Meere lagu sheegay inuu halis badanyahay ayaa 29 ka bisha April usoo dhowaanaya Dhulkeena, hase ahaatee wax dhibaato ah uma gaysan doono Dhulka sida ay sheegtay haayada hawada sare ee Maraykanka marka lasoo gaabiyana loo yaqaano NASA.

Meerahan oo loo yaqaano OR2 1998 ayaa usoo dhowaanaya Dhulka 29 ka bisha April ee sanadkan 2020 ka. Dhuux roorka meerahan ayaa lagu qiyaasay 1.8 ilaa 4.1 KM.

Hadii meerahan uu ku dhaco Dhulka wuxuu keeni karaa dhibaato aad u wayn sida ay lagu baahiyay baraha bulshada iyo qaar kamida saxaafada caalamiga ahba. Xaqiiqaduna waxay tahay in meerahani wax dhibaato ah aanu iminka gaysanaynin.

Meerahan marka uu ugu dhowyahay Dhulka waa saacada 12:56 duhurnimo saacada bariga Afrika. Meeraha OR2 1998 wuxuu dhulka u jirsanayaa 6.3 Malyuun oo kilo mitir. Taasoo ka dhigaysa fogaantiisa mid ka fog 16 jeer masaafada dayaxu u jiro caadi ahaan Dhulka.

Meerahan ma usoo dhwaan doono Dhulka ilaa sanadka 2031ka isagoo kasii fogaan doono masaafada uu iminka mari doono, isagoo dhulka ka fogaanaya masaafo dhan 19 malyuun oo kilo mitir, sida ay sheegta haayada hawada sare ee Nasa.

Haayada Nasa ayaa ku hawlan sidee loo heli lahaa qaab lagu fogayn karo meerayaasha khatarta badan ee Dhulka kusoo dhowaanaya kahor intaanay Dhulka kusoo kor dhicin.

Ilaa iyo iminka waxa la ogaaday 25000 oo meere kuwaasoo la rumaysan yahay inay wareegaan meel u dhow Dhulka.

Sida lagu faafiyay baraha bulshadu ku kulanto iyo warbaahinta madaxa banaanba waxa meerahan laga dhigay mid Dhulka kusoo dhacaya 29 ka bisha April oo Qiyaamaduna ay dhacayso, dadka dhulka korkooda saarana ay dabar go’idoonaan sidii ay u dabar go’een Diinaasoorkii.

Si kastaba ha ahaatee, majiro aadame saadaalin kara maalinta Qayaamadu dhacayso. Ilaahay Quraankiisa wuxuu ku yiri:

يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا ۖ قُلْ إِنَّمَا عِلْمُهَا عِندَ رَبِّي ۖ لَا يُجَلِّيهَا لِوَقْتِهَا إِلَّا هُوَ ۚ ثَقُلَتْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ لَا تَأْتِيكُمْ إِلَّا بَغْتَةً ۗ يَسْأَلُونَكَ كَأَنَّكَ حَفِيٌّ عَنْهَا ۖ قُلْ إِنَّمَا عِلْمُهَا عِندَ اللَّـهِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ ﴿١٨٧﴾

Waxay ku waydiinayaa saacada (Qayaame) goorta ay dhacayso, waxaad dhahdaa cilmigeedu waa Rabbigay agtiisa, mana u muujinayo waqtigeeda isaga mooyee, waxay ku cuslaatay samooyinka iyo dhulka, mana idiin imanayso ayadoo kado ah mooyee, waxay kuu waydiinayaan sidee aad ogtahay, waxaad dhahdaa cilmigeedu waa Ilaahay agtiisa hase ahaatee dad badan ma oga [187] [1]

[1] Suuratu Al-acraaf [187]

Xigasho:

https://www.space.com/asteroid-1998-or2-earth-flyby-april-2020.html