Tusmo

Sidee u khatimi karaa Quraanka bisha barakaysan ee Ramadaan?

Ugu horeyn: waxa muhiima in la ogaado Quraanka qiimaha uu leeyahay, waa hadalkii Ilaahay waana waxyigii Ilaahay kusoo dajiyey qaliga rasuulkii Ilaahay ee Muxamed (scw). Quraanku Kariimka wuxuu sharaf u yahay nabiga Muxamed (scw) iyo umadiisaba, sida Ilaahay quraankiisa ku tilmaamay:

وَإِنَّهُ لَذِكْرٌ لَّكَ وَلِقَوْمِكَ ۖ وَسَوْفَ تُسْأَلُونَ (44)

Isaga (Quraanku) waa sharaftaada iyo sharafta qoomkaaga, waana la idin waydiin doonaa. [Suuratu Zukhruf:44]

Bisha ramadaan waxa la jeclaystaa in quraanka la khatimo hal mar qofkii awooda, dabcan waajib maaha hase ahaatee waa la jeclaystaa waana sunnadii nabigii Ilaahay (scw).

 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه : ( أن جبريل كان يعْرضُ عَلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الْقُرْآنَ كُلَّ عَامٍ مَرَّةً ، فَعرضَ عَلَيْهِ مَرَّتَيْنِ فِي الْعَامِ الَّذِي قُبِضَ فيه )

Abihurayra waxa laga wariyey (Rc) “In Jibriil usoo bandhigi jiray nabiga (scw) quraanka sanadkasta mar, waxaana loo soo bandhigay sanadkii laba jeer sanadkii uu geeriyooday” [Bukhaari: 4614]

Bisha ramadaan ayaa nabigu diraasayn jiray dhamaan quraankii soo dagay. Taasoo macnaheedu tahay Jibriil ayaa la khatimi jiray ramadaan kasta, halka ramadaankii ugu danbeeyey laba jeer uu Jibriil la khatimay rasuulka (scw).

Dhanka kale dadkii salafka ahaa ee inaga horeeyey quraanka aadbay u khatimi jireen bisha ramadaan.

  • Taabicigii Qataadah wuxuu dhamayn jiray quraanka todobaadkii hal mar, marka ramadaanku yimaadan sadexdii maalmood hal mar, marka tobanka danbe soo galana maalinkasta hal mar.
  • Mujaahidna habeen kasta oo ramadaan hal mar ayuu dhamayn jiray Quraanka.
  • Shaaficina wuxuu Quraanka dhamayn jiray 60 jeer Ramadaanka.

Markaa in quraanka la akhriyo oo la khatimo Quraanka ayadoo laga faa’idaysanayo jaaniska ramadaan waa arrin diinteena sal ku leh oo nabiga, saxaabadiisii iyo taabiciintii ka danbaysayba ay la iman jireen.

Qaabkee u dhamayn kartaa Quraanka Ramadaan:

Dabcan Quraanku wuxuu ka koobanyahay 30 juz, juz kastana wuxuu ka koobanyahay 50 safxadood. Markaa hadii aad akhrido maalintii 20 bog ama hal juz, waxaad Quraanka dhamayn kartaa hal mar bisha ramadaan. Hadii aad akhrido 40 bog maalintii waxaad dhamayn kartaa laba jeer Quraanka bisha ramadaan gudaheeda.