Bismillaah:

Tusmo

Dhacdada 1 aad:

Sida lagu xusay kitaabka (مفيد العباد سواء العاكف فيه والبادي) ee uu qoray Sheekh Axmed Bashiir, isagoo kasoo xiganaya kitaabka (Wafaa’il wafaa’ fii fii akhbaari daari almustafa, li sheekh Samhuudi) wuxuu ku dhahay bogga 627-628:

” Waqtigii uu xukunka hayey boqorkii caadilka ahaa ee Nuuradiin ee sanadkii 557 kii hijriyada, ayaa wuxuu ku riyooday Nabi Muxmaed (scw) oo ku leh: labadaas nin ka badbaadi xaramka Madiina, isagoo u sheegayna labada nin tilmaamahooda, kadibna Nuuradiin huradii ayuu ka kacay, waanu waysaystay oo uu tukaday, hadana isla riyadii ayuu arakay. Kolkuu sadex jeer arkay riyadaas ayuu yimid magaalada Madiina isago ay la socdaan qaar kamid ahaa ciidankiisii.

Dabadeedna magaalada Madiina dadkii daganaa ayuu siiyey mushaharkoodii, manuusan arkin labadii nin ee sifooyinkooda loo tilmaamay, markaasuu dadkii waydiiyey: Ma jiraan cid kale oo magaalada dagan oo aan halkan joogin? Waxayna dhaheen: waxa jira laba nin oo ka yimid Maqrib oo maalqabeen ah, sidoo kalena khayr badan lagu tuhmayo oo had iyo jeer siyaarta meelaha muqadaska ah sida qabriga nabiga (scw). Wuxuu yidhi Nuuradiin: iigu yeedha labada nin, waana loogu yeedhay, wuxuuna ku arkay sifooynkii loogu tilmaamay riyadii, kadibna guryahoodii ayuu baadhay, waana laga waayey wax lagu tuhmaba.

Hadana baadhitaan xeel dheer ayaa la sameeyey, waxaana la arkay god dhulka hoostiisa ah, oo laga qoday xabaasha nabiga agteeda, kana soo bilaabmaya gurigii labadaas nin!!  Dabadeedna labadii nin waa la ciqaabay, waxayna ugu danbayn qirteen inay ahaayeen laba calooshooda u shaqaystayaal ah oo reer Yurubku usoo direen si ay usoo qaadaan jidhka nabiga sharafta leh, kadibna Nuuradiin waa laayey labadii nin waanu gubay, sidaasbanu Ilaahay ku badbaadiyey xabaasha nabigiisa Muxamed (scw).

Dhacdada 2 aad:

Dhanka kale Xaamikii Cubaydiyiinte ee ka talinayey Masar sanadkii 652 kii hijriyada ayaa kuwo Zanaadiqo ah ay fareen inuu soo qaado jdhka nabiga, kadibna uu guri uga dhiso dalka Masar. Xaakimkiina wuu soo dhoweeyey aragtidoodii oo wuxuu u diyaariyey qasri wayn oo lagu qaabilayo jidhka daahirka ah ee nabi Muxamed (scw).

Kadibna Xaakimkii ayaa soo diray ciidamo uu hogaaminayo nin loogu yeedho AbuAlfatxi si loo soo qaado jidhka nabiga (scw). Isla markay soo gaadheen Masaajidka Nabiga, ayey dadkii ku kaceen, ayadoo ay ka dhex dhalatay buuq iyo sawaxan.  Dabadeedna Ilaahay ayaa keenay dabayl daran oo laysay badankoodii, sidoo kalena xanbaaratay geeloodii iyo fardahoodiiba.

Dhacdada 3 aad:

Waxa sidoo kale la sheegaa in dad shiico ah oo daganaa magaalada Xalab ay damceen in qabriga laga soo faago labada saxaabi ee Abubakar iyo Cumar (I.R.H). Dabadeedna waxay laaluusheen amiirkii magaalada Madiina, isagoo u ogolaaday in ciidankaasi yimaado Madiina oo ay qodaan xabaalahaas. Amiirkii laaluushka qaatay ayaa wuxuu faray wadaadkii qabriga ilaalinayey inuu albaabada habeenkii ka furo raga u imanaya, ninkii miskiinka ahaa wuxuu baryey Ilaahay, inuu Allah daryeelo xabaasha nabiga iyo labadiisii saxaabiba.

Kolkii la gaadhay habeenkii ayaa Afartan nin ay yimaadeen goobtii Masaajidka, ayagoo sita mandaraqyo iyo majarafadu wax lagu qodo, dabadeedna albaakii ayuu furay Wadaadkii. Hase ahaatee, intaanay afartankii nin gaadhinba minbarkii Rasuulka ayaa dhulku la go’ay, ayaga iyo alaabtoodiiba.  Wadaadkii ayaa warkii u sheegay amiirkii Madiina, markaasu yidhi: hadaad warkaa ka warranto waxaad waayi naftaada. Ninkii amiirka ahaa kolkuu geeriyooday ayuu wadaadkii ka warramay musiibadii haleeshay shiicadaas.


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: