Inaad si sax ah u hor fadhiisato shaashada kombiyuutarka waxay kaa caawinaysaa in ishu aanay ku daalin iyo in muruqyada qoorta iyo madaxuna aanay isku dhagin.

Sidaas darteed, waxa haboon in shaashadu ay ka fogaato indhaha 50 illaa 70 sentimitir, sidoo kale waa in shaashadu waxoogoo ay sareysaa.

Kurisga lagu fadhiisanayana waxa haboon in jilbaha lagu hagaajiyo xagasha 90 digrii, ayadoo cagahana ay yaalaan dhulka.

Kursiga lagu tiirinayo dhabarkuna waa inuu noqdaa 90 digrii ama wax ka badan inta u dhaxaysa qeybta sare ee jidhka iyo bowdada.