Shayaadiinta dadka dhibaabtada u gaystaa way badanyihiin, midbaa dadka salaada ka waswaasiya waxa la dhahaa Khinzab siduu rasuulku (scw) ku magacaabay, midbaa qofku markuu seexdo sadex guntimo ku xidha qadaadka madaxiisa isagoo ku leh habeen dheer ayaa kuu hadhay ee iska jiif, midbaa dadka hurdada salaadu ay kaga tagto dhagta kaga kaaja, midbaa suuliyada dadka ceebahooda ka daawada. Dhamaan shayaadiintaasi waxay baadiyeysiiyaan ibnu Aadamka, waana adeegayaal u shaqeeya Ibliis.

Waxa kale oo jira shaydaan la dhaho Qareen oo shaqadiisu tahay inuu dadka waswaasiyo. Wuxuu dadka faraa xumaan inay la yimaadaan, hadal xun ku hadlaan, faaxisho ay ku dhacaan iyo inay Ilaahay iyo diintiisa ay ka sheegaan wax aanay aqoon u lahayn.

Hadii qofka muslimka ah ku gaashaamanyahay dikriga Ilaahay, waxba kama qaadayo dhagarta shaydaankaasi uu maleegay, sababtoo ah dhagarta shaydaanku waa mid tamar yar.

Balse qofka ka fogaaday xuska Ilaahay ee habeen iyo maalinba xumaan ku foogan, qofkaas waa hubaal inuu meel daran ka tuurayo.

Ilaahay wuxuu yiri isagoo inooga warramaya doodada dhex maraysa inaasnka iyo shaydaankiisii Qareenka ahaa.

قَالَ قَرِينُهُ رَبَّنَا مَا أَطْغَيْتُهُ وَلَـٰكِن كَانَ فِي ضَلَالٍ بَعِيدٍ ﴿٢٧﴾ قَالَ لَا تَخْتَصِمُوا لَدَيَّ وَقَدْ قَدَّمْتُ إِلَيْكُم بِالْوَعِيدِ ﴿٢٨﴾ مَا يُبَدَّلُ الْقَوْلُ لَدَيَّ وَمَا أَنَا بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ ﴿٢٩﴾

Wuxuu yiri Qareenkii (shaydaanka ahaa) Rabbiyow maan baadiyaysiinin laakiin isaga ayaa lunsanaa baadi cad (27) wuxuu yiri (Rabbi) haku murmina agtayda waxaan idiin hormariyey goodigii (28) laguma badalo agtayda hadal mana dulminayo adoona (29)[1]

Doodaasi waxay dhex maraysaa qareenkii shaydaanka ahaa iyo insaakii baadiyoobay, isagoo insaanku uu leeyahay: rabbiyow qareenkan xun ee shaydaanka ah ayaa hanuunkii iga hor istaagay. Halka qareenkiina uu ka dhahayo: maya, rabbiyow isagaa u diyaarsanaa inuu baadi noqdo. Sidaasbayna labadooduba ayagoo murmaya ay naarta ku galayaan, Ilaahbaan ka magan galnee.

Qareenka shaydaanka ah wuxuu qofka raacaa maalinta uu dhasho illamaa uu ka dhimanayo, waxa laga wariyey rasuulkii Ilaahay (scw) inuu yiri:

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا وَقَدْ وُكِّلَ بِهِ قَرِينُهُ مِنْ الْجِنِّ قَالُوا وَإِيَّاكَ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ وَإِيَّايَ إِلَّا أَنَّ اللَّهَ أَعَانَنِي عَلَيْهِ فَأَسْلَمَ فَلَا يَأْمُرُنِي إِلَّا بِخَيْرٍ

Cabdilaahi Ibnu Mascuud waxa laga wariyey inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “ma jiro mid idinka mid ah oo aan loo wakiilan qareenkiisa jinka ah, waxay dhaheen: adigana rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yiri: haa, hase ahaatee Ilaahay ayaa iiga kaalmeeyey oo wuu islaamay (is dhiibay) oo ma i farayo wax aan khayr ahayn.[2]

Xadiisku wuxuu tilmaamay dhawr arrimood:

  1. Qof kasta qareen shaydaana ayaa la socda, sidoo kale qareen malaga ayaa la socda sida lagu sheegay Quraanka iyo sunnadaba.
  2. Shaydaankana waxa u wakiishay Ibliis, ogolaanshaha rabbi kadib, wuxuuna la soconayaa qofka illamaa uu ka dhimanayo. Marka qofku uu dhinto waxa raaca xoolihiisa, ehelkiisa iyo camalkiisa, waxa ku hadha camalkiisa oo kaliya. Sidaa darteed shaydaankii qareenka ahaa wuu ka hadhayaa ama wuu dhimanayaa. Lamana garanayo masiirkiisa inuu dhimanayo iyo inuu dad kale sii baadiyeysiinayo. Ilaah unbaa og.
  3. Xataa rasuulka Ilaahay (scw) waxa loo wakiishay qareen shaydaan ah balse wuu islaamay ama wuu is dhiibay oo wax aan khayr ahayn ma farayo. Ereyga wuu islaamay, waa la isku khilaafay macnaheeda: qolo waxay tidhi wuu islaamay oo khayr unbuu farayaa rasuulka, halka culumo kalena ay dhaheen: maya, ee wuu is dhiibay oo waa laga adkaaday.
  4. Sidoo kale xadiisku wuxuu inoo cadaynayaa in shaydaanka qareenka ah shaqadiisu ay tahay inuu dadka waswaasiyo, sababtoo ah rasuulku wuxuu yiri: khayr unbuu i faraa, taasoo laga fahmayo in dadka uu sharka un faro cidii aanu Ilaahay uga gargaarin.

Dhibaatooyinka qareenka shaydaanka ah uu dadka u gaysto waxay ku koobanyihiin waswaasid, marka laga reebo xaalada cayiman.

Nabi Aadam (scw) qareenkiisu wuxuu ahaa Ibliis, sidaa darteed ayuu u waswaasiyey si uu jannada uga saaro. Waswaasiduna macnaheedu maaha inuu qasbay ee kaliya wuxuu faray inuu geedka cuno isagoo u qurxinaya, kuna soo tuuraya hadal xanshaashaqa.

فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ الشَّيْطَانُ قَالَ يَا آدَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ الْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَىٰ ﴿١٢٠﴾

“waxa waswaasiyey shaydaankii oo dhahay Aadamow ma ku tusaa geedkii waarida iyo boqortooyo aan dhamaanayn”[3]

Xaalada kaliya ee qareenku hawl aan waswaasid ahayn uu qabto waa marka qof tukanaya oo sutro is hordhigay uu qof kale hormarsiiyo. Rasuulkii Ilaahay (scw) waxa lagasoo wariyey:

عن عبد الله بن عمر أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ” إذا كان أحدكم يصلِّي فلا يدع أحداً يمرُّ بين يديه ، فإن أبى فليقاتلْه فإن معه القرين ” .

Cabdilaahi binu Cumar waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yiri: “hadii midkiin uu tukanayo yaanu u ogolaanin in cid hortiisa marto, haduu diido (qofkii hormaya inuu istaago) hala dagaalamo waxa la socda qareenkiiye”[4]

Dabcan sida aan hore usoo sheegnay shayaadiinta shaqooyin kala duwan ayay u hayaan Ibliis, kuwa dadka sixra ama ileeya waa shayaadiin ka duwan kan shaydaanka qareenka ah. Laga yaabaa in shaydaanka qareenku caawiyo shayaadiinta kale marka qof la sixrayo, balse marnaba lagama fahmayo nusuusta (daliilada) soo arooray in shaydaanka qareenku wax aan waswaasid ahay uu qabto.

Dhanka kale qofkasta waxa la socda qareen malaga sida lagu sheegay quraanka iyo sunnadaba, Ilaahay wuxuu yiri:

وَقَالَ قَرِينُهُ هَـٰذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ ﴿٢٣﴾

“Wuxuu yiri qareenkii (malaga ahaa) waa kan wixii aan diiwaangaliyey (ee la ii xilsaaray)”[5]

Rasuulkii Ilaahayna wuxuu yiri:

وقد وكل به قرينه من الجن وقرينه من الملائكة

“Waxa loo wakiishay (dadkii) qareenkiisii jinka ahaa iyo qareenkiisii malaga ahaa”[6]

Maadaama qareenka shaydaanku dadka farayo xumaanta, waxa kasoo horjeeda malaga oo isaguna dadka faraya wanaaga iyo khayrka, qofkuna isagaa dooranaya khayrkii ama sharkii. Haduu doorto sharkii waxa loo soo dirayaa shayaadiin kale:

أَلَمْ تَرَ أَنَّا أَرْسَلْنَا الشَّيَاطِينَ عَلَى الْكَافِرِينَ تَؤُزُّهُمْ أَزًّا ﴿٨٣﴾

“Miyaanad arkayn (rasuulkii Ilaahayow) anagaa ku sallidnay shayaadiinta gaalada si ay u baadiyeysiiso baadi”[7]

Hadii qofku doorto khayrkii iyo wanaagii, waxa dul imanaya malaa’iktii Ilaahay oo isugu habar wacanaysa ayagoo leh: kaalaya, halkan ayaa Ilaahay lagu xusayaaye.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ لِلَّهِ مَلَائِكَةً يَطُوفُونَ فِي الطُّرُقِ يَلْتَمِسُونَ أَهْلَ الذِّكْرِ فَإِذَا وَجَدُوا قَوْمًا يَذْكُرُونَ اللَّهَ تَنَادَوْا هَلُمُّوا إِلَى حَاجَتِكُمْ قَالَ فَيَحُفُّونَهُمْ بِأَجْنِحَتِهِمْ إِلَى السَّمَاءِ الدُّنْيَا

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (Scw) wuu yiri: “Ilaahay wuxuu leeyahay malaa’ik socda wadooyinka oo raadiya ehelka dikiriga (kuwa Ilaahay xusa) hadii ay helaan qoom xusaya Ilaahay, way isu yeedhaan (ayagoo leh) u kaalaya xaajadiinii, waxayna ku hadhiyaan baalashooda ilaa samada koowaad (ayagoo kala sarreeya)”[8]


[1] Suuratu Qaaf: 27,28,29

[2] Saxiix Muslim: 2814

[3] Suuratu Daaha: 120

[4] Saxiix Muslim: 506

[5] Suuratu Qaaf: 23

[6] Saxiix Muslim: 2814

[7] Suuratu Maryam: 83

[8] Bukhaari: 6045