Tusmo

Taariikhda Shiicada iyo Qeybahooda:

Ilaahay (swt) sunooyinkiisa waxa kamida in dadku ay is khilaafaan si la isugu imtixaamo, loona cadeeyo ruuxa Ilaahay rumaysan iyo ka baal maraya diinta xaqa ah.

Nabigii Ilaahay (scw) waxa laga wariyey inuu dhahay:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ ” تَفَرَّقَتْ الْيَهُودُ عَلَى إِحْدَى وَسَبْعِينَ أَوْ اثْنَتَيْنِ وَسَبْعِينَ فِرْقَةً وَالنَّصَارَى مِثْلَ ذَلِكَ وَتَفْتَرِقُ أُمَّتِي عَلَى ثَلَاثٍ وَسَبْعِينَ فِرْقَةً”

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (scw) inuu dhahay: ”Yahuudu waxay u qeybsantay kow iyo todobaatan ama laba iyo todobaatan kooxood, Nasaaraduna sidaasoo kale, Umadayduna waxay u qeybsamaysaa sadex iyo todobaatan qeybood”[1]

Sidaas darteed waxa aan shaki ku jirin in umadda nabi Muxmaed (scw) ay kooxo badan u qaybsamayso oo dhamaantood bidcoolayaala, marka laga reebo kooxda Rasuulkii Ilaahay kasoo reebay oo ah kooxda ku sugan wixii uu ku sugnaa Rasuulkii Ilaahay iyo saxaabadiisu.

“كلهم في النار إلا ملة واحدة قالوا ومن هي يا رسول الله قال ما أنا عليه وأصحابي”

”Dhamaantoodna naarta galaya marka laga reebo koox kaliya mooyee, waxay dhaheen: waa tuma kooxdaasi rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yidhi: waa ta ku sugan waxaan ku suganahay aniga iyo saxaabadaydu”[2]

Taariikhdii khulafada raashidiinta oo kooban:

Xaj kaliya ee rasuulku xajay waa xajka loo yaqaano xajkii sagootinta, ayadoo lagu gudo jiro waajibaadkii xajka ee maalintii Carafo oo ku beegnayd maalin jimce ayaa waxa soo dagay aayadii Ilaahay dhamaystiray Diinta Islaamka.

الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينً

Maanta ayaan idiin kamilay diintiinii, oo aan idiin dhamaystiray korkiina nicmadaydii, oo aan idiinka raali noqday idinka diinta Islaamka. [Suuratu Al-maa’ida:3]

Sanadkii 11aad ee hijriyada, bishii rabiicu al-awal, maalintii 12 aad waxa geeriyooday rasuulkii Ilaahay (scw), kadibna muslimiintii waxay madaxweyne ama khaliif u doorteen saxaabiga Abubakar Sidiiq (Rc).

Abubakar inuu madax u noqda muslimiinta waxa isku waafaqay guud ahaan saxaabadii rasuulka, waxa lala galay heshiiskii baycada ayadoo heshiiskaasi uu ka dhacay laba meelood, waa saqiifa bani saacida iyo masaajidka rasuulka.

Waxa la sheegaa in baycadii Abubakar uu ka dib dhacay Cali ibnu Abudaalib (Rc), sababo la xidhiidha xaaskiisa Faadima oo xanuusatay. Dabadeedna markii ay geeriyootay ayuu isaguna baycadii la galay Abubakar (Rc), waana sida xadiiska saxiixaynka ku yaala tilmaamayo[3]

Dhanka kale waxa saxaabiga Abusaciid al-khudriyy uu soo wariyey in Cali ibnu Abudaalib iyo Zubeyr ibnu Cawaam, Ilaahay raali haka ahaadee ay hal maalin kaliya kadib dhaceen baycadii Abubakar, kadibna Abubakar cid u diray oo ayaguna ay sidaas ku galeen baycadii.[4]

Si kasta oo ay ahaataba waxa muuqata in Abubakar (Rc) la isku raacay khilaafadii oo dhamaan saxaabadu ay isku waafaqeen.

Abubakar (Rc) wuxuu xukunka talada hayay mudo dhan laba sanadood oo kaliya, wuxuuna geeriyooday isagoo ku gudo jira furashooyinkii dhulka Shaam iyo Faaris.

Abubakar intaanu dhimanin, wuxuu magacaabay in Cumar ibnu Khadaab (Rc) uu uga danbeeyo talada muslimiinta. Cumarna Ilaahay raali haka ahaadee, waa la isku waafaqay xukunkiisii, wuxuuna muslimiinta u talinayay mudo gaadhaysa toban sanadood.

Cumar Ilaahay raali haka ahaadee, intaanu geeriyoonin wuxuu magacaabay lix saxaabi oo kamida tobankii saxaabi ee Jannada loogu bishaareeyey, wuxuuna faray inay doortaan mid ayaga kamid ah. Saxaabadii waxay doorteen saxaabiga Cusmaan ibnu Cafaan (Rc).

Cusmaan wuxuu talada muslimiinta hayey mudo gaadhaysa laba iyo toban sanadood. Sanadkii ugu danbeeyey xilligii Cusmaan, waxa dhacay qalalaanso siyaasadeed.

Qolyo fitno wadayaala ayaa iskasoo urusaday dhulka Masar, Kuufa iyo Basra. Waxayna yimaadeen magaalada Madiina oo ahayd caasimadii muslimiinta, waxayna dileen khaliifkii muslimiinta ee Cusmaan ibnu Cafaan, Ilaahay raali haka ahaadee.

Isla markiiba muslimiintii waxay doorteen saxaabigii ugu khayrka badnaa xilligaas, waa Abu Xasa Cali ibnu Abudaalib, Ilaahay raali haka ahaadee.

Xilligii Cali ibnu Abudaalib (Rc) waxa dhacay sadex dagaal oo kala ah Dagaalkii Jamalka, Dagaalkii Sifiin iyo Dagaalkii Khawaarijta.

Dabcan labada dagaal ee hore waxay ahaayeen kuwo fitno ah oo dhex maray saxaabadii rasuulka, ayagoo labada dhinacba ku doodayey wax xaq ah. Hase ahaatee, qadar Ilaahay qoray lama baajin karayn.

Soo ifbixidii 1aad ee Shiicada:

Mudadaas waxa soo baxay nin magiciisa la dhaho Cabdilaahi ibnu Saba’ oo kamid ahaa yahuudii reer Yamaneed, wuxuuna muujistay islaamnimo. Kadibna ninkaasi wuxuu sheegay in Cali ibnu Abudaalib yahay ilaah, oo uu yahay rabbiga wax arsaaqa waxana abuura. Markii imaam Cali ibnu Abudaalib (Rc) loo sheegay fitnada ninkaasi uu waday, ayuu u yeedhay isaga iyo intii fikirkiisa oo kale qabtay.

Cali (Rc) markii uu waydiiyey ee ay ku adkaysteen hadalkoodii gaalnimada ahaa, wuxuu ku guray god uu ku shiday xaabo, waanu gubay. Hadaba habaarqabihii ka danbeeyey gaalnimadaas, ee Ibnu Saba’, waxa la isku khilaafay inuu goobtaas ku dhintau iyo inuu sii noola.

Sida Noobakhti uu kitaabkiisa (فرق الشيعة) uu ku tilmaamay: Ibnu Saba’ wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee sheegay in Cali ibnu Abudaalib (Rc) uu nabigu u dardaarmay inuu xilka madaxtinimada islaamka uu hayo, iyo inuu bari yahay cadawgii Cali ibnu Abudaalib oo uu uga jeedo saxaabadii rasuulka (scw).

Waxa kale oo Noobakhti uu yidhi: markii Ibnu Saba’ loo sheegay in Cali ibnu Abudaalib uu geeriyooday, wuxuu dhahay: Beenbaad sheegaysaan, hadaad noo keentaan madixiisii, waxaana dhahaynaa wuu noolyahay, mana dhimanayo Cali illamaa uu ka hananayo dhulka.

Sidaas darteed, hadalka shiicadu maanta ku hadasho waxa bar bilaabay yahuudigaa ibnu Saba’, wuxuuna dhihi jiray markuu diinta Yahuudiyada haystay: Yuushac ibnu Nuun wuxuu ahaa dardaarankii nabi Muuse, markuu islaamayna wuxuu yidhi: Cali ayaa ah dardaarankii nabi Muxamed.

Dagaalkii sadexaad ee imaamu Cali ibnu Abudaalib (Rc) uu galayna waa kii khawaarijtii gaalaysiisay saxaabada iyo guud ahaanba muslimiinta oo dhan.

Cali Ibnu Abudaalib (Rc) wuu ka adkaaday khawaarijtii, hase ahaatee nin khawaarijta ka tirsanaa oo cadho badan u hayey Cali ibnu Abudaalib (Rc) oo la dhaho Cabdiraxmaan ibnu Muljim ayaa si shirqoola u dilay, wuxuuna Cali Ilaahay haka raali ahaadee shahiiday bishii ramadaan ee sanadkii 40 aad ee Hijriyada.

Geeridii Cali ibnu Abudaalib (Rc) kadib, waxay muslimiintii reer Ciraaq ay doorteen Xasan ibnu Cali (Rc). Xasan Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu la heshiiyey qoladii reer Shaam ee uu hogaaminayey saxaabiga Mucaawiya ibnu Abusufyaan (Rc).

Heshiiskaasi wuxuu dhacay bishii rabiicu al-awwal ee sanadkii 41aad ee Hijriyada, waxaana halkaas ku dhamaaday xurguftii dhex martay muslimiinta, waxaana loo bixiyey sanadkii wadajirka iyo jamaacada.


 

[1] Tirmadi, xadiiska: 2640

[2] Tirmadi, xadiiska: 2641

[3] Saxiix Bukhaari, xadiiska 3988

[4] Xaakim fii almustadrak (3/80)