga madaxiisa, markaasay salaadu dhahaysaa: dhankayga lagama soo galayo, markaasa lagaga iman xaga midigta oo soonkiina dhihi: dhankayga laygama soo galayo, markaasaa la imanayaa dhankiisa bidix, kolkaasay dhahaysaa Zakadu: dhankayga lagama soo galayo, markaasaa lagaga imanayaa xaga lugihiisa, markaasay dhahaysaa ficilkii wanaagsanaa ee sadaqada, xidhiidhka qoyska, wanaag faristii, usamo falkii dadkuna: dhankayga lagama soo galo.

Markaas ayaa lagu dhahayaa: fadhiiso, waanu fadhiistay waxaana loo matalay Qorraxdii oo loo dhoweeyey qorrax dhicii, waxaana la dhahayaa: Ma aragtaa ninkaas idinla joogay, maxaad ka odhanaysaa? maxaadse uga markhaati kacaysaa? wuxuu dhahayaa: isuga aan soo tukadee, waxay dhahayaan: waad tukane ee nooga warran waxaan ku waydiinayno, ma aragtaa ninkaas idinla joogay, maxaad ka odhanaysaa? maxaadse uga markhaati kacaysaa? wuxuu dhahayaa: Muxamed, waxaan uga markhaati kacayaa inuu Rasuulki Ilaah yahay, oo uuna kala yimid xaqa xaga Ilaahay, waxaa la dhahyaa: Taasbaad ku noolayd, taasbaanad ku dhimatay, taasbaana lagugu soo bixin inshallah, markaasaa lo furayaa albaab kamid ah albaabada Jannada, waxa la dhahayaa: kaasi waa booskaagii, iyo wixii Ilaahay kuu ballan qaaday, markaasuu kordhisanayaa farxad iyo raynrayn, markaasaa la furayaa albaab kamda albaabada naarta, oo laguna dhahayaa: kaasi waa booskaagii naareed, iyo wixii laguugu diyaariyey hadii aad caasiyi lahayd, markaasuu sii siyaadsanayaa rayrayn iyo farxad, kolkaasaa loo waasicinayaa qabrigiisa todobaatan dhudhun, loona nuurinayam, laguna celinayaa jidhka wixii uu ka bilaabmay, lagana yeelayaa ruuxdiisa ruuxda wanaagsan, waana shinbir ka lulata dhirta Jannada, wuxuu yidhi nabigu: arrinkaasina waa sida qowlkii Ilaahay [Wuxuu ku sugi Ilaahay kuw rumeeyey xaqa qawlka sugan nolosha Aduunyo iyo Aakhiraba] ilaa laga gaadho aayada dhamaadkeeda [Ibraahiim:27] ..” [Ibnu Maajah ayaa kusoo saaray saxiixiisa]

– Ugu danbayn falkasta oo xun oo danbi ah wuu keensadaa cadaab Qabriga, wixii wanagsan iyo toobadkeenkuna wuu ka badbaadiyaa ruuxa muslimka ah cadaabka qabriga iyo cadhada Ilaahay, waxaana ugu muhiimsan inaynu dhamaanteen toobad keeno, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu inaga badbaadiyo inaga waalidkeen iyo muslimka dhamaantoodba cadaabka qabriga iyo cadhada Ilaahayba. Wallahuaclam