Sigaarka iyo maandooryayaashu waxay khatar ku yihiin nolosha aadamaha. Sanadkasta waxa cudurada sigaarku sababo u dhinta in kabada 6 milyan oo qof. Dalka Maraykanka, shantii qof ee dhinta, mid kamida ayaa u dhinta cabitaanka sigaarka.

Tusmo

Qeexid:

Sigaarku waa maado la gubayo oo inteeda badan ka kooban maadada tobaakada. Maadooyinka ku dhex jira sigaarka waxa ugu caansan Nikotiin, Hydrogen Cyanide, Carbon monoxide, Polonium iyo qaar kale oo badan.

Maxaa sababa cabitaanka Sigaarka?

Cabitaanka Sigaarka waxa sababa dhawr waxyaabood oo kamid yihiin:

  1. Ku dayasho, ku dayashada aabaha, hooyada, walaalka wayn ee sigaarka caba. Sidoo kale caruurta oo loo diro inay soo iibiyaan sigaarka, waxay ku keentaa inay ayaguna bilaabaan cabida sigaarka ayagoo cimrigoodu aad u yaryahay.
  2. Shaqo la’aanta
  3. Caruurta aan sida fiican loo daryeelin.
  4. Saaxiibada xun
  5. Dhibaatooyinka qoyska, sida furniinka aabaha iyo hooyada. Sidoo kale garaacida ilmaha iyo hooyadaba waxay keentaa inay bilaabaan cabida sigaarka.
  6. Aqoon yari iyo dadka oo aan ku baraarugsanayn dhibaatooyinka sigaarka.

Dhibaatooyinka cabitaanka Sigaarku uu keeno:

Cabida sigaarku waxay sababtaa cuduro aad u badan oo halis ku ah caafimaadka aadamaha, waxaana kamida:

  1. Cudurada ku dhaca Afka, sida kansarka afka, xanuun ku dhaca cirridada iyo ilko beelid.
  2. Xanuunada ku dhaca wareega dhiiga sida: Wadne istaag, wadne xanuun, dhiig karka, faaliga, xididada dhiiga oo awdma.
  3. Xanuunada ku dhaca sanbabada sida: kansarka sanbabada, qufac iyo hargab joogto ah, neef qabad, xiiqda iyo caabuq ku dhaca hunguriga iyo hawo mareenka.
  4. Sigaarku waxa xubnaha jidhkaaga dhamaantood uu ku sababayaa kansar, sida: kansarka kaadi haysta, kansarka dhiiga, kansarka riximka ama ilmo galeenka, kansarka caloosha iyo mindhiciraha, kansarka hunguriga, kansarka kalyaha, kansarka beerka, kansarka beer yarada iyo dhamaan waxa kansar jira wuu ku sababayaa.
  5. Xanuunada nafsaaniga ah sida: walwalka, walaaca, walbahaarka, murugada, tiiraanyada, urugada.
  6. Xanuunada ku dhaca uurka hooyada sida: ilamaha oo soo dhaca, ilmaha uurka ku jira oo sumooba, ilmaha dhalanay oo miisaankiisu aad u yaryahay,  mararka qaarkoodna wuxuu keena madhalaysnimo.
  7. Maqaarka iyo haraga sare ee jidhka oo dhibaato soo gaadho, isagoo dadajiya gabowga iyo maqaarka oo isku urura.
  8. Urtiisa oo aad u xun, oo sababta in kumanaankun oo aan cabin sigaarku inay u naf baxaan.
  9. Lafaha oo jilca, taasoo keenta lafo xanuun iyo in lafuhu si fudud u burburaan.
  10. Daal, Wahsi iyo caajisnimo.

Waa maxay Xukunka diinta Islaamka ee ku aadan cabida sigaarka?

Diinta Islaamku waxay xaaraantimaysa cabitaanka sigaarka, iibsigiisa, ganacsigiisa iyo dilaalkiisaba.

Sababaha loo xarrimay sigaarka:

  • Sigaarku maaha cunto iyo cabitaan wanaagsan ee waa maandoorye dhib ku haya naf iyo maalba. Ilaahay isagoo sifeynaya nabigeena Muxamaed (scw) wuxuu ku tilmaamay inuu umaddiisa wanaaga u xalaaleeyo, kana xarrimo waxyaalaha khabiithka ah ee liita:

 ويحل لهم الطيبات ويحرم عليهم الخبائث

“Wuxuu u xalaaleynayaa dayyibaatka (wanaagyada) wuxuuna ka xarrimayaa khabiith kasta (shay kastoo xun oo liita) [Suuratu Al-acraaf: 157]

Haddaba sigaarku ma cunto wanaagsanbaa mise waa shay khabiitha oo dhibaato ku haya nolosha aadamaha.

  • Lacagta ku baxda sigaarku waa mid khasaaro mooye faa’ido aan laga helaynin. Hadii nin lacagtiisa uu gubo, waa lala yaabi lahaa ayadoo la dhahayo “Waar ninku doqonsanaa sidee lacagtiisa u gubayaa” Hadaba ruuxa sigaarka cabaa, ma gubo lacagtiisa oo kaliya ee wuxuu korodhsada caafimaad darro iyo cuduro. Wuxuuna Allah leeyahay:

وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ (31)

“Cuna oo caba hana xadgudbina, maxaa yeelay Ilaahay ma jecla xadgudbayaasha” [Suuratu Al-acraaf: 31]

  • Sigaarku ma dhibaateeyo qofka cabaya oo kaliya ee wuxuu u gudbaa dadka xitaa aan cabin. Waxa diraasad cusub oo la sameeyey tilmaamaysaa in sanad kasta in kabadan 600,000  oo qof ay u dhintaan qiiqa sigaarka lagu buufiyey. Qiiqa sigaarka kasoo baxa afka ruuxa caba sigaarka waxa loo yaqaana second-hand smoke, wuxuuna dadka ku sabab kansarka noocyadiisa kala duwan.

Culumada Islaamku ayagoo ka duulaya dhibaatada sigaarku ku hayo noolaha, waxay xaaraantimeeyeen sigaarka iyo in laga shaqaystaba. sababtoo ah hadii Ilaahay shay xarrimo, wuxuu kale oo uu xarrima lacagta lagasoo saaro.

وإن الله عز وجل إذا حرم على قوم أكل شيء حرم عليهم ثمنه

“Ilaaha wayn ee sharafta leh haduu qoom ka xarrimo cunida shay, wuxuu ka xarrimaa lacagteedana” [Musnadka Imaamu Axmed: 3488 Waxa saxiixiyey Arnaa’uudi]

Xigasho: