Tusmo

Nasabka iyo abtirsiinta Imaamu Al-bukhaari:

Magiciisu waa Maxamed ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Muqiirah bardizbah (beeralay). Waxaana loogu magac daray magaalada uu kasoo jeedo ee Bukhaara. Awoowgiisa labaad ee Muqiirah wuxuu ahaan jiray Majoosi,  waxaana islaamiyey Yamaan Al-jucfi oo ahaa badhasaabkii magaalada Bukhaara.

Bukhaari aabihii Ismaaciil wuxuu ahaa nin caalima oo bartay cilmiga Xadiiska, wuxuu la kulmay Imaamkii waynaa ee Maalik ibnu Anas iyo Xamaad ibnu Zayid. Waxa kale oo uu gacan qaaday caalimkii waynaa ee Cabdilaahi ibnu Mubaarak.

Arrintaas oo Imaamu Al-bukhaari uu ku faani jiray isagoo dhahay: ”Aabahay wuxuu wax ka maqlay Maalik ibnu Anas, wuxuuna arkay Xamaad ibnu Zayid, wuxuuna labadiisa gacmood ku salaamay Cabdilaahi ibnu Mubaarak.”  Bukhaari aabihii wuxuu dhintay isagoo yar, wuxuuna ahaa agoon ay hooyadii soo korstay.

Dhalashadii Bukhaari:

Wuxuu Bukhaari dhashay maalin Jimce ah, markii lagasoo baxay salaada Jimce. Waxayna ahayd maalintuu dhashay 13 kii Shawaal ee sanadkii 194 kii hijriyada. Wuxuuna ku dhashay magaalada Bukhaara oo ku taala iminka wadanka Uzbakistan.

Bukhaari oo indho beelay kadibna aragtidii usoo laabatay:

Bukhaari isagoo ilmo yar ah ayuu indho beelay, kadibna hooyadii ayaa riyo ku aragtay nabi Ibraahiim (scw), wuxuuna ku dhahay: ”wiilkaaga Ilaahaybaa aragtidiisa dib ugu soo celiyey, ducadaadii badnayd awgeed”. Subaxii markay waabariisatay ayey aragtay wiilkeedii oo Ilaahay indhihiisa usoo celiyey.[1]

Bilowgii waxbarashadiisa:

Bukhaari wuxuu dhahay: ”waxa la igu ilhaamiyey xifdiga xadiiska anigoo dugsi Quraanka ku jira” Waxana la waydiiyey: Imisa sanadood ayaad jirtay xilligaas? Wuxuuna dhahay: Toban sano jir ama waan ka yaraaba.

Qisadii Bukhaari iyo Macalinkiisii

Bukhaari wuxuu dhahay: anigoo la jooga Sheekha Al-Daakhilyy (oo ahaa macalinkiisii) ayuu maalin wuxuu dhahay isagoo casharka akhrinaya: Sufyaan, wuxuu kasoo wariyey Abu zubeyr, isna wuxuu kasoo wariyey Ibraahiim.. markaasaan ku dhahay: Abu Zubeyr kamuu warinin Ibraahiim.

Kadibna wuu igu qayliyey markaasaan ku dhahay: dib ugu laabo kitaabka asalka ah, markaasuu dib u fiiriyey kitaabkii, waanu soo noqday wuxuuna igu yidhi: haye, bal sheeg adigu wiilyahaw? Waxaan idhi: Zubeyr ibnu Cadiyy ayaa kasoo wariyey Ibraahiim ee maaha Abu Zubeyr, dabadeedna qalinkii ayuu ku saxday, wuxuuna igu yidhi: runbaad sheegtay.

Bukhaari waxa lagu dhahay: imisa sano jirbaad ahayd, markaad Al-daakhilyy wax u saxday? Wuxuu yidhi: kow iyo toban sano jir.

Bukhaari wuxuu dhahay: markaan gaadhay 16 sano jir, waxaan xifdisanaa kutubta Ibnu Mubaarak, iyo Wakiic, waxaan kale oo aan bartay hadalka kuwaas (hadalka kuwaas wuxuu uga jeeda hadalka faylasoofyada)

Safarkiisii iyo cilmi raadsigiisii:

Sanadkii 210 kii hijriyada, wuxuu Bukhaari  u raacay hooyadii iyo walaalkii Axmed magaalada Makkah, si ay usoo gutaan waajibaadka Xajka. Wuxuuna Bukhaari ku hadhay magaalada Makkah, halka walaalkii iyo hooyadiina ay dib ugu laabteen magaaladii Bukhaara.

Bukhaari wuxuu safaro badan ku tagay dhulka Xijaaz (Makkah iyo Madiina) oo uu ku noolaa lix sanadood, waxa kale oo uu aaday Masar, Shaam, Basra, sidoo kale Kuufa iyo Baqdaad marar badan ayuu tagay isagoo culumada Xadiiska la kulmayey.

Culumadii iyo Shuyuukhdiisii uu wax ka bartay:

Bukhaari wuxuu dhahay: waxaan wax ka qoray kun iyo sideetan qof, oo dhamaantoodba ahaa culumada Xadiiska.

Culumada ugu caansan ee uu wax ka bartay:

Shuyuukhda ugu caansan ee Imaamu Al-bukhaari waxa kamida: Imaamu Axmed ibnu Xanbal, Yaxye ibnu Maciin, Isxaaq ibnu Raahwayhi iyo Cali ibnu Almadani. Wuxuuna Bukhaari dhahay: ”Waligay cidna naftayda uma yaraynin marka laga reebo Cali ibnu Al-madani.”

Markii ugu horeysay ee wax laga qoro:

Abubakar ibnu Abi Cayyaash wuxuu dhahay: waxaan Muxamed ibnu Ismaaciil wax ka qornay isagoo will yar ah oo gadhku usoo baxayo. Qiyaas ahaan Bukhaari cimrigiisu wuxuu ahaa 18 sanadood.

Xifdigii Bukhaari:

Bukhaari xifdigiisu wuxuu ahaa mid la majeerto, wuxuuna wax ku xifdin jiray hal mar oo kaliya markuu maqlo xadiiska.

Maalin ayaa asxaabtiisii ay ku canaanatay inaanu qorin xadiiska, markaasuu ku dhahay: iisoo bandhiga waxaad qorteen. Dabadeedna way u bandhigeen, markaasuu isaguna korka ka akhriyey, wuxuuna ugu daray shan iyo toban kun oo xadiis.

Waxayna arrintaasi ku tusaysaa sida xifdiga Bukhaari u waynaa. Xataa ardaydii ay isku faca ahaayeen ayaa kutubtooda ku sixi jiray xifdiga Bukhaari.

Maalin kale Bukhaari wuxuu soo galay magaalada Baqdaad, waxaan qaabilay culumadii magaalada, waxayna rabeen inay imtixaan ka qaadaan sida xifdigiisu yahay. Goobtii imtixaanka lagaga qaadayey waxa joogay culumadii reer Baqdaad iyo reer Khuraasaan.

Dabadeedna toban nin ayaa waydiiyey Bukhaari boqol xadiis oo la is daba mariyey sanadkooda (abtirsiinta xadiiska) iyo matniga xadiiska, ayagoo waydiinaya Bukhaari bal inuu garanayo xadiisyadan iyo inkale.

Bukhaari wuxuu ku jawaabay anigu ma garanayo xadiisyadan, illamaa dadkii caamada ahaa ay u qaateen in Bukhaari aanu meesha waxba ku haynin. Hase ahaatee culumadii ayaa garwaaqsaday in Bukhaari fahmay ujeedadooda.

Kadibna Bukhaari ayaa nimankii u saxay mid kastaba tobankii xadiis ee ay waydiiyeen, isagoo xadiiskasta waafajiyey sanadkiisii iyo matnigiisiiba.

Waxaana cajiib ahayd inuu uga jawaabay isla tartiibtii ay ku waydiiyeen xadiisyada, wuxuuna dhahay Xaafid ibnu Xajar: ”La yaab maaha inuu qaladkoodii saxay sababtoo xadiisyada wuu xifdisanaa, laakiin waxa yaab leh inuu xifdiyey tartiibta xadiisyadii ay isku dhex dareen.”

Xifdiga Bukhaari wuxuu ahaa shay aad u yaab badan, ilamaa ay culumadii isaga wax bartay iyo kuwii dhigiisa ahaaba ay u qireen cilmigiisa iyo xifdigiisaba.

Bukhaari wuxuu dhahay: waxaan xifdisanahay boqol kun oo xadiis oo saxiixa iyo laba boqol oo kun oo aan saxiix ahayn.

Aadaabtii Bukhaari iyo akhlaaqdiisii:

Fadliga Bukhaari maaha oo kaliya inuu qoray kitaabka ugu saxiixsan kutubta sunnada, ee waxa kale uu lahaa akhlaaq aad u saraysay oo cid kasta soo jiidanaysa.

Bukhaari wuxuu xoolihiisa dhan ku bixin jiray inuu ku barto sunnada nabiga (scw) wuxuuna dhahay: ”Waxaan bishii shaqayn jiray shan boqol oo dirham, waxaanan ku bixin jiray inaan cilmi ku raadsado”

Waxa kale oo uu dhahay: waligay waxna ma iibinin mana soo gadanin, waxaan u diri jiray qof kale inuu soo iibiyo iyo inuu sii gadaba, sababtoo ah baayacmuushtarka ayaa marna wax lagu daro, marna la nuqsaamiyaa”

Dabcan ganacsigu waa shay xalaal oo Ilaahay baneeyey, waana mid kamid ah arsaaqada ugu xalaalaysan. Balse Bukhaari wuxuu uga tagay isagoo ka cabsanaya in wax xaaraan ah ay calooshiisa gasho.

Bukhaari aadaabtiisa sareysay waxaad ku garanaysa markuu turjumayo  Ragga ee uu sifanayo in qofkaas yahay ruux xadiiskiisa la qaadan karo ama qof laga tagayo.Wuxuu adeegsadaa ereyada ah: ”Way ka aamuseen” ”Waxbaa ku jira” ”Way ka tageen” iyo ereyo kale oo lamid ah.

Ma arkaysid Bukhaari oo dhahaya: kaasi waa beenaale, ama nabiga ayuu ka been abuurtaa. Wuxuuna Bukhaari dhahay: ”waligay cidna ma xamanin, lagasoo bilaabo markaan ogaaday inay xaaraan tahay.” Waxa lagu dhahay: dadka qaar ayaa kaaga cadhooday wixii aad ku qortay Kitaabkaaga ”Taariikhda” iyo inaad dadka ku dhex xamatay, wuxuu ku jawaabay Bukhaari: wixii aan ku qoray waa riwaayado aan soo wariyey ee maaha mid aan anigu samaystay.

Bukhaari Ilaahay ha unaxariistee, wuxuu ahaa nin aan cunto badan cunin, una wanaagsan ardaydiisa sidoo kalena ahaa nin deeqsiya.

Habeenkii wuxuu akhrin jiray kala badh ama sadex meelood hal meel Quraanka Kariimka, wuxuuna salaada laylka tukan jiray 13 rakcadood.

Maalinbaa Bukhaari oo jooga masaajidka, ayaa nin gadhkiisa kasoo saaray dhogor ama baalka leebka, wuxuuna ku dhex tuuray Masaajidka. Kadibna Bukhaari ayaa jeebka ku ritay baalkii, wuxuuna ku tuuray banaanka, isagoo masaajidka ka ilaalinaya wixii ninku kasoo saaray gadhkiisa.

Kitaabka Bukhaari iyo qaabkuu ku qoray:

Kitaabka ”Saxiixu Al-bukhaari” ee uu qoray imaamu Al-bukhaari, waa kitaabka ugu caansan, uguna saxiixsan dhamaan kutubta sunnada Rasuulka (scw). Waxayna culumada Islaamku kitaabkiisa ku sifeeyeen inuu yahay kitaabka ugu saxiixsan marka laga yimaado Quraanka Kariimka.

Waana kitaabkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu gaaryeelo xadiisyada saxiixa ah ee ka sugan Rasuulkii Ilaahay (scw), waxaana ku xigay kitaabka saxiixu Muslimka.

Dabcan waxa jiray isaga hortii kutubo badan oo wax ka qortay xadiisyada, sida Musnadka imaamu Maalik, Xamaad ibnu Zayid, Sufyaan Al-thawri iyo qaar kaleba. Hase ahaatee kutubtaasi waxa ku jiray xadiisyo saxiixa, xasan ah iyo kuwo daciif ahba.

Maxaa Bukhaari ku kallifay inuu qoro saxiixiisa?

Maalin isagoo la fadhiya macalinkiisii Isxaaq ibnu Raahawayhi ayuu sheekhii dhahay: ”Yaa qoraya kitaab lagu diiwaangalinayo xadiisyada saxiixa ah ee ka sugnaaday Rasuulkii Ilaahay (scw).” Wuxuu Bukhaari dhahay: qalbigaygay ayey arrintaasi ku dhacday. Wuxuuna go’aansaday inuu qoro kitaabkiisa saxiixa ah.

Mudo lix iyo toban sanadood ayuu Bukhaari ku qorayey kitaabkiisa, wuxuuna xadiisyada ku qoran kitaabkiisa kasoo xulay lix boqol oo kun oo xadiiyo uu xifdisanaa.

Kitaabkana wuxuu u bixiyey magaca ah ”Aljaamic assaxiix almusnad min xadiisi rasuuli allaahi (scw) wa sunnatihii wa ayyaamihii.” wuxuuna iminka ku caanbaxay Kitaabka Bukhaari ama Saxiixa Bukhaari.

Bukhaari Ilaahay raali haka ahaadee, markuu qorayey xadiisyada wuu qubaysan jiray kadibna wuxuu tukan jiray laba rakcadood, sidaasbaanu xadiiskasta ugu qori jiray kitaabkiisa. Wuxuuna dhahay: kitaabkani waa xujaydada aniga iyo Ilaahay ee maalinta Qayaame.

Wuxuu bukhaari u jeedaa inuu xujo unoqonayo kitaabkani maalinta Qayaame, markuu Ilaahay waydiiyo, maxaad ku qabatay cimrigaagii?  Run ahaantiina, waa kitaab ummada Islaamka oo idil ay ka faa’ideen, waanu u noqanayaa xujo maalinta Qayaame inshallah.

Shuruudaha Kitaabka Bukhaari:

Bukhaari wuxuu xadiisyadiisa saxiixa ah u yeelay shuruudo uu ku aqbalayo in xadiiskaasi yahay xadiis saxiixa, waxayna shuruudahaasi kala yihiin:

  1. In sanadka (abtirsiinta) xadiiku yahay mid isku xidhan oo aan kala go’nayn (qof ama laba qof aanay maqnayn)
  2. In qofka xadiiska soo warinayaa uu yahay ruux Muslim ah.
  3. Inuu yahay qof run sheegaya.
  4. Inuu yahay qof aan mudalis ahayn (ruuxa wax ku hoos galinaya) ama isku dhex daraya xadiisyada.
  5. Inuu yahay qof ku sifaysan sifooyinka cadaalada.
  6. Inuu yahay qof xifdisan oo kala garanaya xadiisyada.
  7. Inuu yahay qof miyir qaba oo aan maskaxda ka bukin.
  8. Inuu yahay qof aan ilowshihiisu badnayn.
  9. Inuu yahay qof caqiidadiisu fiicantahay.

Naanaysta Bukhaari :

Bukhaari waxa loo yaqaana amiirka mu’miniinta ee cilmiga Xadiiska, sababtoo ah kitaabkiisa ayaa noqday kitaabka ugu saxiixsan dhammaan kutubta Sunnda lagu diiwaangaliyey, siduu cadeeyey Imaamu Al-nawawi, Ilaahay ha u naxariistee.

Waxa ku tusinaysa sharafta iyo waynida kitaabka Bukhaari in culumada Islaamku ay ka dhigteen shuruudihiisa halbeeg lagu garto in xadiisku yahay xadiis sugan iyo inuu yahay xadiis tamaryarba.

Waxay culumada xadiisku u qaybiyaan xadiisyada saxiixa ah todoba nooc oo kala ah:

  1. Waxa ay isku waafaqeen Bukhaari iyo Muslim.
  2. Waxa Bukhaari la gaarka yahay.
  3. Waxa Muslim la gaarka yahay.
  4. Waxa lagusoo saaray shuruuda Bukhaari iyo Muslim.
  5. Waxa lagu soo saaray shuruuda Bukhaari.
  6. Waxa lagu soo saaray shuruuda Muslim.
  7. Waxa uu saxiixiyey caalim aqoonyahay ah oo aan ka hor imanaynin labada sheekh. (Bukhaari iyo Muslim)

Sidaas awgeed waxa kitaabkiisa iyo kitaabka ardaygiisa Muslim ibnu Xajjaaj ay culumadu ka yeesheen halbeeg lagu kala garto xadiiska saxiixa ah iyo ka daciifka ahba.

Kitaabka Saxiixa oo Bukhaari u bandhigay Culumada:

Markuu Bukhaari qoray kitaabkiisa Saxiixa ah, wuxuu u bandhigay culumadii xilligiisii noolayd sida Axmed ibnu Xanbal, Yaxye ibnu Maciin, Cali ibnu Al-madani iyo qaar kalo badan. Culumadaasi waxay uga markhaati kaceen inuu kitaabkaasi saxiix yahay marka laga reebo afar xadiis oo ay ka hadleen.

Tirade xadiisyada ku qoran kitaabka:

Waxa ibnu Xajar dhahay: marka la isu geeyo xadiisyada kusoo noqnoqday kitaabka, tacliiqaadka ama xadiisyda faalooyinka ah waa sagaal kun iyo sideetan iyo laba xadiis.

Fiqiga Bukhaari:

Bukhaari ilaahay ha unaxariistee, waa madaxa ugu sareeya ee Cilmiga Xadiiska, waxa kale oo lagu tiriyaa culumada fiqiga. Waxayna culumadu dhaheen: fiqiga Bukhaari waa tarjamada xadiisyada iyo ciwaanka baababka ee uu doortay, kuwaasoo ku tusinaya inuu ahaa caalim wayn oo cilmiga fiqigana looga danbeeyo.

Kutubta sharrxday saxiixa Bukhaari:

Maadaama kitaabka Saxiixa Bukhaari yahay kitaabka ugu saxiixsan kutubta sunnada, waxay culumada Islaamku ku dadaaleen inay sharraxaan kitaabka iyo inay soo gaabiyaan. Waxa lagu qiyaasaa kutubta sharrxday saxiixa Bukhaari dhawr iyo sideetan kitaab.

Sharraxaada ugu wanaagsan waa kitaabka Fatxu Al-baari ee uu qoray Xaafid ibnu Xajar Al-casqalaani ilaahay ha u naxariistee.

Marka laga yimaado kutubta lagu sharraxay Saxiixa Bukhaari, waxa kale oo aan la koobi karaynin kutubta fiqiga ah ee cuskanaysa xadiisyada Bukhaari iyo axkaamta sharciga Islaamka ee laga qaadanayo.

Riyadii Abi Zayid Al-marwazi:

Khadiib Al-baqdaadi wuxuu kasoo wariyey Abi Zayid Al-marwazi inuu dhahay: anigoo hurda meel u dhaxaysa Dhagaxa Madow iyo maqaamka Ibraahiim ayaan ku riyaaday Nabiga (scw), wuxuuna igu dhahay: illamaa goormaad kitaabka Shaafici dhigaysaa oo aanad dhigaynin kitaabkayga? Waxaan idhi: Rasuulkii Ilaahayow: waa kee kitaabkaagu? Wuxuu dhahay: “waa Jaamica Maxamed ibnu Ismaaciil”

Ardaydii Bukhaari:

Ardayda Bukhaari waxay gaadhayaan sagaashan kun sababtoo ah, Bukhaari oo sumcadiisu gaadhay dunida oo dhan oo meelkasta oo uu tago lagu soo dhoweyn jiray.

Ardayda ugu caansan waxa kamid ah: Muslim oo ah sheekha qoray saxiixa Muslimka, Abu zurca, Imaamu Al-tirmadi, Ibnu Khuzaymah, iyo Nisaa’i.

Dhibaatooyinkii soo gaadhay Bukhaari:

Maadaama Imaamu Al-bukhaari sumcadiisu gaadhay meel walba, waxa suurtagal ah in dadka qaar ay xaasideen cilmigiisaba.

Markuu Bukhaari tagay magaalada Niisaaboor, waxa soo dhoweeyey dadkii daganaa magaaladaa ayagoo kaga hortagay meel laba ama sadex looga socda Niisaaboor. Bukhaari waxa soo dhoweyntiisii ka qaybgalay Maxamed ibnu Yaxye Al-duhali ahaa macalinka Bukhaari iyo Muslimba.

Wuxuu Muslim dhahay: Maxamed ibnu Yaxye Al-duhli wuxuu nagu dhahay: cidii doonta inay soo dhoweyso Bukhaari hasoo dhoweyso, hana kala hadlina Bukhaari in lafdiga Quraanku noolyahay iyo inkale.

Maalintii labaad ama sadexaad ayaa ninbaa waydiiye Bukhaari: ku dhawaaqida Quraanku miyaa la abuuray mise laba abuurin? wuuna ka aamusay Bukhaari Hase ahaatee ninkii ayaa su’aashii sadex jeer ku celiyey markaasuu Bukhaarina ku jawaabay: “Quraanku waa hadalkii Ilaahay, lamana abuurin, balse ficilada adoomada ayaa la abuuray.”

Ninkii ayaa meeshii buuq ka dhaliyey oo dhahay: wuxuu leeyahay Lafdiga Quraanka ayaa nool, kadibna way is khilaafeen, markaasaa Bukhaari laga saaray gurigii.

Dhanka kale, Maxamed ibnu Yaxye Al-duhli ayaa bayaamiyey in ruux kasta oo aaminsan in lafdiga Quraanka la abuuray uu yahay bidcoole, aan lala fadhiisan karaynin, hadalna lala wadaagi karaynin.

Waxa kale oo uu dhahay: ninkaasi (Bukhaari) ilama daganaanayo magaalada. Dabadeedna Bukhaari waxa u yimid Muslim ibnu Xajaaj iyo Axmed ibnu Salama An-niisaaboori. Wuxuuna Axmed ku dhahay: Ninkan qiimo ayuu ku leeyahay Khuraasaan, gaar ahaana magaaladan Niisaaboor, mana awoodno inaan hadal ku celino. Markuu maqlay  Bukhaari warkaas, ayuu isaguna iskaga tagay magaaladii Niisaaboor.

Bukhaari wuxuu tagay magaalada Bukhaara ee kasoo jeeday, waxaana loogu soo dhoweeyey si aad u wayn. Markuu magaaladii mudo joogay ayey is khilaafeen ninkii magaalada ka talinayey oo ka dalbaday inuu ubadkiisa guriga ugu yimaado oo uu baro kitaabka “Saxiixa Bukhaari iyo kitaabka Taariikhda Bukhaari.” Bukhaari wuxuu ugu jawaabay: caruurtaadu cilmi hadii ay rabaan ha iigu yimaadaan masaajidka ama gurigayga.

Arrintaas ayuu amiirkii magaaladuna ka cadhooday, wuxuuna Bukhaari ka saaray magaaladii Bukhaara.

Geeridii Bukhaari:

Bukhaari wuxuu tagay magaalada Bakhartank, wuxuuna ku dagay ninka la dhaho Qaalib ibnu Jibriil. Markuu dhawr maalmood joogay ayuu Bukhaari xanuustay, illamaa ay reer Samarqand usoo direen cid soo qaada oo keenta magaalada Samarqand.

Si kastaba ha ahaatee markuu Bukhaari u diyaargaroobay inuu gaadiidkiisii fuulo ayuu dhahay: waan tamaryaraaday oo daciifay, markaasuu jiifsaday sidaasbaanu ku geeriyooday.

Markuu dhintayna waxa ka yimid dhidid badan, taasoo ku tusinaysa khaatumada wanaagsan, sababtoo ruuxa muslimka ah markuu dhimanayo wuxuu ka dhidida dhafoorka.

Isla goobtaas ayaa lagu kafmay, waana lagu aasay Ilaahay ha unaxariistee. Waxaana xabaashiisii lagu arkay udgoon farabadan, illamaa dadkii ay ciida xabaasha gurteen.

Wuxuuna geeriyooday habeen ay soo galayso ciida fidrida, sanadkii 256 kii hijriga, waxaanu cimrigiisu ahaa 62 sano jir.

Culumada islaamka oo amaantay:

  1. Wuxuu Imaamu An-nisaa’i dhahay: “dhamaan kutubta oo dhan majiro kitaab ka fiican kitaabka Maxamed ibnu Ismaaciil.”
  2. Wuxuu dhahay Xaakim abu Axmed Annisaaboori: “Alle ha u naxariisto Maxamed, wuxuu qoray asalkii.”
  3. Axmed ibnu Xanbal wuxuu dhahay: “Khuraasaan may soo saarin qof lamid ah Maxamed ibnu Ismaaciil.”

 

Kutubtii uu qoray Bukhaari:

  • “Al-jaamic assaxiix” oo ku caanbaxay saxiixa Bukhaari.
  • “Qadhaaya assaxaabah wa attaabiciin” wuxuu qoray isagoo 18 sano jir ah.
  • “Taariikh Al-kabiir, Al-awsad, Assaqiir”
  • “Al-adab al-mufrad”

Iyo kutubo badan oo kale, hase ahaatee qaar badan waa la la’yahay oo inamay soo gaadhiin.

 

Gabogabo:

Isku soo wada duuboo Imaam Al-bukhaari waa madaxa culumada Xadiiska, waana fiqi yaqaan uu Ilaahay ku manaystay aqoon, xifdi iyo siiro wanaagsan oo uu aduunka kaga tagay. Ilaahay ha u naxariisto Imaamu Maxamed ibnu Ismaaciil Al-bukhaari.


Waxa Qoray:

Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

[1] sida imaamu Al-dahabi uu ku xusay kitaabkiisa Siyar aclaami an-nubala.