Tusmo

Tafsiirka Faataxada Q 2aad:

 

الْحَمْدُ لِلَّـهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ﴿٢﴾

”Alxamdu li Allah Rabbi Alcaalamaiin”

Alxamdu li Allah: macnaha Alxmadu waa mahadda waxay u sugnaatay Ilaahay, ayadoo loogu mahadinayo nicmooyinka Ilaahay ee aan la koobi karayn, tuasaale ahaan inuu ku waafajiyey inaad u mahad celiso oo aad isaga kaligii caabudo. Mahadda loo celinayo Ilaahayna waa amaan la madiixayo Allihii ku abuurtay kuna arzaaqay kuguna hanuuniyey diinta Islaamka. Hadii aad nicmooyinka Ilaahay korkaaga ku galladaystay uga mahad celiso wuxuu Allah ballan qaaday inuu kuu siyaadinayo oo uu kuu kordhinayo nicmadaas, raalina uu kaaga noqonayo.

Rabbi: macnaheedu waa cida mulkiday ee xukunta adoomihiisa, waxa kale oo uu noqon karaa Sayid ama cida hanashada isak leh.

Alcaalamiin: Caalamiin waa caalamyada kala duwan ee Alle abuuray sida caalamka Jinka, Insiga, Xayawaanka, Cayayaanka, Dhirta, Malaa’ikta iyo wixii caalamyo ku gudo jira dhulka, samada iyo waxa u dhaxeeyaba. Si kale hadaan u dhigno waxaan dhihi karnaa Caalamiin waxa looga jeeda wax kasta oo jira marka Ilaahay laga reebo.

Macnaha guuda ee Aayada:

Mahaduu waxay u sugnaatay Allah, Allahaaso hantay barbaariyeyna caalamiinta.

 

 

الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ ﴿٣﴾

”Arraxmaani Arraxiimi”

Arrxmaan: fasirkeeda bisinka ayeynu kusoo marnay, macnaheeduna waa Allaha iska leh naxariista guud ee uu ugu naxariisto dhammaan makhluuqaadkiisa sida inuu arzaaqo oo uu quudinayo.

Arraxiim: waa Allaha iska leh naxariista gaarka ah ee loo gaaryeelay mu’miniinta maalinta Qayaame.

Macnaha guud ee Aayada:

Allaha naxariista naxariista guud iyo naxariista gaarka ah, sababto loo sheegay sifooyinkana naxariista ahna waxa weeye si la isugu dheelitiro cabsi galinta adoonka iyo jeclaysiinta adoonka la jeclaysiinayo naxariista Ilaahay, markii hore wuxuu Alle ka warramay Rabbinimadiisa oo ku cabsi galinaysay, kadibna naxariistiisii ayuu ka danbeysiiyey.

 

 

مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ ﴿٤﴾

”Maaliki yawma Aldiin”

Maalikli yawma Aldiin: waxa kale oo loogu dhawaaqaa Malik, macnaheeduna waa mulkiga cida iska leh ee boqorka ah waa Allah, wuxuuna mulkiyey maalinta qayaame. Maxaa maalinta Qayaame loogu gaaryeelay mulkiga Ilaahay ayadoo la ogyahay inuu Alle iska leeyahay Aduunyadaba, sababtu waxa weeye, aduunyada inta la noolyahay dadka qaar ayaa sheegta inay boqoro ka yihiin ama ay hanteen wax kamid ah, sidaas awgeed ayuu Alle isagoo run ahaantii hantay Aduun iyo Aakhiraba hadana wuxuu la gaaryahay maalinta Qayaame oo cidina aanay wax sheeganayn maalintaas.

Macnaha guud ee Aayada:

Allaha mulkiyey ee hantiyey maalinta Qayaame, waana amaan uu adoonku amaanayo Ilaahay, sidaas awgeed ayuu Alle dhahayaa markuu adoonku akhriyo aayadan ”Adoonkaygii wuu i amaanay”

 

إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ ﴿٥﴾

”Iyyaaka nacbudu wa iyyaaka nastaciinu”

Iyyaaka nacbudu: macnaheedu waa, Adiga unbaan ku caabudaynaa kaligaa Ilaahayoow, waxaanan kuu gaaryeelaynaa cibaadada annagoo bari ka noqonayna shirkiga iyo gaalnimada.

Iyyaaka nastaciinu: Adiga unbaan kaligaa ku waydiisanaynaa kaalmo iyo caawimo. Aayada qeybtani waa talo saarasho halka qeybtii hore ay ka ahayd tawxiidka iyo Ilaahay kali yeelidiisa.

Maxaa Iyyaaka nastaciinu looga hormarin waayey Iyyaka nacbudu? Sababtu waxay tahay marka adoonku leeyahay Ilaahayow kaligaa ayaan kuu cibaadaysanayaa wuxuu la yimid shaqo, markuu camalka la yimid ayuu talo saaranayaa Ilaahay kadibna kaalmadii iyo caawintii Ilaahay ayaa u imanaysa adoonka, balse haduu qofku shaqo la’aan ama cibaado la’aan iska dalbado kaalmo, waa wax aan u suurtoobayn, muhiimaduna waxa weeye in adoonku uu la yimaado sababtii uu ku heli lahaa caawinta Ilaahay.

Macnaha guud ee Aayada:

Adiga unbaan kaligaa ku caabudaynaa, adiga unbaan kaliga kaalmo ku waydiisanaynaa.

 

اهْدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ ﴿٦﴾ صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلَا الضَّالِّينَ ﴿٧﴾

”Ihdina ass-siraada al-mustaqiim (6) Siraada alladiina ancamta calayhim qayri almqaduubi calayhib wala add-daaliin (7)”

Ihdina ass-siraada al-mustaqiima: Ilaahow nagu hanuuni jidkii toosnaa. Jidka toosanina waa Islaamka iyo Quraanka.

Siraada Alladiina ancamta calayim: Jidka kuwii aad korkooda u nicmaysay, kuwaasina waa nabiyada, siddiiqiinta, shuhadada iyo saalixiinta. Dadkaas wanaagsanina waa dadkii maray jidka Islaamka ee Ilaahay ku sugay diinta xaqa ah.

Qayri almaqduubi calayhim wala addaaliin: kuwa aanad u cadhoonin iyo kuwa aan ka lumin jidkii toosnaa, kuwaasina waa Yahuuda iyo Kiristaanka. Yahuuda cilmi ayuu Alle siiyey, kumanay camal falin sidaas awgeed Alle wuu u cadhooday, kiristaankana wa baadiyobeen oo jidkii xaqa ahaa ayey baalmareen oo ah Islaamka.

Macnaha guud ee Aayada:

Ilaahow nagu hanuuni jidkii toosnaa, jidka kuwii aad korkooda u nicmaysa ee aan ahayn kuwaad u cadhootay iyo ku baadiyoobay toona.