Tusmo

Tafsiirka Suurada Qureesh:

Suuratu Qureesh waa suurada 106 aad ee tartiibta suuradaha Quraanka, waa suurad kusoo dagtay magaalada Makkah, waxay ka koobantahay 4 aayadood, 19 kalimood iyo 73 xuruuf. Suuradan waxay ka waramaysaa nicmada uu Alle ku galladaystay qabiilkii reer Qureesh sida baladka aaminka ah iyo ladnaanta.

لِإِيلَافِ قُرَيْشٍ ﴿١

“Li’ iilaafi Qureysh”

Li’ iilaafi Qureysh: (la cajaba) isku duubnida Qreysh.

إِيلَافِهِمْ رِحْلَةَ الشِّتَاءِ وَالصَّيْفِ ﴿٢

“Iilaafihim rixlata ashitaa’i wassayf”

Iilaafihim rixlata ashitaa’i wassayf: Iskuduubnidooda safarka jiilaalka iyo xagaaga.

فَلْيَعْبُدُوا رَبَّ هَـٰذَا الْبَيْتِ ﴿٣

“Falyacbuduu Rabba haada albayt”

Falyacbuduu Rabba haada albayt: Ha caabudeen Rabbiga Baytkan (Masjidka Xaramka).

الَّذِي أَطْعَمَهُم مِّن جُوعٍ وَآمَنَهُم مِّنْ خَوْفٍ ﴿٤

“Alladii adcamahum min juucin wa aamanahum min khawf”

Alladii adcamahum min juucin wa aamanahum min khawf: Rabbigaasoo ka quudiyey gaajo kana nabadgaliyey cabsi.

 

Macnaha guud ee Suurada:

Suuradan Ilaahay wuxuu kaga hadlayaa nicmooyinka Ilaahay ku manaystay reer Qureesheed, ayadoo loogu deeqay balad aamin ah ayadoo hareerahooda la isku laynayo ama nabadgalyo aanay ka jirin. Sidoo kale maadaama ay daganyihiin baladaka xurmaysan ee Makkah, waxa dadku ku eegayeen il naxariiseed oo xoolahooda iyo hantidooda lama dhacaynin, xitaa markay safraan safarka jiilaalka oo ay qaban jireen Yemen halka xagaagana ay ka tagi jireen dhulka shaam. Hadaba Ilaahii ku manaystay nicmooyinkaas waa inay caabudaan, oo u gaaryeelaan cibaadada isaga kaligii.