Tusmo

Waa kuwama Umawiyiintu?

Umawiyiintu waxay ku abtirsadaan Umaya binu Cabdi Shamsi binu Cabdi Manaaf, waxay ilmo adeer yihiin reer bani Haashim binu Cabdi Manaaf oo ah qabiilka rasuulku scw kasoo jeedo. Sidaa darteed labada qabiil ee Umawiyiinta iyo Haashimiyiintu waa laba reer oo tol iyo xigaal ah. Markii Hiraqal boqorkii Roomaanku waraysaty Abu sufyaan wuxuu waydiiyay; yaa idiinku abtirsiin dhow xaga nasabka, Abu Sufyaan ayaa yiri; Aniga. Nabiguna scw xaaskiisii Umu Xabiiba bintu Abu Sufyaan waxay ahayd gabadha ugu nasabka dhow dhamaan xaasakii rasuulka scw.

Umawiyiinta iyo dacwadii Islaamka

Umawiyiintu waxay lamid ahayeen qabiiladii kale ee Qureesh iyo carabta kale kuwaasoo qaar kamida ahna qaatay diinta Islaamka, halka kuwa kalena ay diideen ama la dagaalameen. Sidaasoo kale reer Bani Haashim ayagana qaar ayaa ka islaamay qaarna diinta ayay la dagaalameen. Abulahab iyo Abu Sufyaan binu Xaaris oo nabiga scw adeer iyo ilmo adeer u ahaa way kasoo horjeesteen dacwada islaamka, halka kuwa Haashimiyiin ahna ay rumeeyeen diinta una gargaareen sida Jacfar binu Abudaalib, Cali binu Abudaalib, Xamse binu Cabdimudalib iyo Cabdilaahi binu Xaarisa.

Reer bani Umaya waxa ka islaamay oo diinta u gargaaray Cismaan binu Cafaan, Khaalid binu Saciid binu Caas iyo Abu Xudayfa binu Cutba. Hase ahaatee dadka neceb dawlada Umawiyiinta ee Shiicada raafidadu ugu horeeyaan waxay ka dhigaan in Umawiyiintu cadaw la ahaayeen reer bani Haashim waligoodba, islaamka kahor iyo kadib. Waxay tusaale usoo qaataan Abusufyaan binu Xarbi, Cuqab binu Abimaciid, Nadar binu Xaarisa, iyo gaalo kale oo reer bani Umaya kasoo jeeda. Waxay iska indha tiraan saxaabada islaamay ee diinta u hiiliyay, sidoo kale Abusufyaan oo bilowgii hore diinta la dagaalamay wuxuu qaatay diinta islaamka isaga, xaaskiisii, iyo ubadkiisiiba.

Qaabkii ay u xidideen reer bani Umawya iyo reer bani Haashim.

Labada qabiil waa ilmo adeer waxay kala guursadeen hablo badan. Tusaale ahaan; rasuulkii Ilaahay scw wuxuu sadex hablood oo uu dhalay u guuriyay reer bani Umaya binu Cabdi Shami. Saynab waxa guursaday Abi Caas binu Rabiica oo reer bani Cabdi Shamsi ahaa, Ruqaya iyo Umu Kalthuum waxa guursaday Cismaan binu Cafaan oo ah reer bani Umaya binu Cabdishamsi. Halka rasuulku scw uu ka guursaday Umu Xabiiba binu abu sufyaan oo ahayd reer bani Umaya. Cali binu Abidaalib Rc wuxuu guursaday Amaama bintu Abi Caas kadib markii habaryarteed Faadimay ay geeriyootay. Khadiija bintu Cali binu Abidaalib waxay guursatay Cabdiraxmaan binu Caamir binu Kurays oo reer bani Umaya ahaa. Ramla bintu Cali binu Abidaalib waxay guursatay Mucaawiya binu Marwaan binu Xakam oo ahaa Umawi. Saynab bintu Xasan binu Xasan binu Cali binu Abidaalib waxay guursatay Waliid binu Cabdi malik binu Marwan. Faadima bintu Xuseen waxa guursaday Cabdilaahi binu Camruu binu Cusmaan binu Cafaan.

Mucaawiya binu Abi Sufyaan

Boqorkii koowaad ee dawladii reer bani Umaya wuxuu ahaa Mucaawiya binu Abisufyaan binu Xarbi binu Umayah binu Cabdishamsi binu Cabdi Manaaf. Rasuulku scw wuxuu u noqonayaa adeer afaraad, waana seedigii oo nabiga scw ayaa walaashiis qabay. Wuxuu dhashay soo diristii nabiga scw shan sano ama todoba sano kahor, wuxuu ahaa nin dheer oo cad qurxoon, haybad leh. Waxa la wariyaa in nin arkay Mucaawiya oo yar, kadibna uu yiri: waxaan u malaynayaa inuu tolkii hogaamin doono, markaasay hooyadii Hinda bintu Cutba tiri: waan ka goblomay haduu tolkii oo kaliya hogaamiyo.

Aabihii

Abusufyaan binu Xarbi wuxuu ahaa gaalada Qureesheed madaxooda wixii ka danbeeyay dagaalkii Badar, wuxuu nabiga scw la galay dagaalo badan sida Uxud iyo Axsaab, wuxuu islaamay furashadii Makkah, islaamnimadiisuna way hagaagtay. Dagaalkii  Daa’if ayuu il ku waayay, ishiisa kalena wuxuu ku waayay dagaalkii Tabuuk ee ka dhacay dhulka Shaam.  Wuxuu geeriyooday sanadkii 33 hijriga, waxa ku tukaday Cismaan binu Cafaan ilaahay raali haka ahaadee.

Hooyadii

Hooyadii waa Hinda bintu Cutba waxay islaamtay furashadii Makkah, waxay beeco la gashay rasuulkii Ilaahay scw, islaamnimadeedu way hagaagtay. Waxay rasuulka scw waydiisay in ninkeedu yahay nin gacan adag oo aan siinin wax ku filan, kadibna rasuulku scw u fasaxay inay xoolaha ninkeeda ka qaadato wixii ku filan ayada iyo ubadkeeda. Markay islaamtay waxay tiri: Ilaahbaan ku dhaartee cid aan ka jeclaa ma jirin in dhib soo gaadho cidaada, maanta waxaan ka jeclahay majiro in wanaag soo gaadho ehelkaaga. Hinda waxa ka been abuurta shiicada raafidada ah oo u bixiyay tii cuntay beerkii Xamse, xaqiiqduna waxay tahay; Ma jiro xadiis saxiixa oo cadaynaya inay cuntay beerkii Xamse. ta labaad Hinda may ahayn cidii dirtay Waxshi oo dilay Xamse, waxa diray Jubayr binu Mudcim binu Cadi oo ugu ballan qaaday inuu xoraynayo haduu dilo Xamse, sidaasbaanu ku dilay. Kahor intii aanay islaamin hadii ay cadaawad u haysay islaamka maadaama la dilay aabaheed, adeerkeed iyo walaalkeed dagaalkii Badar, waa wax dhici kara hase ahaatee way islaamtay oo waliba islaamnimadeedu hagaagtay ilaahay raali haka ahaadee.

Walaaladii

Yasiid binu Abisufyaan wuxuu la islaamay aabihii furashadii Makkah, wuxuu nabigu siiyay boqol halaad oo geela oo qalbigiisa lagusoo jiidanayay. Abubakar ayaa u doorrtay inuu kamid noqodo madaxda hogaaminaysa ciidamadii duulaanka ku qaaday dhulka Shaam, wuxuuna ahaa ciidankii ugu horeeyay ee dagaalama. Wuxuuna ku dhintay daacuunkii Camwaas ee saxaabo badan ku geeriyoodeen ilaahay haka raali ahaadee, kadibna Cumar binu Khadaab Rc ayaa walaalkii Mucaawiya u magacaabay booskiisii, waliba wuxuu ugu daray gobolo kale oo dhulka Shaam ka tirsan , illamaa Mucaawiya uu noqday cida xukunta dhulka Shaam oo dhan.

Umu Xabiiba waxa qabay rasuulka scw, sidaa darteed ayaa Mucawiya loogu magacaaba Abitiga Mu’miniinta. Waxa kale oo la dhashay Mucaawiya Canbasa binu Abu Sufyaan, Cutba binu Abu Sufyaan.

Mucaawiya ubadkiisii iyo Xaasaskiisii

  1. Maysuun binu Baxdal Al-kalbi oo u dhashay Yasiid biinu ABu Sufyaan.
  2. Faakhita binu Qurdah oo u dhashay Cabdiraxmaan iyo Cabdilaahi. Habilihiisa waxa kamid ahaa Ramla binu Mucaawiya oo uu guursaday Cumar binu Cismaan binu Cafaan. Hinda bintu Mucaawiya oo uu qabay Cabdilaahi binu Caamir iyo Caasha, Caatika iyo Safiyah.

Fadliga Mucaawiya

Wuxuu islaamay xilligii furashada Makkah, walao la sheego inuu yiri: waxaan islaamay cumradii rasuulka scw oo aan qarsaday islaamnimada.

  1. wuxuu kamid ahaa saxaabadii rasuulka scw, taasina waa fadli aad u wayn inuu qofku la saaxibo rasuulkii Ilaahay scw. Sidaan ognahayna Ilaahay saxaabada rasuulka kulligood janno ayuu ugu ballan qaaday sida ay sheegayso aayadaha quraanka ah ee ku jira suuratu xadiid (وَكُلًّا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ) kulligood Ilaahay janno ayuu ugu yaboohay.
  2. Rasuulku scw wuxuu yiri: Ilaahow ka yeel mid hanuunsan, wax hanuuniya isagana hanuuni.
  3. Rasuulku scw wuxuu yiri: Ilaahow Mucaawiya bar kitaabka, xisaabta kana badbaadi cadaabka.
  4. Rasuulku scw wuxuu ku yiri: Ilaahay ma dhargiyo calooshiisa, taasoo lamid ah hooyadii haka goblantee, waana erayo carabtu adeegsan jireen oo aan ahayn habaar. Waxa xadiiskan ay shiicadu u daliishadaan in nabigu scw habaaray Mucaawiya, balse habaar maaha ee waa erayo carabtu isticmaali jireen. Ta lbaad hadii ay tahay habaar, wuxuu rasuulku scw yiri maalmihii noloshiisa u danbeeyay Ilaahow qofkii muslima ee aan habaaro inuu uga yeelo danbi dhaaf iyo dhowaansho xaga Ilaahay ah. Ta sedexaad hadii habaarku yahay mid run ah, nabigu scw kamuu habaarin aakhiradiisa, kaliya waa arrin aduunyo. Sida saxda ahna waa eray carabtu u adeegsan jireen baraarujin iwm. Xadiiska imaamu Muslim wariyay wuxuu cadeeyay in Mucaawiya kamid ahaa saxaabadii rasuulka u qori jirtay waxyiga taasina waa fadli aad u wayn.
  5. Xadiiskii Umu xaraam ee Bukhaariga ku yaalay wuxuu rasuulku ku farxay qaar kamida umadiisa oo badda fuulay ayagoo duulaya, cidii ugu horraysay ee bada fusshay ayagoo duulaan ahna wuxuu ahaa Mucaawiya iyo ciidankiisii xilligii Cusmaan Rc ahaa khaliifka muslimiinta.
  6. Mucaawiya wuxuu rasuulka scw ka wariyaa xadiisyo iyo cilmi balaashan waxa ugu caansan xadiiska Bukhaari iyo Muslim soo wariyeen “Qofkii Ilaahay la doono khayr wuxuu fahansiiyaa diinta”

Maadaama Mucaawiya ahaa boqorkii koowaad ee islaamka, waxa jira xadiisyo badan ee lagaga been abuurtay kuwaas oo qaar kamida lagu amaanayo, qaarna lagu dhaleecaynayo. Waxa Ilaahay mahadiiya in culumada islaamku kala sooceen wixii saxiixa iyo wixii tamar yar ee been abuurad ah.

Xilligii Rasuulks noolaa iyo Umawiyiinta

  1. Rasuulku scw wuxuu Cataab binu Usayd oo ah reer bani Umaya u magacaabay inuu Makkah xukumo.
  2. Camru binu Saciid binu Caas binu Umaya wuxuu ka talin jiray suuqa Makkah.
  3. Khaalid binu Saciid wuxuu gudoomiye ka ahaa Yaman Sanca.
  4. Abaan binu Saciid wuxuu gudoomiye ka ahaa Baxrayn.
  5. Mucaawiya binu Abu Sufyaan wuxuu ahaa nabiga kuwa u qora waxyiga.

Xilligii Abubakar iyo Cumar

Xilligii Abubkar waxa bilaabmay dadkii diinta ka ridoobay sidaa darteed ayuu gudoomiyihii Makkah ee Cataab binu Usayd u diray inuu la dagaalamo gaalada joogta gobolkiisa waanu ka adkaaday. Walaakii Khaalid binu Usayd waxa Abubakar u diray inuu la dagaalamo gaaladii joogtay Yaman. Markii musaylamah lala dagaalamaya waxa madax u ahaa ciidamada Khaalid binu Waliid balse muhaajiriinta waxa madax u ahaa Abu Xudayfah oo isla goobtaa ku geeriyooday ilaahay raali haka ahaadee.

Furashooyinkii waawayna eee xilligii Abubakar iyo Cumar Rc waxa madaxda ciidamada kamid ahaa Yasiid binu Abusufyaan iyo walaalkii Mucaawiya binu Abu Sufyaan. Iskusoo wada duuboo Umawiyiintu waxay kamid ahaayeen cududii uu islmaaku ku guulaystay iyo garab kamid ah garabadii cuslaa ee diinta inasoo gaadhsiiyay.