Tusmo

Tafsiirka Suuratu Al-ikhlaas

Suuratu Al-ikhlaas, waa suurada 112 aad ee tartiibta suuradaha Quraanka Kariimka ah, waxay kusoo dagtay magaalada Makkah, waxay suuradani ka koobantahay 4 aayadood, 17 eray, iyo 47 xaraf. Suuratu Ikhlaas waa mid kamid ah suuradaha fadliga badan kusoo arooray, waxaana la akhriyaa maalintii galinka hore iyo galinka danbebda, sidoo kalena salaad kasta oo faral ah gadaasheed waxa la akhriyaa suuradan iyo labada suuradood ee Alfalaq iyo Alnaas.

Sababtii ay kusoo dagtay Suuratu Al-ikhlaas:

Sida Imaamu Axmed kusoo saaray musnadkiisa, waxa Rasuulka u yimid gaaladii waxayna ku dhaheen: Noo abtiri Ilaahaaga? Markaasuu Allah soo dajiyey Suuratu Al-ikhlaas. [Musnadu Axmed: 5/133]

Fadliga Suuratu Al-ikhlaas:

  • Waxa Imaamu Albukhaari kusoo saaray Saxiixiisa, in Caasha tidhi: “Nabiga ayaa nin ku daray koox duulaysa, wuxuuna ahaa (ninkaasi) mid salaada tujin jiray, isagoo ku gabogabaynaya (Qul huwa Allahu Axad), markii ay soo laabteen ayey saxaabadii u sheegtay nabiga (scw), markaasuu dhahay: “Waydiisa sababtu sidaa u samaynayey” way waydiiyeen, wuxuuna dhahay: Sababtoo ah waa sifooyinka Raxmaanka, aniguna waan jeclahay inaan akhriyo, markaasuu Rasuulku (scw) dhahay; “U sheega inuu Ilaahay jecelyahay” [Saxiix Albukhaari, xadiiska 7375]
  • Riwaayo kale oo isla Imaamu Bukhaari soo aroorinayo waxay tilmaamaysaa in nabigu (scw) ku dhahay ninkaas: “Jacaylka aad uqabto awgeed ayuu Allah jannada kugu galiyey”
  • Waxa Imaamu Bukhaari soo saaray in Rasuulku dhahay: “Waxaan ku dhaartay kay naftaydu gacantiisa ku jirtee, waxay u dhigantaa (suuratu Al-ikhlaas) Quraanka sadex meelood meel ahaan” [Bukhaari: Xadiiska 7374]
  • Waxa Imaamu Axmed soo saaray in Nabigu (scw) dhahay: “Cida akhrida (Qul huwa Allahu axad) ilamaa uu ka dhamaynayo toban jeer, wuxuu Allah uga dhisa Jannada Qasri” [Axmed: 3/437]

Tafsiirka Suurada Al-ikhlaas:

قُلْ هُوَ اللَّـهُ أَحَدٌ ﴿١﴾

“Qul huwa Allahu Axadun”

Qul huwa Allahu Axadun: Waxaad dhahdaa Rasuulkii Ilaahayow, Isagu Ilaahay waa Kali.

Macnaha guud ee aayada: Nabiga (scw) su’aal ayaa la waydiiyey waakuma Ilaahay? Markaas ayuu Alle soo dajiyey suuradan isagoo leh: Waxaad tidhaahdaa Isagu Ilaahay waa Kalidii, macnaha Ilaah kale oo waheliyaa majiro.

اللَّـهُ الصَّمَدُ ﴿٢

“Allahu Assamadu”

Allahu Assamadu: Ilaahay waa ka kaligii lagu tiirsado ee loola qasdiyo inuu fuliyo baahiyooyinka iyo xaajooyinka adoomaha.

Macanaha guud ee aayada: Aayadani waxay ka hadlaysas sifooyinka Ilaahay iyo inuu Alle kaligii yahay cida fulisa baahiyooyinka adoomihiisa, tusaale ahaan Ilaahay marka biyo la’aani jirto waa Allaha keena roobka ee makhluuqaadkiisa ka dulqaada abaarta iwm.

لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ ﴿٣

“Lam yalid walam yuulad”

Lam yalid walam Yuulad: waxna ma dhalin, isagana lama dhalin.

Macnaha guud ee aayada: Ilaahay muu dhalin ubad, isagana lama dhalin oo malaha hooyo, aabe, xaas iyo caruurtoona, waanau ka koreeyaa oo ka sareeyaa sifooyinka makhluuqaadka. Sababtuna waxa weeye Ilaahay wuu ka duwanyahay makhluuqa oo Isagu waa Abuurihii abuuray la abuurayaasha oo ah makhluuqaadka.

وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ﴿٤

“Walam yakun lahuu kufwan axadun”

Walam yakun lahuu kufawan Axadun: malaha laha Ilaahay cid kuf u ah, ama u dhiganta isaga.

Macnaha guud ee aayada: Majrto wax u dhigma Ilaahay oo leh sifooyinkiisaas oo kale.

Macnaha guud ee Suurada: Suuradani waa suurada Ikhlaaska ama kaliyeelida Ilaahay, waana suurada kuu qeexaysa Ilaahay kuu yahay iyo cida aan Ilaahay ahayn.

  • Cid kasta oo Ilaahnimo sheegata waxa laga rabaa inuu yeesho sifooyinkan, hadii aanu lahayn sifooyinkan waa beenaale, kow Ilaahay waa kaligii, hadii bani-aadam sheegto Ilaahnimo, waxa la dhahayaa waxa jira malaayiin qof oo adiga kulamid ah, mana tihid kali ee cid kale ayaad ubaahantahay.
  • Laba, Ilaahay waa ka lagu tiirsanyahay, hadii cid ayadu baahi ay hayso oo ku tiirsan noolaha kale ma noqon karo Ilaahay, tusaale ahaan cuntada bani Aadamku wuu ubaahanyahay waanu ku tiirsanyahay.
  • Sadex, Ilaahay waxna ma dhlin isagana lama dhalin, waa sifada ugu wayn ee lagu kala garanayo makhluuqa iyo khaaliqa, hadii cid la dhalay oo hooyo iyo aabe leh ay sheegato Ilaahnimo, waxaad si dhab ah u garanaysaa beentiisa, maxaa yeelay Ilaahay lama dhalinba.
  • Afar, Ilaahay wax u dhigmaa majiro, ma jiro cid u eeg ama shabahda Ilaahay sifooyinkiisa wanaagsan, waana maqlaha maqla wax kasta, iyo arkaha arka wax walba.