Tusmo

Waa kuma ninkii cilmiga lahaa ee soo qaaday Carshigii Balqiis?

Ilaahay (swt) wuxuu Quraankiisa inoogu sheegay in nabi Sulaymaan (cs) la siiyey awood iyo bqortooyo aan u cuntamin cid isaga kahoreysay iyo cid isaga ka danabysay toona. Waxa mucjisooyinkiisii kamid ahaa inuu fahmi jiray codka shinbiraha iyo qudhaanjada.

Maalin ayuu hudhudkii nabi Suleymaan wuxuu arkay gabadha la dhaho Balqiisa oo madax ka ahayd boqortooyadii Saba’, kadibna hudhudkii ayaa warkii u sheegay nabi Suleymaan. Nabi Suleymaana warqad ayuu u diray reer Saba’, wuxuuna ugu baaqay inay isalaamaan, hase ahaatee gabadhii Balqiisa ayaa hadyad usoo diraty nabi Suleymaan (csw), hadyadaan oo ay ku imtixaamaysay inuu aduunyo doon yahay iyo inuu aakhiro u shaqaysanayo.

Nabi Suleymaan, hadyadii wuu diiday waanu ka cadhooday, wuxuuna faray inay yimaadaan ayagoo islaamay, hadii kalena uu gabigoodaba cagta marinayo.

Maalintii danbe nabi Suleymaan (csw) ayaa isugu yeedhay ciidankiisii oo ka koobnaa Jinni iyo insiba. Wuxuna waydiiyey: kiineebaa ii keenaya, carshiga Balqiisa kahor intaanay imanin ayagoo muslimiina?

قَالَ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَيُّكُمْ يَأْتِينِي بِعَرْشِهَا قَبْلَ أَن يَأْتُونِي مُسْلِمِينَ

Wuxuu dhahay kooxeey kiineeba ii keenaya carshigeeda kahor intaanay ii imanin ayagoo muslimiina (38). [Namli:38]

Waxa hadlay Cifriit oo kamid ahaa jinka, wuxuuna dhahay: anigaa kuu keenay intaanad ka kicin goobtaadaa. Waxay culmada tafsiirku dhaheen: nabi Suleymaan wuxuu lahaa goob uu fadhiisto subaxii, ilaa duhurka. Markaa cifriit wuxuu yidhi: mudada aad galahaaga fadhidu oo dhawr saacadood gudahooda ayaan kuugu keenayaa carshigii Balqiis (Kursigeedii).

قَالَ عِفْرِيتٌ مِّنَ الْجِنِّ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَ ۖ وَإِنِّي عَلَيْهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٌ ﴿٣٩

Wuxuu yidhi Cifriit oo jinka kamid ahaa, anigaa kuu keenaya kahor intaanad ka kicin booskaaga, aniguna waxaan ahay xoog badane aamina. (39)

Nabi Suleymaan wuxuu joogay magaalada Qudus, carshiga Balqiisna wuxuu yaalay Yemen magaalada Sanca. Hadii aynu xisaabino masaafada ay isu jiraan Qudus iyo Sanca, waxa inoo soo baxaya 2040 km. Cifriit oo jinka kamid ah kuwa ugu xooga wayn, sidoo kalena gaal ah wuxuu u soconayaa masaafadaas dhawr saacadood.

Hadii aynu nidhaahno, nabi Suleymaan (scw) wuxuu golihiisa fadhiisan jiray todobada subaxnimo 07:00 Am, wuxuuna ka kici jiray 12:00 Am, kolkaas nabi Suleymaan wuxuu goobtaas fadhiyi jiray 5 saacadood. Cifriitna wuxuu carshiga Balqiis keenaya kahor intaanu booskiiska ka kicin, yacnii- kahor saacada 12:00. Sidaas awgeed Cifriit inuu carshiga soo qaado, waxay ku qaadanaysaa dhawr saacadood.

Ogsoonawna, xilligii nabi Suleymaan (scw) may jirin diyaaradu iyo baabuur toona, markaa Cifriit xawaare cajiiba ayuu ku soconayey.

Maanta, xawaarihii Cifriit ku soconayey waxa ku socda diyaaradaha, oo ibnu aadamku way gaadheen xawaarahaas. Tusaale: Diyaarada aduunka ugu dheeraysay, waxay saacadii jartaa 7200 km/h. Hadii aynu raacno diyaaradaas, oo aynu ka duulno Qudus, waxay ku soconaynaa xawaarahaas 7200 km/h. Hadaba waxaan xisaabinayna mudo intee la eeg ayey inagu qaadanaysaa inaan Sana’a ku gaadhno.

Waxaynu haysanaa xawaaraha diyaarada oo ah 7200 km/h sidoo kale waxaynu haysanaa masaafada ay isu jiraan Qudus iyo Sana’a oo ah 2040 km, waxa inaga maqan waqtigii. Waqtigana waxa lagu helaa qaacidadan, Time=Distance/Speed. Waqtiga waxa lagu helaa masaafada oo loo qaybiyo xawaaraha:

T: 2040km/7200kmh=0,28h

Waxay inagu qaadanaysaa 16 daqiiqadood iyo 54 ilbidhiqsi, markaa waxaynu u gaynaynaa soo socodka oo ah 16 daqiiqadood iyo 54 ilbishiqsi, waxa inoo soo baxaya 33,08. Safarka oo dhan waxay inagu qaadatay 33 daqiiqadood. Tasoo macnaheedu tahay in ibnu aadamku ay gaadheen xawaarihii uu ku soconayey Cifriit.

Xawaarihii Cifriit ku soconayey waxa nabi Suleymaan u arkay inuu gaabis yahay, kadibna waxa hadlay nin Ilaahay cilmi siiyey wuxuuna dhahay anigaa kuu keenaya mudo hal ilbidhiqsi gudaheed.

 قَالَ الَّذِي عِندَهُ عِلْمٌ مِّنَ الْكِتَابِ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَن يَرْتَدَّ إِلَيْكَ طَرْفُكَ ۚ ..

Wuxuu yidhi kii cilimga kitaabka u lahaa, anigaa kuu keenaaya (carshiga) kahor intaanad isku qabanin ishaada (hal il bidhiqsi). [Naml:40]

Ninka cilmiga leh waa kuma?

Ninka cilmiga leh, waa la isku khilaafay qofkuu yahay. Culumada tafsiirka badankoodu waxay dhaheen: wuxuu ahaa nin wanaagsan oo kamid ahaa culumadii reer banu Israa’iil, magiciisana la dhaho Aasif ibnu Barkhiyaa, wuxuuna yaqaanay magaca Ilaahay ee wayn, oo hadii wax lagu baryo uu Ilaahay (swt) aqbalayo. Markaa Ilaahay ayuu baryey, sidaasbaanu Ilaahay ku aqbalay ducadiisii, waxaana hal ilbidhiqsi gudaheeda hor yimid nabi Suleymaan carshigii Balqiisa.

Qolo kale waxay dhaheen: ninkaasi wuxuu ahaa jinni cilmi iyo aqoonba leh, laakiin fikirkan aadbuu u fogyahay, sababtoo ah cifriit oo jinni ahba waa la sheegay, waxaana aayada laga dhex dareemayaa inuu yahay insi.

Qolo kale waxay dhaheen: ninkaasi waa malaku Jibriil

Qolo kale waxay dhaheen: ninkaasi wuxuu ahaa nabi Suleymaan laftigiisa oo wuxuu tijaabinayey ciidamadiisa, wuxuuna rabay inuu tuso awooda Ilaahay siiye.

Aragtiyooyinkaas oo dhan maaha mid nabigeena (scw) ka sugan ee waa dadaalka culumada, waxayna naftaydu ku xasishay in ninkaasi ahaa nabi Suleymaan (cs), sababtoo ah hadii cid ogtahay magaca Ilaahay ee wayn waa nabi Suleymaan oo isaga Ilaahay ayaa u waxyoonaya. Halka Aasif ibnu Barkhiya aanu ka ahayn nabi, markaa siduu ku bartay magaca Ilaahay ee wayn? Waxa qasab ah in nabigiisu baray oo ah nabi Suleymaan (csw). Waxa kaliya lagasoo reebayaa in la dhaho Aasif nabi ayuu ahaa, taasna way fogtahay, sababtoo ah daliil malaha.

Gabagabadii:

Ninka cilmiga kitaabka uleh waa nabi Suleymaan, waana ibnu aadam, taasna waxaynu ka fahmaynaa inay suurtagal tahay in ibnu aadamku hadii ay aqoon u yeeshaan kitaabkan wayn ee Quraanka, inay gaadhi karaan inay alaabooyinka isugu gudbiyaan mudo hal ilbidhiqsi ah. Wallahu acla

Waxa Diyaariyey soona jeedinay Sh Abdulaziz Mohamed Oogle