Tusmo

Sanamka Safiya:

Sanamka Safiya waa sanam loo ekaysiiyey ibnu Aadamka, waxaana samaysay shirkada Hanson Robotics,  ee xarunteedu tahay magaalada Hong Kong. Waxay sheegeen dadkii sameeyey sanamkan, in loogu talo galay inay caawiso ibnu aadamka iyo inay la qabsato dhaqamada iyo ficilada aadamaha.

Indhaha caalamka waxa soo jiitay markii sanamka Safiya wareysi kala duwan lala yeeshay, ayna ka qeyb gashay shirar heer caalamiya. Sanamka Safiya waxa la siiyey jinsiyada dalka Sacuudiga, sanadkii 2017 kii bishii Oktober. Sidaasna waxay ku noqotay sanamkii ugu horeeyey ee hela jinsiyad dal ku yaala Aduunka.

Sanamka Safiya waxa la daaray batterigiisa 19 kii April sanadkii 2015 kii, waxaana loo ekeysiiyey gabadh fanaanad ahayd  oo kasoo jeeday wadanka Ingiriiska. Sanamkan waxa wajigiisa lagu rakibay Kamero u saamaxaysa inay kala saarto dadka wajiyadooda. Sanamkan waxa kale oo lagu rakibay tikanaloojiyada loo yaqaano Speech recognition ( Aqoonsiga Hadalka) ee ay leedahay shirkada Alphabet Inc.

Sanamka Safiya waxay ka qeybgashay shirkii qaramada midoobay ee 1 Oktober, sanadkii 2017 ka, ayadoo la kulantay ku xigaha xoghayaha qaramada midoobay.

Baraha bulshada ee dadku ku kulmaan waxa lagaga doodayey, sideebaa sanam ropota loo siiyey jinsiyada dalka Sacuudiga? Ayadoo Sacuudiga ay ku noolyihiin malaayiin qof oo ibnu aadama, oo ku noolaa tobanaan sanadood ayna u suurtoobin inay helaan jinsiyada dalkaas ama degaanashaha wadanka.

Arrinta kale ee cajiibka ah ayaa waxay tahay, maadaama sanamkani haysto jinsiyada Sacuudiga, miyaa la siinayaa xuquuqda ay leeyihiin muwaadiniinta Sacuudigu, sida inay guursan karaan, gaadhi kaxayn karaan, hanti yeelan karaan iwm.

Miyey hadda kahor jireen sanamyo hadla?

 

Sanamyada in la sameeyo waa caado iyo dhaqan aad u fog oo ibnu aadamka shaydaanku baadiyeysiiyo ay sawiri jireen. Waxa tusaale inoogu filan sanamyadii qoomkii nabi Nuux (csw), ee shanta ahaa: Waddi, Suwaac, Yacuuq, Yaquuth iyo Nasri.

Sidoo kale Quraanka Ilaahay wuxuu inoogu sheegay in yahuudigii Saamiri uu reer banu Israa’iil u sameeyey sanam u ekaa dibi, kaasoo u ciyi jiray sida lo’da.

Xilligii nabigeena waxa Kacbada hareeraheeda yaalay 360 sanam oo Ilaahay qayrkii lagu caabudi jiray.  Nabigu markii uu furtay magaalada Makkah, wuxuu burburiyey dhamaan sanamyadii magaalada Makkah yaalay iyo Jasiirada carbeedba.

Ma Ogtahay in Sanamka Cuza uu hadli jiray?

Sanamka Cuza wuxuu yaalay deegaanka Nakhlah, waxaana caabudi jiray reer Qureesheed. Furshadii Makkah kadib, wuxuu Rasuulkii Ilaahay diray Khaalid ibnu Waliid si uu hilfaha ugu qaado sanamka Cuza.

Khaalid wuu baxay, wuxuuna burburiyey sanamkii kadibna wuu soo laabtay. Markuu rasuulka la kulmay, ayuu nabigu waydiiyey miyaad wax aragtay? Wuxuu dhahay: Maya. Wuxuu dhahay Rasuulku: Dib ulaabo, wali waxba maad samaynine”

Khaalid ibnu Waliid oo ahaa seeftii Ilaahay ee galka la’ayd ayaa isagoo cadhaysan ku noqday deegaankii Nakhlah, wuxuuna kula kulmay naag shaydaamada oo qaawan, madaxeedana ciid ku shubaysa, waanu dilay.

Markuu Khaalid soo laabtay ee uu warkii u sheegay Rasuulka,  ayuu dhahay nabigu: “Taasi waxay Cuzaha”

Hadaba hadii sanam kasta ay ku lamaantahay shaydaan, maaha wax la fogaysan karo in sanam uu hadlo, oo waa shay ay gaaladu waligoodba samayn jireen. Waxaana ku baadiyoobi jiray maangaabka ibnu aadamka.

Sanamka Safiya, waxba kuwii hore kagama duwana, waa un sanam kale oo shaydaanku uga faa’ideysanayo inuu ku baadiyeysiiyo dadka caabuda Sayniska.

Dadka caabuda cilmiga saynisku waxay sheegeen inay abuureen makhluuq lamida wixii Ilaahay abuuray.

أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَانُوا أَكْثَرَ مِنْهُمْ وَأَشَدَّ قُوَّةً وَآثَارًا فِي الْأَرْضِ فَمَا أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا يَكْسِبُونَ (82) فَلَمَّا جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَرِحُوا بِمَا عِندَهُم مِّنَ الْعِلْمِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (83)

Maxay diinta Islaamku ka qabtaa in sanamyada loo ekeysiiyo ibnu aadamka?

Diintan Islaamka ee wayn waxay dhiiri galinaysaa dhamaan culuumta waxtarka u leh aadamaha, sida sayniska iyo tiknaloojiyada. Hase ahaatee in la sameeyo sanamyo loo ekeysiiyo abuurka Ilaahay, waa arrin ku xaaraana diinta Islaamka. Cida sawirta sanam loo ekeysiiyey abuurka Ilaahay sida ibnu aadamka, waxa kusoo arooray goodin aad u wayn:

 

عن عائشة عن رسول الله صلى الله عليه وسلم أنه قال: «أشد الناس عذابا يوم القيامة الذين يضاهئون بخلق الله».

Caasha waxay ka warisay Rasuulkii Ilaahay (scw) inuu dhahay: ”Dadka ugu cadaabka daran maalinta Qayaame waa kuwa shabaha abuurka Alle” [Bukhaari: 5610 ]

Sido kale waxa Rasuulka laga wariyey inuu dhahay:

«إن اصحاب هذه الصور يعذبون يوم القيامة، يقال لهم: أحيو ما خلقتم».

”Asxaabta sawirta sanamyadan waa la cadibayaa maalinta Qayaame, waxaana lagu dhahayaa: nooleeya wixii aad abuurteen” [5607 ]