Salaadu waa udub dhexaadka diinta Islaamka, waxaanu Ilaahay faray dadka Muslimiinta ah inay tukadaan salaadaha waqtigii loogu talo galay. Dadka salaadu ay ka tagtay waa laba nooc , mid waxay salaadu uga tagtay isagoo haysta cudurdaar kana kalena waxay uga tagtay si badheedha oo kas ah:

Tusmo

Salaada looga tagay cudurdaar jira awgeed:

Salaada ku tagta cudurdaar jira awgeed sida inuu ilaaway ama halmaamay waqtigii salaada, ama inuu ka seexday salaadii, isagoo markii horeba ku dadaalayey inuu tukado salaada waqtigeeda. Xaaladaas qofkii wuxuu noqonayaa mid haystay cudurdaar, waxaana waajib ku ah inuu usoo gudo isla markuu xasuustaba, waxaana u daliila xadiiskii saxiixa ahaa ee ku yaala saxiix Muslimka, kaasoo ka warramaya in nabiga (scw) iyo saxaabadiisii ay ka seexdeen salaadii Subaxa, markaasay saxaabadii ka doodeen oo is waydiiyeen maxaynu la nimaadnaa kafaaro gud maadaama aynu ka gaabinay salaadii? Markaasuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw):

” أَمَا إِنَّهُ لَيْسَ فِي النَّوْمِ تَفْرِيطٌ إِنَّمَا التَّفْرِيطُ عَلَى مَنْ لَمْ يُصَلِّ الصَّلاةَ حَتَّى يَجِيءَ وَقْتُ الصَّلاةِ الأُخْرَى فَمَنْ فَعَلَ ذَلِكَ فَلْيُصَلِّهَا حِينَ يَنْتَبِهُ لَهَا “

Hurdadu kuma jirto gaabis, ee gaabisku waa qofka aan salaada ka tukanayn illaa laga gaadho waqtiga ugu danbeeya ee salaada, cidii sidaas yeeshayna ha tukato markay ku baraarugto”  [Saxiix Muslim: 681]

Taas macnaheedu maaha inuu qofku iska seexdo oo uu ka dhigto hurdada cudurdaar, sababtoo ah nabigu habeenkaas saxaabi ayuu faray inuu usoo kiciyo salaada balse wuu ilaaway saxaabigii, sidaa darteed cidii u seexanaysa si ay salaadu uga tagto kaasi malaha wax cudurdaar ah. Haduuse qofku ku dadaalo markuu seexanayo inuu sii ballamiyo cid salaada u kicisa ama saacadiisaba uu ku buuxsado waqtiga uu soo kacayo, hadana uu hurdada isku ilaawo wuxuu yeelanayaa cudurdaar, waana inuu soo gudaa salaadii ka tagtay isla markuu hurdada ka kaco ama uu xasuusto, hase ahaatee malaha wax kafaaro gud ah, siduu sheegay Rasuulkii ilaahay (scw):

 (من نسي صلاة فليصلها إذا ذكرها لا كفارة لها إلا ذلك) رواه البخاري ( 572 ) ومسلم ( 684 ) وفيه زيادة: (أو نام عنها) .

“Ruuxii hilmaama salaada ha tukado markuu xasuusto, mana laha wax kafaaro ah oo aan taas ka ahayn) waxaana la socda siyaado ah: (Ama haduu ka seexdo). [Bukhaari: (572) iyo Muslim: (684)]

Salaada looga tagay badheedhka ama kaska:

Cidii salaada uga tagtay si badheedha oo ula kac ah, kaasi wuxuu ku dhacay danbi aad u wayn, oo xitaa culumada qaar ayaa fatwooday inuu yahay ruuxaasi gaal, waxaana waajib ku noqonaysa inuu ruuxaasi u toobad keeno Ilaahay subxaanahu, oo uu bilaabo gudashada waajibaadka salaada.

Dhanka kale salaadihii ka tagay inuu soo gudayo waa la isku khilaafay, balse sida loo badanyahay ruuxaasi wuu soo gudayaa salaada, wayna ka ansaxaysaa haduu toobad keeno. Culumada kalena waxay tidhi: Ruuxii uga taga salaada si badheedha, kaasi masoo gudi karo salaadii ka tagtay waligii, waxaase ku waajibaysay inuu toobad keeno, oo uu ka murugoodu wixii uu falay, sidoo kalena uu go’aansado inaanu dib ugu laabanaynin, hana badsado camalada khayrka ah iyo salaadaha sunnooyinka ah. [” المحلى ” ( 2 / 235 )]

Waxaana waajib ku ah ruuxa muslimka ah inuu ilaaliyo waqtiga salaadaha siduu Ilaahay dhahay:

( إِنَّ الصَّلاةَ كَانَتْ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ كِتَاباً مَوْقُوتاً ) النساء / 103

“Salaadu waxay ku tahay mu’miniinta korkooda xukun waqtiyeysan (mudaysan)” [Suuratu Annisaa:103]

Sidaas awgeed uma banaana ruuxa muslimka ah inuu dib u dhigo salaada oo uu gaadhsiiyo salaada kale tusaale: inuu salaada duhur gaadhsiiyo casar ama maqribka gaadhsiiyo cishe, ficiladaasi maa wax banaan waana salaada munaafiqiinta oo tukata waqtiga ugu danbeeya ee salaada, wuxuu munaafiqu tukadaa salaada casar marka maqrib la gaadho ama waxyar ka hadhsantahay, Ilaahaybaan ka magangalnee.

Salaad kasta waqtigeeda waa in la tukadaa, hadiiba cudurdaar awgeed ay salaadii u tagtay waa in la tukadaa salaadii ku dhaaftay kadibna la tukadaa salaada taagan iminka Inshallah, waxaana u daliila xadiiskan:

 عَنْ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ أَبِي سَعِيدٍ عَنْ أَبِيهِ قَالَ شَغَلَنَا الْمُشْرِكُونَ يَوْمَ الْخَنْدَقِ عَنْ صَلَاةِ الظُّهْرِ حَتَّى غَرَبَتْ الشَّمْسُ ..َ فَأَمَرَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِلالًا فَأَقَامَ لِصَلاةِ الظُّهْرِ فَصَلاهَا ثُمَّ أَقَامَ لِلْعَصْرِ فَصَلاهَا ثُمَّ أَذَّنَ لِلْمَغْرِبِ فَصَلاهَا كَمَا كَانَ يُصَلِّيهَا فِي وَقْتِهَا ..) ( الأذان/655 ) وصححه الألباني في صحيح النسائي برقم(638)

Cabdiraxmaan ibnu abi saciid wuxuu ka wariyey aabihii inuu dhahay: “Gaaladii ayaa naga mashquulisay maalintii Khandaqa (Axzaab) salaadii Duhurka illamaa ay qorraxdii ka dhacday… Markaasuu faray Rasuulkii Ilaahay (scw) Bilaal, kadibna wuxuu isu taagay salaadii Duhurka waanu tukaday, hadana salaadii Casar ayuu isu taagay waanu tukaday, kadibna wuxuu u adimaya Maqrib, waanu tukaday sidii uu utakan jiray waqtigeeda..” [Waxa soo saaray Nisaa’i: 655, waxaana saxiixiyey Albaani]

Haddaba sida xadiiskan laga qaadanayo waa in salaadii ku dhaaftay laga horeysiiyaa salaada waqtigeedu iminka taaganyahay, oo loo kala horumariyaa sidii ay usoo kala horeeyeen, has ahaatee hadii aanu waqtigu ku filnayn inuu tukado salaadii hore wuxuu tukanayaa salaadaas taagan iminka kadibna wuxuu ka daba gaynayaa salaadihii dhaafay. Wallahu aclam