Sida lawada ogyahay saxaabada Rasuulka (scw) badankoodu waxay kasoo jeedeen qabaal’ilada Carbeed, hase ahaatee waxa jiray saxaabo asalkoodu ahaa Afrikaan, Faarisiyiin, Yurubiyaan, Qibdiyiin iyo Kurdiyiinba. Maqaalkan waxaynu kusoo qaadanaynaa saxaabadii Afrikaanka ahaa ama diirkooda sare madoobaa.

Tusmo

Bilaal binu Rawaaxa (Rc)

Wuxuu ahaa saxaabi goor hore islaamay oo dhib badan kala kulmay gaaladii reer Qureesheed gaar ahaan Umaya ibnu Khalaf oo uu adoon u ahaan jiray, kadibna waxa iibsaday Abubakar (Rc) oo ilaahay dartii u xoreeyay. Bilaal wuxuu ahaa nin madow oo asalkiisu yahay Afrikaan, waana mid kamida saxaabada Jannada loogu bishaareeyay.

Mihajac Mawlihii Cumar binu Khadaab (Rc)

Mihjac wuxuu ahaa nin madow oo mawle u ahaa Rasuulka (scw), mawluhu waa qof adoon ahaan jiray oo la xoreeyay, waxa nabiga lagasoo wariyay sida ku qoran Mustadraka Xaakim inuu yiri: “Sadex ayaa ugu khayr badan dadka madow, waa Luqmaankii xikmada badnaa, Bilaal iyo Mihjac mawlihii Rasuulka”

Sidoo kale waxa la tilmaamay in Mijjac ahaa mawlihii Cumar binu Khadaab kaasoo ku shahiiday dagaalkii Badar. Culumadu waxay isku khilaafeen inay jireen laba Mihjac iyo inuu hal nin un uu ahaa.

Miqdaad binu Aswad (Rc)

Saxaabigan waa ninkii kaliya ee fuushanaa faraska maalintii Badar, waana mid kamida saxaabadii ugu hor islaamay. Waxa Imaamu Dahabi ku sheegay kitaabkiisa Siyar Aclaami Annubalaa in Miqdaad ahaan jiray adoon madow.

Rabaax Mawlihii Rasuulka (Rc)

Rabaax oo ahaa ninkii ilaalin jiray Rasuulka sida kusoo aroortay kutubta saxiixa ah wuxuu ahaa nin madow oo Afrikaana.

Julaybiib (Rc)

Julaybiib wuxuu ahaa nin madow oo faqiira, isagoo dhowaan aroostay ayuu ka qaybgalay dagaal, wuxuna dilay todoba kamida gaaladii, isagiina way dileen. Rasuulkuna (scw) wuxuu yiri: Julaybiib aniguu iga ahaaday, aniguna isaga ayaan ka ahaaday”.

Umu Ayma Barkah Alxabashiyyah (Rc)

Umu Ayman waa gabadhii nabiga soo korisay, waxayna ahayd gabadh kasoo jeeda dhulka Xabashida, waxa guursaday saxaabigii Sayid binu Xaarisa, waxayna u dhashay Usaama binu Sayid oo isaguna ahaa nin madow.

Waxshiyy (Rc)

Waxshiyy wuxuu ahaa ninkii dilay Xamse binu Cabdi Mudalib oo ahaa nabiga adeerkii iyo gaalkii la odhan jiray Musaylama Al-kaddaab. Wuxuu ahaan jiray adoon uu leeyahay Jubayr binu Mudcim kaasoo u ballan qaaday inuu xorayn doono haduu dilo Xamse binu Cabdi Mudalib.

Caamir binu Fahiira (Rc)

Waa mawlihii Abubakar, isagaana xoreeyay wuxuuna ka qayb qaatay hijradii Rasuulka (scw)  isagoo tirtiri jiray raadkii Cabdilaahi binu Abubakar oo warka kasoo qaadi jiray reer Makkah oo goor habeenimo ah u warrami jiray Rasuulka iyo aabihii markii ay ku jireen godka. Alle haka raali ahaadee Caamir wuxuu ka qaybgalay dagaaladii Badar iyo Uxud, wuxuuna ku shahiiday shirqoolkii lagu laayay afartanka saxaabi ee Bi’ru Macuuna.

Umu Sufar (Rc)

Waa gabadh saxaabiyada oo kasoo jeeday qaarada Afrika, waxayna u timid rasuulka (scw) ayadoo ka cabanaysa cudurka suuxida, waxay rasuulka ka codsatay inuu u duceeyo oo Ilaahay ka dulqaado cudurkaas, kaasoo sababi jiray in cawradeedu kashifanto, kadibna Rasuulku (scw) wuxuu kala dooransiiyay inay ku samirto oo Jannada gasho iyo inuu u duceeyo oo ay cudurka Ilaahay ka dulqaado, waxay dooratay Jannada balse waxay codsatay in cawradeeda Ilaahay u asturo, nabiguna waa uduceeyay.

Umu Mixjan (Rc)

Waa haweenaydii madoobayd ee nadiifin jirtay masaajidka Rasuulka (scw), markii ay dhimatay goor habeena oo saxaabadii Rasuulku ay aaseen ayuu nabigu ogaaday dhimashadeeda, kadibna xabaasheedii ayuu ku tukaday.

Waliida (Rc)

Waa gabadh madoobayd oo Caasha (Rc) la joogi jirtay, taasoo ka sheekayn jirtay maalin mucjiso ah oo Ilaahay kasoo badbaadiyay qoom gaaleed.