Waxa jiray nin wasiir u ahaa dawladii Mucatsim ee Cabaasiyiinta, wuxuuna ahaa nin xaasida. Maalintii danbe ayuu Khalifkii oo Muctasim ahaa wuxuu marti qaaday nin waayeela. Markuu wasiirkii ogaaday in odaygan la marti qaaday ayuu ku fakaray sidee baad ninka martida ah iyo madaxweynaha isugu diri kartaa.

Dabadeedna wasiirkii ayaa ninkii martida ahaa u yeedhay, wuxuuna ka dhargiyey cunto ay ka buuxdo basal iyo toon, markaasuu ku dhahay: Hadhow, markaad khaliifka u tagto afkaaga marada saar si khaliifku aanu u ursanin afkaaga toontu kasoo urayso. Ninkii martida ahaa ayaa khaliifkii u galay, wuxuuna afka saaratay go’iisii, kadibna wuu baxay.

Wasiirkii ayaa u tagay khaliifkii oo ku dhahay: “Mudane, ma ogtahay ninkan martida kuu ahaa inuu sanka kaa qabsanayey, wuxuu dadka oo dhan ugu sheekeeyey in khaliifka afkiisu urayo”

Khaliifkii ayaa cadhooday, wuxuuna u yeedhay ninkii martida ahaa, wuxuu siiyey warqad ay ku qorantahay “Ninka warqadan sita madaxa halaga jaro” Ninkii martida ahaa ayaa warqadii qaatay, isagoo u malaynaya in warqada loogu qoray hadyad la siinayo.

Wasiirkiibaa arkay ninkii oo warqad sita, markaasuu ku dhahay: “Warqadan aad sidato ii dhiib anigaa kaasii gudbinayee” Ninkiina warqadii ayuu u dhiibay.

Wasiirkii oo warqadii sita ayaa ula tagay ninkii dadka madaxa ka goyn jiray, kiina warqadii ayuu akhriyey wuxuuna unuunka ka jaray wasiirkii xaasidka ahaa. ?

Warkii ayaa gaadhay khaliifkii, markaasuu dhahay: “Xaasidnimadu wasiirkii ayey ka bilaabantay, waxayna galaafatay naftiisii.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “God dheer ha qodin, hadaad qodana, ha dheerayn ku dhici doontee mooyee.” Xumaantii uu maleegay, ayaa isagii galaafatay. subxaanaAllah.