Nabigeena Muxamed (scw) waxa lagu aasay gurigii Caasha ilaahay raali haka ahaadee, sanadkii 11aad ee hijriyada sidoo kale labadiisii saxaabi ee Abubakar iyo Cumarna waxa lagu aasay ayagana isla gurigii Caasha (Rc).

Dad badan ayaa ka been sheega qaabka ay xabaasha nabigu u eegtahay, ayagoo sawiro beena oo ay ku qorantahay “waa xabaashii rasuulka” ku faafiya baraha bulshadu ku kulanto. Dad badan oo aan aqoon u lahayna way rumaystaan ama way iibsadaan sawirradaas, kadibna waxay sudhaan guryahooda iyo xafiisyadooda.

Maqaalkan waxaan idiinku soo bandhigayaa qaabka xabaasha rasuulku (scw) ay u eegtahay iyo marxaladahii ay soo martay, anigoo sawirro iyo khariidado adeegsan doona. Sawirrada qaar ayaa xaqiiqo ah oo dhowaan dawlada Sacuudigu baahisay, qaarna waa sawir gacmeed inuu fudaydinaya inaan fahanno qaab dhismeedka xabaasha rasuulka (scw).

Ugu horreyn waxaan idinla wadaagayaa qaar kamida sawirrada beenta ah ee lagu tilmaamay inay yihiin qabrigii Rasuulka (scw).

Xabaashan waxa dusha ka saaran cimaamad, waxayna ku tilmaameen inay tahay xabaashii rasuulka. Run ahaantii xabaashani waxay ku taala dalka Turkiga, waana xabaashii Jalaalu Diin Arruumi.

Sawirkana sida ka muuqata waxay ku tilmaameen inay tahay xabaashii rasuulka (scw). Waana been cad sababtoo ah majiro cid sawir kasoo qaaday xabaasha rasuulka (scw).

Tusmo

Marxaladihii ay soo martay Xabaasha Rasuulka (scw):

Sida aan ogsoonay nabiga (scw) iyo labadiisii saaxiib ee Abubakar iyo Cumar Ilaahay raali haka ahaadee,  waxa lagu aasay qolkii Caasha (Rc). Guriga Caashana wuxuu u dhowaa ama ku dhagsanaa masajidka nabiga (scw), sidaa darteed mar kasta oo la wayneeyo masaajidka waxay saamayn ku yeelanaysay xabaasha rasuulka (scw).

Sawirkani waa sawir gacmeed ina tusaya qolkii Caasha (Rc) oo u dhow masaajidka nabiga iyo sadexdii xabaalood ee ku aasna qolka Caasha.

Khariidadan waxa ka muuqda sadex xabaalood [midabka cagaaran] oo ku dhex yaala qol afar geesa oo midabkiisu yahay buluuga. Midabka buluuga ah waa darbigii ama gidaarkii gurigii Caasha (Rc), kadibna waxa Cumar ibnu Cabdicasiis oo amiir ka ahaa magaalada Madiina sanadkii 88aad ee hijriyada uu dib u dhisay xabaasha rasuulka (scw).

Sidoo kale wuxuu dhisay gidaar shan geesooda oo ku xaydaaran darbigii qolkii Caashaa (Rc). Sababta shan geesoodka looga dhigayna waa si aanu ugu ekaanin kacbada sharafta leh oo markaa dadku u dawaafin.  Dusha sare waxa la saaray loox, balse xilligii Mamaalikta waxa lagu badalay koofiyad la nashkhadeeyey, kaaofiyadaas waxa iminka ka sareeya koofiyadan cagaaran.

Dabcan dhinaca sare waxa ka muuqda qolkii Faadima bintu Muxamed (Rc), waxa qolkaas lagasoo galaa albaabka loo yaqaano alabaabkii Faadima oo ku yaala dhinaca waqooyi bari.

Gidaarka shan geesoodka ah waxa ka sokeeya daah midabkiisu cagaarn yahay oo lagu tolay magaalada Makkah. Waxa sidoo kale lagu xayndaabay shabag, waana ka dadku soo istaagaan oo ay ka salaamaan rasuulka (scw), abubakar iyo cumarba.

Sanadku markuu ahaa 881 kii  hijriyada waxa culumadii iyo madaxdii reer Madiina arkeen in gidaarku dillaac sameeyey sidaa darteed waxay ku qasabanaadeen inay furaan xabaasha oo hoos kasoo dhisaan. Dadkii galay xabaasha waxa kamid ahaa sheekha qoray kitaabka (وفاء الوفاء) ee magiciisa la dhaho Nuuradii binu Cali Assamhuudi.

Sheekh Samhuudi oo ahaa ninkii ugu danbeeyey ee arkay xabaasha rasuulka (swc) wuxuu sheegay sadex arrimood:

  1. Qolka nabiga iyo labadiisa saaxiib ku aasanyihiin malaha albaab iyo daaqad toona.
  2. Dhulka qolku waa ciid aan boodh lahayn.
  3. Way adagtahay in la arko xabaalihii.

Sababtuna waxa weeye waqtiga kasoo wareegay ayaa ka badnaa 700 oo sanadood, sidaa darteed dhulku hoos ayuu u dhacayaa. Sidoo kale cid gali kartaa majirto xabaasha sababtoo ah laba gidaar ayaa ka sokeeya, dusha sarena laba koofiyadood ayaa ka saaran.

Xataa marka dadka boqorrada iyo madaxda loo furo albaabka Faadima oo ay ka gudbaan shabaga ma arki karaan xabaasha rasuulka (scw) maadaama ay ka sokeeyaan daaha cagaaran iyo laba gidaar oo mid shan geesood yahay iyo gidaar afar geesooda.

Ilaahay (swt) ayaa ilaaliyey xabaasha rasuulka (scw) siduu u ilaaliyey markii uu noolaaba, sidoo kale Ilaahay wuu ka aqbakay ducadii rasuulka ee ahayd:

“اللهم لا تجعل قبري وثنا ، لعن الله قوما اتخذوا قبور أنبيائهم مساجد” . رواه الإمام أحمد في ” المسند ” (12/314)

“Ilaahow qabrigayga haka yeelin sanam, Ilaahay naxariista haka fogeeyo qoom ka dhigta xabaalaha nabiyadooda masaajido”

Hadii maanta si toosa loo arki lahaa xabaasha rasuulka (scw) waxa dhici lahayd fitno iyo in dadku isku dilaan sidii ay u taaban lahaayeen ama ciida xabaasha u qaadan lahaayeen. Subxaana Allah, si waxaasoo dhan looga hortago wuxuu Ilaahay waafajiyey madaxdii iyo culumadii ku hawlanayd daryeelka masaajikda nabiga (scw) in xabaashiisana lagu xayndaabo intaasoo darbi.