Tusmo

Taariikhdii Muslim ibnu Xajaaj:

Muslim waa imaamkii waynaa ee xaafidka ahaa, waana caalimkii qoray kitaabka ”Saxiixu Muslim” kitaabkaas oo ah kitaabka labaad ee ugu saxiixsan kutubta sunnada.

Magiciisa iyo abtirsiintiisa:

Magiciisu waa Muslim ibnu Al-xajaaj ibnu Muslim ibnu Wardi ibnu Kuushaad, Al Qushayriyy An-niisaabooriyy.

Dhalashadiisii:

Culumadu waxay isku khilaafeen sanadkii uu dhashay Muslim, waxayna soo arooriyaan inuu dhashay sanadkii 201 dii, ama 202 dii, ama 204 tii hijriyada. Wuxuuuna Imaamu Al-dahabi ku sheegay kitaabkiisa Siyarka in Muslim dhashay sanadkii 204 tii hijriyada.

Muslim magaalada uu ku dhashay ama uu kasoo jeedo waa Niisaabuur oo ahayd magaalo xarun u ah  cilmiga xadiiska, waxayna ku caanbaxday saraynta sanadka xadiisyada Nabiga (scw), waxaana magaaladaas lagu magacaabay (Daartii sunnada iyo sanadka sarreeya).

Qaabkuu u ekaa Muslim:

Imaamu Muslim, wuxuu ahaa nin waji qurxoon, gashan jirayna maryo qurxoon. Muslim wuxuu ahaa nin dheer oo timihiisa iyo gadhkiisuba cadyihiin, wuxuuna cimaamadiisa ka ridi jiray labadiisa garab.

Akhlaaqdii Muslim:

Imaamu Muslim, wuxuu ahaa nin ay madaxdu qiimayso ayagoo fari jiray inuu muslimiinta u noqdo imaamka tujinaya salaadooda.

Muslim waxa kale oo uu ahaa nin deeqsiya, maadaama uu ahaa nin ganacsade ah wuxuu xoolihiisa ku bixin jray wadooyinka khayrka. Wuxuuna ahaa nin afgaaban, oo aan dadka caayin dhib aan u gaysanin.

Waxbarashadiisii:

Muslim aabihii – Xajaaj- wuxuu ahaa nin sheekha, taasoo macnaheedu tahay in Muslim yaraantiisii uu wax ku bartay gurigiisa. Macalinkiisii ugu horeeyey ee cilmiga xadiisku waa Yaxye ibnu Yaxye Al-tamiimi, isagoo maqlay xadiisyadiisa sanadkii 218 kii hijriyada.

Sanadkii 220 kii hijriyada wuxuu aaday magaalada Makkah si uu waajibaadka Xajka u guto. Intuu Makkah joogay wuxuu la kulmay macalinkiisa Qacnabiyy, kaasoo ahaa macalinkiisii ugu waynaa.

Sanadkii 227 dii hijriyadana wuxuu Kuufa kula kulmay Axmed ibnu Yuunus, Cumar ibnu Xafsi bnu Qayaath iyo culumo kale, kadibna wuxuu ku laabtay wadankiisii. Sidoo kale Muslim wuxuu u safray magaalooyinka Madiina, Basra, Baqdaad oo uu kula kulmay Imaamu Axmed ibnu Xanbal, Rayy, Balakh iyo Masar.

Xirfadiisii iyo Shaqadiisii:

Imaamu Muslim Alle ha u naxariistee wuxuu haystay dukaan bacadle ahaa, isagoo iibin jiray dharka iyo qalabka guryaha, wuxuuna dukaankiisu ku yaalay meesha la dhaho Khaan Maxmash.

 

 

Macalimiinta ugu caansanaa:

Macalimiintiisa waxa kamid ahaa: Yaxye ibnu Yaxye Al-tamiimi, Qacanbi, Isxaaq ibnu Raahawayhi, Axmed ibnu Xanbal, Maxamed ibnu Ismaaciil Al-bukhaari iyo dad badan oo kale.

Ardaydiisii:

Ardaydii Imaamu Muslim waxa kamid ahaa: Imaamu Tirmadi, Ibnu Khusaymah, Siraaj, ibnu Saacid iyo rag badan oo kale.

Xidhiidhkii ka dhexeeyey Muslim iyo Bukhaari:

Culumo badan waxay qabaan in Muslim yahay mid kamida midhihii Imaamu Al-bukhaari, sidaas awgeed waxay dhaheen: Hadii aanu Bukhaari jirin, muu jiri lahayn Muslim.

Imaamu Muslim wuxuu si wayn u qadarin jiray Imaamu Al-bukhaari. Wuxuu dhahay Khadiib Al-baqdaadi: Muslim ibnu Xajaaj ayaa uyimid Maxamed ibnu Ismaaciil Al-bukhaari, wuxuuna ka dhunkaday labadiisa indhood dhexdooda, wuxuuna dhahay: ”ii ogolow aan dhunkado labadaada lugood, macalinka macalimiintow iyo ka daaweeyey cilladaha xadiiskow” [1]

Markii Imaamu Al-bukhaari uu tagay magaalada Niisaabuur, waxa soo dhoweytiisii ka qaybgalay Imaamu Muslim oo badsaday la joogiisa. Wuxuuna Muslim ahaa dadkii faro ku tiriska ahaa ee Bukhaari la joogay markii Niisabuur laga eryey.

Kitaabkiisa Saxiixa ah:

Shaqadii ugu waynayd ee Imaamu Muslim qabtay waxay ahayd inuu qoray kitaabka ”SaxiixuMuslim” kaasoo ah kitaabka labaad ee ugu saxiixsan kutubta sunnada.

Imaamu Muslim wuxuu dhahay: ”waxaan kitaabkan kasoo xulay sadex boqol oo kun oo xadiisyo aan maqlay ah”[2]. Wuxuu kitaabkiisa qorayey shan iyo toban sanadood.

Waxa kale oo Muslim dhahay: ”xadiis kasta oo aan kitaabkan ku qoray waxaan ugu qoray anoo u haysta xujo, kuwa aan ka tagayna waxaan uga tagay xujo darteed”[3]

Imaamu Muslim wuxuu dhahay: “Waxaan kitaabkayga u bandhigay Abuzurca, markaasaan ka tagay wax kasta oo cillad ama sabab lahaa oo uu ii tilmaamay, wixii uu dhahay waa saxiix oo cillad malahana waan kusoo saaray” [4]

Geeridiisii:

Imaamu Muslim wuxuu u geeriyooday isagoo raadinaya masalo cilmiya. Waxa la soo wariyaa in la waydiiyey xadiis aanu garanaynin, kadibna wuxuu aaday gurigiisii, wuxuu daartay faynuuskii, markaasuu dadkii guriga joogayna ku dhahay: Yaan cidina iisoo galin. Markaasa lagu dhahay: waxa naloo soo hadyadeeyey sallad timir ah, kolkaasbuu yidhi: la kalaaya, waana loo keenay.

Dabadeedna wuxuu bilaabay inuu kutubta ka raadiyo xadiiskaas, isagoo marba xabad timir ah qaadaya, sidaasbayna timirtii ku dhamaatay, wuxuuna helay xadiiskii, hase ahaatee timirtii iyo macaankii ayaa sababay inuu geeriyooday.

Wuxuuna Muslim dhintay – Ilaahay ha unaxariistee- maalin Axada, 15 kii bisha Rajab ee sanadkii 261 hijriyada. Waxaana la aasay maalintii Isniinta, waxayna xabaashiisu ku taalaa Nasri Abaad, Niisaabuur.

Amaantii Culumadu u jeediyeen:

Imaamu Muslim wuxuu ahaa caalim wayn oo looga danbeeyo cilmiga xadiiska iyo sunnada Rasuulka (scw), waxaana markhaati ugu filan kitaabkiisa saxiixa ah oo dunida meel kasta gaadhay, kaasoo culumada Islaamku ay ku bixiyeen dadaal badan sidii loo sharrixi lahaa, loo soo gaabin lahaa iyo sidii loo xifdiyi lahaaba.

  • Wuxuu macalinkiisu Isxaaq ibnu Raahawayhi dhahay: ”Nin sideeya ayuu noqonayaa”
  • Abu Cabdullaahi Maxamed ibnu Yacquub wuxuu dhahay: ”Niisaabuur waxay soo saartay sadex nin: Maxamed ibnu Yaxye, Muslim ibnu Xajaaj iyo Ibraahiim ibnu Abi daalib”
  • Abu Quresh Alxaafid wuxuu dhahay: ”Xaafidiinta aduunku waa afar, Abuzurca oo reer Rayyi ah, Muslim oo reer Niisaabuura, Cabdilaahi Aldaaramiyy oo reer Samarqandi ah iyo Maxamed ibnu Ismaaciil oo reer Bukhaara ah”

 

Waxa diyaariyey:

Sh Abdulaziz Mohamed Oogle


[1] Taariikhu Baqdaad: 13/102

[2] Siyaru Aclaami Annubala: 12/565

[3] Siyaru Aclaami Annubala: 12/571

[4] Siyaru Aclaami Annubala: 12/568