Tusmo

Saacada Qayaame kahor, waxay dadku caabudayaan sanamka Dul Khalasah:

Waxa rasuulkii Ilaahay (scw) lagasoo wariyey xadiis saxiixaynka ku yaala oo tilmaamaya in qabiilka reer Dawsi ay caabudidoonaan sanam la dhaho magiciisa Dulkhalasah, oo xilligii jaahiliga ay caabudi jireen.

عن أبي هريرةقال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا تقوم الساعة حتى تضطرب أليات نساء دوس حول ذي الخلصة وكانت صنما تعبدها دوس في الجاهلية بتبالة

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa dhahay: “Saacada Qayaame dhici mayso illamaa dabada luxaan dumarka reer dawsi sanamka dil khalasah hareertiisa, waxayna ahayd sanam reer dawsi caabudi jireen xilligii jaahiliga oo ku yaalay Tibaalah” [Muslim: 2906 iyo Bukhaari: 6699]

Sanamka dul khalsah wuxuu ahaa sanam qabiilka reer dawsi ay caabudi jireen xilliga jaahiliga, wuxuuna Rasuulkii Ilaahay (scw) inoo cadeeyey in sanamkan caabudidiisu dib usoo noqonayso oo waliba dumarku dabadooda ay ku dul luxi doonaana. Dabadu waa badhida dadku ku fadhiisto. Hadaba luxideeda maxaa looga jeedaa?

Waxay culumada islaamku dhaheen: dabo luxida waxa looga jeedaa, in dumarkaasi ay caabudayaan sanamka iyo inay sanamka ku dul dawaafayaan oo meesha buuq iyo saxmad ka dhacayso. Marka dumarku isku bataana ayey luxayaan dabadooda sida niikada oo kale, taasoo ina tusinaysa inay sanamkan caabudayaan Ilaahay qayrkii.

Waxaana suurtagal ah in sanamkan dhagxaantiisa dumarka lagu fadhiisinayo, oo ay ka barakaysanayaan sidii dhici jirtay xilligii soomaalidu ay ku jirto casriga jahliga oo ilaa hadda ay wax kasii hadhsanyihiin. Waxa dumarka dhali waayey la fadhiisin jiray dhagxaan dushooda, iyo xabaalo, waxaana laga barakaysan jiray ciida iyo carrada xabaasha oo la isku masaxi jiray. Xitaa qof aan siyaarada xabaasha tagin, waxa loo keeni jiray ciida xabaasha oo ay ka barakaysan jireen.

SubxaanaAllah, caado dhaqameedka gaalnimad ah waxa hadda kahor caabudi jiray qabiilooyin carbeed sida reer Dawsi, wuxuuna nabigeenu cadeeyey inay Qayaamada kahor hadana sanamkaas la caabudi doona.

Waa kuma sanamka Dil Khalasah?

Sida riwaayado daciif ah ay tilmaamayaan, waxa sanamkan uu ahaa nin ay dhashay gabadh la dhihi jiray Khalasah. Gabadhaasna ayadoo maalin la joogta adhigeeda ayaa daruur madow ay dusha ka fuushay, waxayna tidhi waxaan dareemay waxa dhex mara nin iyo xaaskii. Ayadoo qaylinaysa ayey ehelkeedu u tagtay, waxayna tidhi: waxaan ka cabsanayaa in aan uur leeyahay.

Ugu danbayn gabadhii wiilbay dhashay, dhagaha eyda oo kale leh, wuxuuna wiilkaasi noqday sixiroole qabiilkiisa wax u faaliya illamaa uu dhintay oo dhuxul gubatay oo kale uu noqday. Kadibna buurtii uu ku dhintay oo qol uga dhisnaa ayey carabtii caabudeen, Ilaahbaan ka magan galnaye.