Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alcaadiyaat:

Suurada Alcaadiyaat waa suurada 100 aad ee tartiibta suuradaha Quraanka, waana suurad kusoo dagtay magaalada Makkah, waxayna ka koobantahay 11 aayadood, 44 kalimadood iyo 164 xuruufood.

Fasirka macnaha aayadaha Suurada:

ูˆูŽุงู„ู’ุนูŽุงุฏููŠูŽุงุชู ุถูŽุจู’ุญู‹ุงย ๏ดฟูก๏ดพ

“Wal caadiyaati Dabxaa”

Wal caadiyaati Dabxaa: Wuxuu Alle ku dhaartay fardaha dheereeya ee hiinraaga (Fardaha markay ordaan neef tuura ee hiinraaga).

ููŽุงู„ู’ู…ููˆุฑููŠูŽุงุชู ู‚ูŽุฏู’ุญู‹ุงย ๏ดฟูข๏ดพ

“Fal muuriyaati Qadxaa”

Fal muuriyaati Qadxaa: Iyo fardaha qoobabkooda ku dhacaan dhagxaanta ee dabku uu ka dhasho (Fardaha markay ordaan ee dhagaxaanta ay ku dhacdo lugahoodu waxa ka dhasah dab iyo ilays, kuwaasna Ilaahay waa ku dhaartay)

ููŽุงู„ู’ู…ูุบููŠุฑูŽุงุชู ุตูุจู’ุญู‹ุง๏ดฟูฃ๏ดพ

“Fal muqiiraati Subxaa”

Fal muqiiraati Subxaa: Iyo fardaha duula waabariga (Fardaha lagu dagaalamo subxii)

ููŽุฃูŽุซูŽุฑู’ู†ูŽ ุจูู‡ู ู†ูŽู‚ู’ุนู‹ุงย ๏ดฟูค๏ดพ

“Fa ‘atharna bihii naqcaa”

Fa ‘atharna bihii naqcaa: Ee kiciya boodhka (waa fardaha kiciya boodhka iyo dabaysha markay duulayaan.)

ููŽูˆูŽุณูŽุทู’ู†ูŽ ุจูู‡ู ุฌูŽู…ู’ุนู‹ุงย ๏ดฟูฅ๏ดพ

“Fa wasdana bihii Jamcaa”

Fa wasdana bihii Jamcaa: Fardaha dhex gala Cadowga. (Fardaha isku dhex tuura goobaha dagaalka).

ุฅูู†ู‘ูŽ ุงู„ู’ุฅูู†ุณูŽุงู†ูŽ ู„ูุฑูŽุจูู‘ู‡ู ู„ูŽูƒูŽู†ููˆุฏูŒย ๏ดฟูฆ๏ดพ

” Inna al’insaana li rabbihii la kanuud”

Inna al’insaana li rabbihii la kanuud: Dhab ahaantii Insaanku Rabbigii wuu diiday (Insaanku Rabbigii ayuu nicmadiisa ka gaaloobay).

ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽู‡ู ุนูŽู„ูŽู‰ูฐ ุฐูŽูฐู„ููƒูŽ ู„ูŽุดูŽู‡ููŠุฏูŒย ๏ดฟูง๏ดพ

“Wa innahuu calaa daalika la shahiid”

Wa innahuu calaa daalika la shahiid: Dhab ahaantii Isaguna arrintaas maragbuu ka yahay (Insaanku inuu nicmooyinka Rabbigiis ku gaaloobay ama uu diiday inuu ka mahad celiyo markhaati ayuu ku yahay arrintaas)

ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽู‡ู ู„ูุญูุจูู‘ ุงู„ู’ุฎูŽูŠู’ุฑู ู„ูŽุดูŽุฏููŠุฏูŒ๏ดฟูจ๏ดพ

“Wa innahuu li xubbil khayri la shadiid”

Wa innahuu li xubbil khayri la shadiid: Dhab ahaantii Isagu (Insaanku) wuxuu lacagta u jecelyahay si daran (Insaanku xoolaha aadbuu u jecelyahay).

ย ุฃูŽููŽู„ูŽุง ูŠูŽุนู’ู„ูŽู…ู ุฅูุฐูŽุง ุจูุนู’ุซูุฑูŽ ู…ูŽุง ูููŠ ุงู„ู’ู‚ูุจููˆุฑูย ๏ดฟูฉ๏ดพ

“Aafalaa yaclamu idaa bucthira maafil qubuur”

Aafalaa yaclamu idaa bucthira maafil qubuur: Miyaanu ogayn marka lasoo bixinayo waxa xabaalaha ku jira (Marka dadka lasoo bixinayo Aakhiro)

ูˆูŽุญูุตูู‘ู„ูŽ ู…ูŽุง ูููŠ ุงู„ุตู‘ูุฏููˆุฑูย ๏ดฟูกู ๏ดพ

“Wa xussila maafil assuduur”

Wa xussila maafil assuduur: Lana muujiyo waxa ku jira laabaha (Markaas ayaa Rabbi muujinaya waxa laabaha ku jira oo ah Qalbiga waxa ku jira)

ุฅูู†ู‘ูŽ ุฑูŽุจู‘ูŽู‡ูู… ุจูู‡ูู…ู’ ูŠูŽูˆู’ู…ูŽุฆูุฐู ู„ู‘ูŽุฎูŽุจููŠุฑูŒย ๏ดฟูกูก๏ดพ

“Inna Rabbahum bihim yawma’idin la khabiir”

Inna Rabbahum bihim yawma’idin la khabiir: Dhab ahaantii Rabbigood ayaa ayaga maalintaa og camaladooda (Wax ka qarsoon majiro Rabbigaa).

Macnaha guud ee Suurada iyo xidhiidhka ka dhexeeye aayadaha:

Ilaahay wuxuu ku dhaartay Fardaha orda ee neefta tuuraya ama hiinraagaya, fardahaas oo marka ay ordayaan cagahooda ku dhufanaya dhagxaanta kadibna ay ka dhalanayso xaraarad iyo dab, kuwaas oo duula subaxa waabariga oo hareerahoodana boodh ka kacayo kadibna isku dhex tuura ciidanka colka ah ee goobta dagaalka jooga, markuu Ilaahay fardahaas ku dhaartay ayuu dhahay Insaanku dhab ahaantii waa mid ka madax adax inuu Rabbigii uga mahad celiyo nicmooyinkiisa. Xidhiidhka aayadaha ka dhexeeyaana waxa weeye hadii Insaanku caqli leeyahay bal ha u fiirsado fardahan markii la siiyey cunto iyo cabitaan kadibna la layliyey ayey adeeceen fardafuulihii saarnaa illamaa ay ka geeyeen goobtii ugu qadhaadhayd ee lagu dhimanayey isagoo aqbalaya fardafuulaha amarkiisa, hadii faraskii cunto iyo cabitaan la siiyey uu adeecay fardafuulihii maxaa insaanku u adeeci waayey Ilaahay oo siiyey nicmooyin aan la koobi karayn sidaas awgeed wuxuu Alle dhahay Insaanku waa mid diidan Rabbigiis inuu u mahadceliyo.

Waxa kale oo uu Ilaahay inoo sheegay in Insaanku waliban markhaati ka yahay arrintaas, ama Ilaahay ayaa ayagu markay bakhaylayaan xoolahana marag dushooda ka ah. Sidoo kale wuxuu Alle inoo cadeeyey in bani aadamku aad u jecelyahay khayrka oo looga jeedo hantida iyo xoolaha.

Hadaba ruuxii xoolaha sidaas u jeclaa ee bakhaylayayoow miyaanad ogayn in xabaasha lagaasoo saarayo oo Ilaahay muujinayo wixii qalbiga kuugu jiray isagoo Ilaahayn cilmi u leh camalkaaga iyo waxa ku jira qalbigaagaba.