Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alfiil:

Suuratu Alfiil waa suurada 105 aad ee Quraanka, waana suurad kusoo dagtay Makkah, waxay ka koobantahay suuradani 5 aayadood, 24 kalimadood iyo 96 xaraf.

Sababta ay kusoo dagtay:

Suuratu Alfiil waxay ka warramaysaa nicmadii Ilaahay ku manaystay carabtii gaaleed ee Ilaahay ka difaacay cadawgoodii rabay inay burburiyaan Kacbada.

Qisadii Maroodiga iyo Kacbada.

Ninka la dhao Abraha ayaa ahaa madaxii Yaman u matalayey Boqorkii Xabashida, Abrahana wuxuu hore u dilay ninkii Xabashida u fadhiyey Yaman oo la dhaho Arbaad, intaanu Arbaad dhimanina wuxuu Abraha Madaxa kaga dhuftay Seef oo uu Abraha ku beelay Isha iyo Sankaba. Sidaa darteed Abraha wuxuu ahaa nin san la’ oo ilna la’ sidoo kalena gaaban oo madaw.

Kolkuu Abraha ka takhalusay Arbaad ayaa waxa cadhooday boqorkii Xabashida ee uu mataleyey kadibna Abraha ayaa warqad u diray boqorkii Xabashida isagoo leh: Boqoroow, wuxuu Arbaad ahaa Adoonkaagii aniguna waxaan ahay adoonkaagii waanan kuu adeegayaa ee i hawlgali, kolkuu boqorkii Xabashidu raali galin ka helay Abraha ayuu faraha ka qaaday oo uu u magacaabay Waaliga ama madaxa Yaman.

Abraha isagoo raba inuu raali galiyo boqorka Xabashida ayuu wuxuu dhisay Kaniisad wayn oo aan  hore loo arkin waxaanu u bixiyey Kaniisada Quleys oo ku taalay magaalada Sanca. Abraha waxa kale oo uu doonaayey inuu indhaha carabta  ka jeediyo xajka ay usoo xajaan magaalada barakaysan ee Makkah. Carbatii  reer Yaman ee Xabashidu guumaysanayeen markay maqleen in Abraha dhisay Kaniisadan ayey cadhoodoon kadibna nin Carbeed oo cadhaysan ayaa ku gutay xaajadisiisii gudaha Kaniisada.

Abraha ayaa warkii loo sheegay markaasaa giir kakcay oo heerkulkiisiiba sare u kacay, wuxuuna ballan ku qaaday inuu dumiyo Kacbada sharafta leh, markaasu u diray nin agtiisa joogay qabiilka carbeed ee reer bani Kanaana isagoo ugu yeedhaya inay usoo xaj tagaan Kaniisada Qulays, ninkii kolkuu u yimid reer bani Kanaana ayey dileen markaasu Abraha sii cadhooday oo wuxuu diyaariyey ciidankiisii isagoo ku wajahan dhulka barakaysan ee Xaramka.

Carabtii markay maqleen in Abraha doonayo inuu burburiyo Kacbada ayey ka cadhoodeen oo jihaad ayey ku iclaamiyeen, waxa ciidankii Abraha ka hor yimid nin carbeed oo la dhaho Duu-Nafar, wuxuuna soo abaabushay ciidamo reerkiisa ahaa iyo cidii kale oo ah carabtii cadhaysnayd, labadii ciidan way is galeen kadibna waxa la jabiyey ciidankii Duu-Nafar, markaasaa la qafaashay  Duu-Nafar oo Abraha ayaa doonay inuu dilo balse Duu-Nafar ayaa dhahay: Boqoroow, waxa kuu khayr badan inaanad idilin ee iskakay dhaaf! Abrahana waa iska daayey oo muusan dilin.

Abraha iyo ciidankiisii markay marayeen dhulka reer Khathcam ayaa waxa kahor yimid ciidan ka kooban laba qabiil oo Khathcamiyiin ahaa waxaana hogaaminayey Nufayl ibnu Xabiib hase ahaatee Abraha waa la fuqay ciidankii Khathcamiyiinta waxaanu xabsiga dhigay Nufayl wuxuu doonay inuu dilay balse sidii Duu-Nufar oo kale ayuu Nufaylna cudurdaar muujiyey oo dhahay: Boqoroow, waanu ku adeecaynaa aniga iyo labadayada qabiil ee iska kaayo dhaaf!! Abrahana waa iska daayey oo ma dilin Nufayl.

Ciidankii Abraha waxay soo gaadheen magaalada Daa’if waxaana daganaa qabiilka reer Thaqiif oo caabudi jiray sanam wayn oo la dhaho Laata kadibna waxa usoo baxay Abraha madaxii reer Thaqiif oo la dhaho Mascuud ibnu Mactab wuxuuna ku dhahay Abraha: Boqoroow, anaku waxaan haysano maaha Kacbadii ee waa Sanam aanu caabudno waxaanan kugu daraynaa nin ku tuso dhanka Makkah kaa xigto oo garanaya jidka loo maro,  waxayna ku dareen nin la dhaho Aburuqaal markuu Aburuqaal marayey Maqmas ayuu dhintay, xabaashiisuna halkaasbay ku ooli jirtay, carabtuna way dhagxin jireen markay xabaasha Aburuqaal soo maraan oo waxay dhihi jireen:- waa kii colkii Abraha tusay Makkah.

Abraha iyo ciidankiisii markay gaadheen Maqmas ayuu Abraha u diray Makkah ninka la dhaho Aswad ibnu Maqsuud wuxuuna soo dhacay geel ay reer Qureesh lahaayeen, geelaas waxa kamid ahaa laba boqol oo neef oo uu lahaa Cabdulmudalib oo ahaa madaxii reer Qureesh xilligaas. Markaasbay isku dayeen reer Qureesh iyo qabiiladii kale ee daganaa Makkah inay la dagaalamaan Abraha balse waxay ogaadeen inaany haysan tamar ay iskaga dhiciyaan kadibna faraha ayey ka qaadeen Abraha iyo ciidankiisii.

Abrahana wuxuu diray nin kale oo la dhaho Xanaada oo reer ximayari ahaa, wuxuuna Abraha ku dhahay: U tag madaxa reer Qureesh oo u sheeg inaanaan u imanin la dagaalankiina ama inaan dhiig daadino ee waxa kaliya ee aanu u nimid waa inaan dumino Kacbada, kadibna Xanaada warkii ayuu u sheegay Cabdulmudalib iyo inuu Abraha rabo inuu la kulmo Cabdulmudalib.

Dabadeedna waa soo baxay Cabdulmudalib isaga iyo qaar kamid ah ubadkiisii, waxayna yimaadeen xaruntii ciidanka Abraha wuxuuna dadka waydiiyey Cabdulmudalib ninkii lasoo xidhay ee  Duu-Nufar wuxuuna ku dhahay: Duu-Nafaroow; Ma lahadli kartaa Abraha inuu ka joogo Kacbada wuxuuna dhahay Duu-Nafar: Maxaan kuu qaban karaa anigiibaa xabsi ku jira oo waxaan sugayaa xilliga laydilaayo, hase ahaatee waxaan garanayaa ninka maroodiga dareewalinaya oo la dhaho Unays ee u tag isagu hakuula hadlo Abraha.

Unays ayaa u tagay  Abraha wuxuuna ku dhahay: Boqoroow, ninkan waa Cabdulumudalib, waana nin madax ah wuxuuna dadka masaakiinta ah ku quudiyaa banaanka iyo buurtaba ee la hadal oo is afgarta. Abraha waa ogolaaday inuu la hadlo Cabdulmudalib.

Cabdulmudalibna wuxuu ahaa nin qurux badan oo haybad leh markuu u galay Abraha ayuu wayneeyey oo ka kacay sariirtuu ku fadhiyey wuxuuna la fadhiistay dhulka kuna dhahay turjumaankiisii maxaad Cabdulmudaliboow rabtaa? Cabdulmudalib wuxuu dhahay: Geel laba boqol oo neef ah ayaa layga soo dhacay ee waxaan rabaa in laysoo celiyo!! Abraha waa yaabay oo wuxuu yidhi: Ma ninkan la burburinayo Kacbadiisii ayaa i waydiisanaya geel yar oo laga dhacay!! Cabdulmudalib wuxuu dhahay: Anigu waxaan leeyahay Geela, Kacbadan waxa leh Rabbi oo ilaashanaya!! Ninkii Abraha arrintii ayuu ka cadhooday oo wuxuu labadii boqol ee Geela ahaa u celiyey Cabdulmudalib, wuxuuna faray ciidankiisii inay duulaan ku qaadaan Kacbada.

Cadbulmudalib geelii ayuu kaxaystay wuxuuna ku dhahay qabiilkiisii: Ninkan waa ka dhab inuu dumiyo Kacbada ee ka baxa magaalada Makkah oo gala buuraha dushooda.

Abraha wuxuu faray Maroodigii in loo jiheeyo xaga Makkah balse ninkii xidhnaa ee Nufayl ibnu Xabiib ayaa maroodigii dhagta hadal u saaray oo dhahay: Maroodiyoow, fadhiiso oo ha dhaqaaqin waxaad joogtaa dhul xurmaysane, maroodigana waxa la dhihi jiray Maxamuud.

Markasta oo ay maroodiga u jiheeyaan dhnka Kacbada wuu fadhiisanayey  Maroodigu, hadii loo jeediyo jihooyinka kale sida Yaman wuu kacayey Maroodigu, ciidankii madaxa ayey ka garaaceen maroodigii si loogu dumiyo Kacbada sharafta leh.

Dadkii kale ee carbeed oo ay kamid ahaayeen Cabdulmudalib iyo qabiilkiisii waxay baryayeen Allah ayagoo leh Ilaahayoow xaramkaaga u hiili oo ka difaac colka kusoo duulay.

Ciidankii Abraha waxa Allah usoo diray Shinbiro kayimd xaga badda midkastaaba ay sidato sadex dhagxaan, waxay afka ku sidataa hal dhagax labada lugoodna laba dhagaxaan, qofkasta oo ay shinbirtaas ku dhacdo dhagxaanteedu wuu dhintaa si dhakhso ah, waxayna taasi ku keentay in ciidankii jabo oo ay firdhadaan. Ciidankii badankoodii waa la halaagay, ninkii Abrahana wuxuu qaatay faras oo wuxuu naf la caaridkii ku orday dhulka Yaman balse waxa haleeshay dhagxaantii shinbirta oo jidhkiisii ayaa marba qayb dhacaysay, ugu danbayna waxa la dhahaa xabadkiisa ayuu kasoo dhacay wadnihii, sidaasbaanu ku dhintay Abraha.

Kooxahaa Shinbiraha ah oo afkooda midabkoodu casaan/guduudanyahay, madaxooduna madawyahay qoortooduna dheertahay, koox kastana ay hogaaminayso shinbir madax u ah ayaa jabisay ciidankii Abraha ee xalaashaday xaramkii Allaaah. Waxa la sheegaa in dhagax kasta oo ay shinbiruhu sideen ay ku qornaayeen magaca qofka lagu tuurayo, waxayna arrintaasi keentay in ciidamadii Xabashidu jabaan sidoo kalena Kacbadu magac yeelato ka wayn kii hore ee ay lahayd.

Sanadkaas waxa loo bixiyey Sanadka Maroodiga waxaana dhashay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

Mudo afartan sanadood kadibna wuxuu Allah kasoo dajiyey dhacdadan Suurad Quraana oo ka hadlaysa wixii qabsaday Abraha iyo colkii doonayey inay dumiyaan Kacbada wuxuuna Allah ugu gallad sheegtay carabtii reer Qureesh ee ka gaaloobay Nabiga inay dib u xasuustaan dhacdadaas oo ay wax ku qaataan awooda Allah iyo inay rumeeyaan Rasuulkiisa Muxamed (N.N.K.H)[1]

Fasirka macnaha Suurada:

أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِأَصْحَابِ الْفِيلِ ﴿١

“Almatara kayfa facala Rabbuka bi asxaabi alfiil”

Almatara kayfa facala Rabbuka bi asxaabi alfiil: Ma aragtaa siduu ku sameeyey Rabbigaa asxaabtii Maroodiga

أَلَمْ يَجْعَلْ كَيْدَهُمْ فِي تَضْلِيلٍ ﴿٢

“Alam yajcal kaydahum fii tadhliil”

Alam yajcal kaydahum fii tadhliil: Miyaanu ka yeelin dhagartoodii mid baadiya

وَأَرْسَلَ عَلَيْهِمْ طَيْرًا أَبَابِيلَ ﴿٣

“Wa arsala calayhim dayran abaabiil”

Wa arsala calayhim dayran abaabiil: uuns u dirin korkooda shinbiro kooxo ah (qaarba mar imanayeen).

تَرْمِيهِم بِحِجَارَةٍ مِّن سِجِّيلٍ ﴿٤

“Tarmiihim bixijaaratin min sijjiil”

Tarmiihim bixijaaratin min sijjiil: kuwaas oo ku tuuraya dhagxaan adag oo la dhalaaliyey.

فَجَعَلَهُمْ كَعَصْفٍ مَّأْكُولٍ ﴿٥

“wuxuuna ka yeelay Ilaahay sidii baal la daaqay (beer la cunay).


[1] Tafsiirka Qurdubi, ibnu Isxaaq.

Waxa soo jeedinaya oo diyaariyey Allah haka abaalmariyeey Sh Abdulaziz Oogle.