Tusmo

Hilibka xaaranta ah:

Xaywaanka barriga ku nool ee xaaraanta ah:

  • Xayawaanada bahalada ah ee miciyaha leh, sida libaaxa, shabeelka, harmacadka, yeyga, eyda, dacawada, maroodiga, di’ibka, daanyeerka, bisadaha, iwm. Waxa laga soo reebayaa waraabaha.

 

عن أبي ثعلبة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم نهى عن أكل كل ذي ناب من السباع 

Abu Thaclabah, Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) ”reebay in la cuno bahal kasta oo miciyo leh” [Saxiixu Bukhaari: 5210]

 

Dhanka kale cunida hilbka waraabuhu waa xalaal, waxaana u daliila:

عَنْ ابْنِ أَبِي عَمَّارٍ قَالَ : قُلْتُ لِجَابِرٍ : الضَّبُعُ أَصَيْدٌ هِيَ ؟ قَالَ : نَعَمْ . قُلْتُ : آكُلُهَا ؟ قَالَ : نَعَمْ . قَالَ قُلْتُ : أَقَالَهُ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ؟ قَالَ : نَعَمْ . رواه الترمذي (851) وصححه الألباني في “إرواء الغليل” (2494) .

Ibnu Abi Camaara waxa laga wariyey inuu dhahay: Waxaan Jaabir ku waydiiyey: Waraabuhu ma ugaadhbaa? Wuxuu yidhi: Haa. Waxaan dhahay: mala cuni karaa? Wuxuu yidhi: Haa. Waxaan idhi: ma rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa sidaas dhahay? Wuxuu yidhi: Haa. [Tirmadi: 851]

Sababtuna waxa weeye in waraabuhu aanu lamid ahayn bahalada kale iyo isagoo inta badan aan soo weerarin Ibnu Aadamka.

 

  • Dhammaan xayawaanada sunta leh, sida abeesooyinka, masaska, dib-qaloocyada, goodaada iwm:

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال ….ومن تحسى سما فقتل نفسه فسمه في يده يتحساه في نار جهنم خالدا مخلدا فيها أبدا

Abu hurayra, Ilaahay raali haka ahaadee, waxa laga wariyey inuu ka wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”Qofka cuna sun ee naftiisa dila, suntiisa ayuu gacanta ku sitaa isagoo ku dhex cabaya naarta Jahannama oo ku waaraya waligii iyo abidkiiba” [Bukhaari: 5442 ]

 

  • Dhamaan xayaawanada najaasada cuna ee dadku karaahiyeysto sida doofaarka, dhiiga, iyo neefka bakhtiyey.

 

 قُل لَّا أَجِدُ فِي مَا أُوحِيَ إِلَيَّ مُحَرَّمًا عَلَىٰ طَاعِمٍ يَطْعَمُهُ إِلَّا أَن يَكُونَ مَيْتَةً أَوْ دَمًا مَّسْفُوحًا أَوْ لَحْمَ خِنزِيرٍ فَإِنَّهُ رِجْسٌ أَوْ فِسْقًا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللَّـهِ بِهِ ۚ

Waxaad Dhahdaa kama helayo waxa laywaxyooday wax ka Reeban Cidda Cuni oon ahayn, Bakhti, Dhiig Butaaci, Hilib Doofaar, Illen waa Nijaase iyo wax Xun oo lagu Gawracay Magaca Eebe waxaan ahayn… [Suuratu Al-ancaam: 145]

 

  • Dhammaan xayawaanada la naco sida Jiirka (dooliga), caanaqubta, iwm:

 {الَّذِينَ يَتَّبِعُونَ الرَّسُولَ النَّبِيَّ الْأُمِّيَّ الَّذِي يَجِدُونَهُ مَكْتُوبًا عِنْدَهُمْ فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنْجِيلِ يَأْمُرُهُمْ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَاهُمْ عَنِ الْمُنْكَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَائِثَ}

”Kuwa raacaya Rasuulka nabiga ah ee ummiga ah, kaasoo ku qoran agtooda tawraadka iyo Injiilkaba, wuxuu farayaa wanaaga wuxuuna ka reebayaa xumaanta, wuxuu u xalaalaynayaa wanaaga (xalaasha), wuxuuna ka xarrimayaa xumaanta (xaaraanta)” [Suuratu Al-acraaf: 157]

 

  • Dameeraha:

عن جابر بن عبد الله أن رسول الله صلى الله عليه وسلم نهى يوم خيبر عن لحوم الحمر الأهلية وأذن في لحوم الخيل

Jaabir ibnu Cabdilaahi waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) ”Reebay maalintii Khaybar hilibka dameeraha, wuxuuna baneeyey hilibka fardaha” [Saxiixu Muslim: 1941 ]

 

  • Xayawaanka ay iska dhalaan laba neef oo kala jinsi ah sida baqasha- waxa iska dhalay dameeraha iyo fardaha.

عن جابر بن عبد الله قال ذبحنا يوم خيبر الخيل والبغال والحمير فنهانا رسول الله صلى الله عليه وسلم عن البغال والحمير ولم ينهنا عن الخيل

Jaabir ibnu Cabdilaahi waxa laga wariyey inuu dhahay: ” Maalintintii Khaybar waxaan gawracnay fardo, baqlo iyo dameero, markaasuu Rasuulkii Ilaahay (scw) naga reebay baqlaha iyo dameeraha, nagamanuu reebin fardaha” [Abudaawuud: 3789]

 

Shinbiraha barriga ku nool ee xaaraanta ah:

  • Shinbir kasta oo leh cidiyo ay ku ugaadhsato sida galaydhka, gorgorka, gorayada.

عَنِ ابْنِ عَبّاسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: نَهَى رَسُولُ الله صلى الله عليه وسلم عَنْ كُلّ ذِي نَابٍ مِنَ السّبَاعِ، وَعَنْ كُلّ ذِي مِخْلَبٍ مِنَ الطّيْرِ. أخرجه مسلم.

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu dhahay: ”Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu reebay ku kasta oo miciyo leh oo bahala iyo ku kasta oo cidiyo leh oo shinbira” [Saxiixu Muslim: 3574 ]

  • Shibir kasta oo la karaahiyeysto cunideeda sida fiidmeerta, ama kuwa lagu nacay inay cunaan bakhtiyada.
  • Shinbiraha xun ee sharcigu faray in la dili karo.

خَمْسٌ فَوَاسِقُ، يُقْتَلْنَ فِي الحَرَمِ: الفَأْرَةُ، وَالعَقْرَبُ، وَالحُدَيَّا، وَالغُرَابُ، وَالكَلْبُ العَقُورُ». متفق عليه.

Shanbaa wax xun ah, laguna dilayaa xaramka: Jiirka (Dooliga), Dib-qalooca, Farogoosatada, Tukaha, iyo eyga dad cunka ah” Bukhaari: 1732  iyo Muslim: 1198 ]

  • Shinbiraha islaamku reebay in la dilo sida hudhudka iyo guuguulaha.

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا قَالَ: إِنَّ النَّبيَّ صلى الله عليه وسلم نَهَى عَنْ قَتْلِ أَرْبَعٍ مِنْ الدَّوَاب النَّمْلَةُ وَالنَّحْلَةُ وَالهُدْهُدُ وَالصُّرَدُ. أخرجه أحمد وأبو داود.

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inu dhahay: Nabiga (scw) ayaa reebay in la dilo afar xayawaan: Qudhaanjada, Shinnida, Hudhudka iyo Guuguulaha. [Sunanu Abudaawuud: 5267 ]

 

 

Cayayaanka ama Xasharaadka

Dhammaan cayayaanka duula ama socda ee nafsada ibnu aadamku diidayso waa xaaraan, sida baranbarada, xaar-walwaalka, injirta, duqsiga, dirxiga iyo kaneecada.

قال الله تعالى: {الَّذِينَ يَتَّبِعُونَ الرَّسُولَ النَّبِيَّ الْأُمِّيَّ الَّذِي يَجِدُونَهُ مَكْتُوبًا عِنْدَهُمْ فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنْجِيلِ يَأْمُرُهُمْ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَاهُمْ عَنِ الْمُنْكَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَائِثَ} [الأعراف: 157].

”Kuwa raacaya Rasuulka nabiga ah ee ummiga ah, kaasoo ku qoran agtooda tawraadka iyo Injiilkaba, wuxuu farayaa wanaaga, wuxuu ka reebayaa xumaanta, wuxuu u xalaalaynayaa wanaaga, wuxuuna ka xarrimayaa xumaanta (xaaraanta)” [Suuratu Al-acraaf: 157]